Nasteexo, 31-07-2015 23:20

Nasteexoy haddaad tiri ammaan,  nugusa soo meeri,
naruuriyo inaad waalidkaa, nuunnahood tahaye,
araggooda nuurkiis tihiyo, udugya neecawba,
Eebbaheen Nasiir baa Qur'aan, nuura ku caddeeyey,
ee hoo nasteexoy akhbaar, 
iga nudo waxaad iga rabtiyo, 
--------------0-----------------

Nolol qoys markii laga hadliyo, ubad la naashnaasho,
abtigay cabdiraxmaan nur iyo, niman asaaggiiya,      baabka naxariista
ama hooyo nimca saynab oo, naagu ka horraysey,
labo waalid oo naaxintiyo, nabad ku gaareysey,
fili mayo nin sheegaya inuu, berigi noolaaye,
ogow taa nasteexoy marnaba, beenu nool ma lehe,
--------0---------

Nin wanaagsanaa wuu jiroo, naagu tiicidaye,
naag wanaagsanina way jirtoo, nacas lug gooyaahe,
balse labo nashaad wada lahoo, wada naruuraysan,
naxariis la mida maanan arag, nooci birigaaye,
ogow taa nasteexoy marnaba, beenu nool ma lehe,
----------------0---------------

Nasteexoy Nimcoy
gabaryahay nagaadiga janniyo, naallo lagu siiye,

hayeeshee nasteexoy abtigay, naazil uga guurye,

eeddo saynab naaskeedi aad,  shalayto nuugeysay,
nafta raaxadeedaad ahayd, nuunnanimadiiye,
nalkeediyo iftiin baad ahayd,  BIXIYA NEECAAWE, ---------------
in kastoo ninkii toban quruun, nolola soo joogey,
ee nabiyadii soo arkiyo, ciise iyo nuuxba,
waalidkiisi nuunnuu u yahay, nuuga weli naase,
sidaasaad nasteexoy adigu, naasa nuug tahaye,
adigay dartaa niiqantoo, galay nusqaan weyne,
ha illoobin nabarkey dartaa, tabar nuxuusaysey,

cisho noolba naaskaad jaqdaa, naban agtaadaaye,    hareertaada
dhab u fiiri nuurkiisa iyo, nimca wanaaggiisi,

ha illoobin nabarkey dartaa,   tabar nuxuuseysay,
oy foosha naanaabtay oo,   dhididku naafeeyey,
naabadi faruuryaha ku tiil,   Quwaddi naafowday,
Qandhadii ka nuunaasisee,  Nadow ku beeraysey,
ee duni nagaadiga dambiyo,   Nolol ka quusaysey,
goortaad sidii nayshi aad, naa'da ku billawday,
farxaddii ka soo naasishee, nabar illowsiiday,
xildhibaan nuwaabay sidiis, farax la soo nuurtay,

nasteexadii cabdiraxmaan adeer, nuunka magacaagu,
naruuriyo wanaag ba u ahaa, neefsashiyo raaxo,
iyadaa ku naashnaashtayoo, -----------------,
adigoo nafaystoo hurdiyo,  raaxo ka nibdaaday,


un baad nayl sideedii haddana, Naa' di ku billowday,
kuma ay nagaan jiifki oo, naw ka soo tiriye,
waan noogay kuma ay orayn, daal ku naaqusaye,

nasashada intay meel tagtana,  noogay may dhihine,


horey naaski kaa siisay iyo, caano naxariise,
markii aad ka naaxdee hurdada, aad ka soo noqoto, naaxdaba hrda aad ku noqonaysey  
nusu saace jiif oysan ledin,  nooggi weli haayo,
ha illoobin nabarkey dartaa, tabar nuxuuseysey,
ha illoobin nasteexoy dartaa, waxay u naafowday,

naxariist ----------------
bal xannaan nugaylkeeda eeg, naacimnimadeeda,
dartaa bay nuglaatoo --------------,
naaskaad ka nuugtiyo dushey, kugu nibdaadeysay,
nageyliyo New york
muuqaagu nuur iyo u yahay, nal an demeyn waana,

cabdiraxmaan aabbahaa nuunnihiis tahaye,
inad duco u noodnoodisood, n-----------,

haddii diintu kuu nuurto ee,  naasir ku hanuunsho,
tanya naaski aad nuugtay baad, negi xusuuseehe,
xusuusnaw nasteexoy dartaa, inay u naafowday ,  nuunaastay
waan noogay kuma ay dhaheyn, ---------- ,

ninkii aan caqlini naaxil buu, daba nashleeyaaye,
nacallaa ku taal ee ibliis, hawgu nacamlaynin,
nijaas weeye oo waxa xun buu, kugu naceeyaaye,
inad hooyadaa naaqustood, ---------------,
ka fogow nabsiga raaga iyo, hooyo nidarkeeda,
naqya doog nagaadiyo halkii, naallo lagu sheego,
ninkii khayr leh uun baa wanaag, laga niyeystaaye,
niyuu yoork nugaal iyo kulay, tahayna nayroobi,
nasiiniyo nasteexiyo halkay, naruro ay taallo,
nasiinadu halkay allaa, naafac garanaaye,
waa nooca qaybkoo, ------------------,
Nasiir baa garaa oo Alley, nacam u taallaaye,
Ducadeeda bay uun nimciyo, naallo daba taale,
ka nafayso maantay nimciyo, hooyo nooshahaye,

in kastood mar hore nuugmadii, naaska ka abaadday,
haddii naaski caanugu gureed, nuunnannimo dhaaftay,
waxad weli ka nuugee midaan, naaficiis go'ine,
ka nafaysta maantay nimciyo, hooyo nooshahaye.

naadir weeye ruux hooda laa- - - -, hela nasiibkaase,
nuxurkiyo naxwihii maansadaan, kuu nashirayaaye,
ka nafayso ruux hooda laa, hela nasiibkaase,

Nuqul weeye noloshaan adduun, koobbi nacamlaahe,
Naf kastaa waxay naawishaa, loo nuxuriyaaye,
Nasiib maleh qofkaan waalidkii duco ka nuursayne,
naartuu ku naanaabi oo, lagu nishaabaaye,
ka nafaysta maantay nimciyo, hooyo nooshahaye.


hooyadaana nimca saynabaan, naagu ka horraynin,
naanaabyey hooyadi qofaan, nugul u muujayne,

Nuunka gabayada ka kaca..
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk