Nasteexo, 31-07-2015 23:20

Nasteexoy haddaad tiri ammaan,  nugusa soo meeri
naruuriyo inaad waalidkaa, nuunnahood tahaye
araggooda nuurkiis tihiyo, udugya neecawba
Eebbaheen Nasiir baa Qur'aan, nuura ku caddeeyey
ee hoo nasteexoy akhbaar, 
iga nudo waxaad iga rabtiyo, 
--------------0-----------------

Nolol qoys markii laga hadliyo, ubad la naashnaasho
abtigay cabdiraxmaan nur iyo, niman asaaggiiya       baabka naxariista
ama hooyo nimca saynab oo, naagu ka horraysey
labo waalid oo naaxintiyo, nabad ku gaareysey
fili mayo nin sheegaya inuu, berigi noolaaye
ogow taa nasteexoy marnaba, beenu nool ma lehe
--------0---------

Nin wanaagsanaa wuu jiroo, naagu tiicidaye
naag wanaagsanina way jirtoo, nacas lug gooyaahe
balse labo nashaad wada lahoo, wada naruuraysan
naxariis la mida maanan arag, nooci birigaaye
ogow taa nasteexoy marnaba, beenu nool ma lehe
----------------0---------------

Nasteexoy Nimcoy
gabaryahay nagaadiga janniyo, naallo lagu siiye

hayeeshee nasteexoy abtigay, naazil uga guurye

eeddo saynab naaskeedi aad,  shalayto nuugeysay
nafta raaxadeedaad ahayd, nuunnanimadiiye
nalkeediyo iftiin baad ahayd,  BIXIYA NEECAAWE ---------------
in kastoo ninkii toban quruun, nolola soo joogey
ee nabiyadii soo arkiyo, ciise iyo nuuxba
waalidkiisi nuunnuu u yahay, nuuga weli naase
sidaasaad nasteexoy adigu, naasa nuug tahaye
adigay dartaa niiqantoo, galay nusqaan weyne
ha illoobin nabarkey dartaa, tabar nuxuusaysey

cisho noolba naaskaad jaqdaa, naban agtaadaaye    hareertaada
dhab u fiiri nuurkiisa iyo, nimca wanaaggiisi

ha illoobin nabarkey dartaa,   tabar nuxuuseysay!
oy foosha naanaabtay oo,   dhididku naafeeyey
naabadi faruuryaha ku tiil,   Quwaddi naafowday
Qandhadii ka nuunaasisee,  Nadow ku beeraysey
ee duni nagaadiga dambiyo,   Nolol ka quusaysey
goortaad sidii nayshi aad, naa'da ku billawday
farxaddii ka soo naasishee, nabar illowsiiday
xildhibaan nuwaabay sidiis, farax la soo nuurtay

nasteexadii cabdiraxmaan adeer, nuunka magacaagu
naruuriyo wanaag ba u ahaa, neefsashiyo raaxo
iyadaa ku naashnaashtayoo, -----------------
adigoo nafaystoo hurdiyo,  raaxo ka nibdaaday


un baad nayl sideedii haddana, Naa' di ku billowday
kuma ay nagaan jiifki oo, naw ka soo tiriye
waan noogay kuma ay orayn, daal ku naaqusaye

nasashada intay meel tagtana,  noogay may dhihine


horey naaski kaa siisay iyo, caano naxariise
markii aad ka naaxdee hurdada, aad ka soo noqoto, naaxdaba hrda aad ku noqonaysey  
nusu saace jiif oysan ledin,  nooggi weli haayo
ha illoobin nabarkey dartaa, tabar nuxuuseysey!
ha illoobin nasteexoy dartaa, waxay u naafowday!

naxariist
bal xannaan nugaylkeeda eeg, naacimnimadeeda
dartaa bay nuglaatoo --------------
naaskaad ka nuugtiyo dushey, kugu nibdaadeysay
nageyliyo New york
muuqaagu nuur iyo u yahay, nal an demeyn waana

cabdiraxmaan aabbahaa nuunnihiis tahaye
inad duco u noodnoodisood, n

haddii diintu kuu nuurto ee,  naasir ku hanuunsho
tanya naaski aad nuugtay baad, negi xusuuseehe
xusuusnaw nasteexoy dartaa, inay u naafowday   nuunaastay
waan noogay kuma ay dhaheyn, ---------- 

ninkii aan caqlini naaxil buu, daba nashleeyaaye
nacallaa ku taal ee ibliis, hawgu nacamlaynin
nijaas weeye oo waxa xun buu, kugu naceeyaaye
inad hooyadaa naaqustood, 
ka fogow nabsiga raaga iyo, hooyo nidarkeeda
naqya doog nagaadiyo halkii, naallo lagu sheego
ninkii khayr leh uun baa wanaag, laga niyeystaaye
niyuu yoork nugaal iyo kulay, tahayna nayroobi
nasiiniyo nasteexiyo halkay, naruro ay taallo
nasiinadu halkay allaa, naafac garanaaye
waa nooca qaybkoo
Nasiir baa garaa oo Alley, nacam u taallaaye
Ducadeeda bay uun nimciyo, naallo daba taale
ka nafayso maantay nimciyo, hooyo nooshahaye

in kastood mar hore nuugmadii, naaska ka abaadday
haddii naaski caanugu gureed, nuunnannimo dhaaftay
waxad weli ka nuugee midaan, naaficiis go'ine
ka nafaysta maantay nimciyo, hooyo nooshahaye.

naadir weeye ruux hooda laa- - - -, hela nasiibkaase
nuxurkiyo naxwihii maansadaan, kuu nashirayaaye
ka nafayso ruux hooda laa, hela nasiibkaase

Nuqul weeye noloshaan adduun, koobbi nacamlaahe
Naf kastaa waxay naawishaa, loo nuxuriyaaye
Nasiib maleh qofkaan waalidkii duco ka nuursayne
naartuu ku naanaabi oo, lagu nishaabaaye
ka nafaysta maantay nimciyo, hooyo nooshahaye.


hooyadaana nimca saynabaan, naagu ka horraynin

naanaabyey hooyadi qofaan, nugul u muujayne
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk



















Naazi waa gabay ka hadlaaya John Bolton, sifiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, iyo dadaalkiisii fashilmay ee uu in badan ku doonayay in la meelmariyo qaraar ogolaanaya in Soomaaliya Ciidammo Afrikaan ah la geeyo. Waxaa loo sheegay in uusan sii wadi doonin shaqada uu hadda hayo. Markaas ayaan tiriyay Naazi. Wuxuu yidhi: - Nifaaq ruux bartaa laguma karo, naahiyada daaye - Asagood Namruudkii kibriyo, nooci Lahab mooddo - Kuwii shalay nacaalka u gashaa, maanta naasilaye - Nasri bay dadkaygana u tahay, naadadaa timide - Anna gabay inaan naawilaa, nuunku ii qabaye - Naruuro iyo soo deeq Illaah, nagu nimcayn maaha - Soomaalida in badan buu nebaa, Naazigaa tagaye - Waa nacas awood yeeshay iyo, xaasid aan nixine - Dhaaxuu nacfigii aan lahayn, NOO ku duudsiyaye - Nabsi kama baqayn iyo inkaar, soo noqnoqotaaye - Bal inuu nasiib daran yahoo, naaqus yahay ruuxu - Ama uu Naftiisaba hafroo, been naxli ah sheegay - Goormaan nidaam iyo bulshada, nabad u waydiinnay? - Goormaan Nasaariyo carrada, Naato ugu yeedhnay? - Goormaan nijaasiyo Axmaar, naaso wada maallay? Fure: Lahab: Abuu Lahab Nacaal: kabo Naahiya: wax Illaahay reebay oo iska daaya dadka faray Nacdaro: nacayb saa'ida Naado: bishaaro, ogaysiis NOO: diidmo
Namiimiye Camanje Yogol Furre Camanje Yogol wuxuu ahaa gabayaa muctarif ah oo tixihiisu ku baaheen aadna looga xiiseeyo dhammaan degaanada Soomaalida Galbeed, kuwa Waqooyi iyo inta la ollaga ah. Sidoo kale Camanje wuxuu ahaa aftahan geed-ka-hadal, nin kaftan badan oo ragga ay isu gabyaan kaftan kale oo caadi ahi u dhexeeyo iyo nin miyi iyo magaalaba ku dhaqan oo labada nololoodba ehel u ah. Marbay waxay kaftameen niman reer bari ah oo askar Talyaani ahaa oo Jigjiga yimid xilliggii Talyanku Itoobiya qabsaday. Kaftankii hadalka caadiga ahaa ayaa gadaal mid gabay isu rogoy. Camanje nimankii gabay kulul ayuu u mariyey, waxaana gabaygaa naga soo gaadhay meerisyadan hoose. Wuxuu yidhi: Namiimnimo Majeerteen miyaan wali ka niibkeenin Ma nifaaqii oo buuxiyuu xalayto nooleeyey Naxliga iyo nuxuustii miyaa naari soo kiciyey Nasri miyuu ka sugi Eebahay saw ma nici doono Iyagiyo Namruud saw Janadu kama nijaasoobin Nayroobi iyo Xamar horraad nag uga siiseene Dhulbahantaa naflaha kuugu xigga nabadse kaa waaye Warsangalina nabarkaad barteen nadigu iimeeye Adduunkii nagaa idinka iyo naagahaa rogaye Nasabkiinu meel buu ahaa nuridu waa iine Nacallaa Majeerteen ku yaal nolol ma haystaane Waxaan u malayn in odayga laga xanaajiyey kolka uu gabaygan marinayey.
Xirsiyow Naaqusnimo May 10, 2014Suugaan, Uncategorized Gabayganu wuxuu ka mid yahay gabayadii badnaa ee laga mariyey geelii Daboolane. Niman ergo ah oo geela daba socda, madaxna uu u yahay Xirsi Kooshin, waraaqna ka sida Ingiriiska iyo nimankii geela lahaa oo wada jir ugu soo dhiibay, ayaa xarunta yimid, wax badan bay ku doodeen in geela looo celiyo/ Hase ahaatee, taa Sayidku waa diiday. Gabaygan waa go’aankii geel ugu dambeeyay oo uu diiddana ku caddeystay. Xujo wuxuu uga dhigay, inay dadkaasu gaala-raac noqdeen, wuxuuna yiri: Xirsow1 naaqusnimo waa waxaad, niiq la leedahaye Naxar lagu shid waa jaahil iyo, nararacdiisiiye Noy baad tihiin aan qalbiga, nuurka loo geline Naasilo xun baa lagu yaqaan, nimanka Iiddooree Wax ka niiqsan toban jeer kuwii, naaqurka lahaaye Nasab haddaad tihiin gaaladaad, nici lahaydeene Naxli baad ka dhigateen, halkaan narriga lahaaye Nasteexadu waxay idinla tahay, naafacaan jirine Ka nacawdu shaydaamadaad, nacam tiraahdeene Naar-quutayaal iyo kufraad, Nebiyo mooddeene Naarta waxaa idinku guri, nibirayaashiiye Nasaarada waxaw taabacdeen, waa najuusnimo e Naagow tihiin ferenjigii, noloshka dheeraaye Nacalluhu kuwuu fuulay baad, daba nushlaysaane Naamuuskiin wuxuu jabay markaad, nacabka raacdeene Nacastooyo waataad dorraad, igula niiqdeene Waxay naafay waa adinkiyo, nabarradiina e Nafta igama goyseen haddaad, iga naxaysaane Nasrigaan ku cayntaye tolnimo, iguma noolayne Naxariista Eebbaan ku belay, naallo iyo khayre Nabsaa idinka soo riday xaqaad, nugux ka siiseene Geelaan naawilaayee sidii, naqa u eegaayey Aan naalladuu diraye markaad, bogox ku nowsiisay Oo aan nayaayiray markay, noobir soo hoyatay Anigaba wax badan baad nurli’i, igu nacdiirteene Wax badan baad nicmada Eebbehay, ila necbaateene Wax badan baad nijaasiyo darxumo, igu nadiirteene Naanaa weeye maantaad wanaag, iga niyeysaane Nasteexiyo heshiis iyo horaad, nabad u diiddeene Sidow soo naqaa hadal xun, baad igu nabaysaane! Gabaygan waa gabayadii Siciid Maydh qoray muddo fog intay Daraawiishi dhaqnayd, Cabdullaahi Qarshe ayaa keenay 1957kii. 1.Xirsi: Xirsi Kooshin ama Xirsi Axmed Amaan.
Hadaan waayay calan leey nashiro tan iyo Nairobi, Miyaan waayay maamuus janniyo daalac iyo naasil, Hadaan waayay ciidoon naqliyo inaan nugaal daaqo, Miyaan waayey neef an xarmada naalo ugu fuulo, Hadaan waayay ruux iga naxa oo nasabad sheegta, Miyaan waayay naxariis alle iyo Nebiga jaahisa (csw) By: Sayid Maxamed Cabdule Xassan
NIN WALOWBA NOLOSHAADA DHAWR NABADA WEEYAANE: Nasteex badan Haweenkaa falay, kuna negaateene Naasigu intii uu dhacay, inagu gawdiidey Nadallada nidaam lagu heliyo, negida mooyaane Naxariista guud iyo nacfiga, cidi ku noolaato Naas irmaan ayuun buu ahaa, la is ka nuugaaye Nolosha iyo sida ay u taal, nabadda qaabkeeda Naadir weeye ruux garan karaa, nooca ay tahaye Nin kastaana sidii ay latahay, wuu naqdinayaaye Niskii dhexe mar aan xalay niyada, nabar la faalooday Naxwaha iyo markii aan dhexgalay, nuxurka suugaanta Naska iyo shareecadana aan, nuqullo eeg-eegay Nedka nolosha seeskeeda qudhi, nabadda weeyaane Ninkii aan ogaynow sidaa, wax u daliilkiiya Neecaw udgoon iyo nusuus, naq iyo ray-rayn leh Nimco sheexday niro toosan iyo, neged barwaaqaysan Nacab iyo nusqaanaa leh inan, lagu nagaanaynin Ninkastoo caqlili wuu ogyahay, nabad la'aanteede Naxli laysku gaystiyo colaad, gacal ku naafoobay Nacayb iyo nacey reebtay iyo, nabarro sii muuqda Nidaam lagu dabiibiyo nasrigu, nabadda weeyaane Nin walowba noloshaada dhawr, nabadda weeyaane, Nin colaadi haysaa ma-ledo nabad la’aanteede Naaxi maayo ruux barakacay nabad la’aanteede Nuujin mayso hooyadu ilmaha nabad la’aanteede Nin walowba noloshaada dhawr nabada weeyaane, Negaan maayo noolaha qalbigu nabad la’aanteede Nina aamin kuma seexan karo nabad la’aanteede Nafis iyo xarago way fogtahay nabad la’aanteede Nin walowba noloshaada dhawr nabada weeyaane, Nidaam maamul lama gaadhi karo nabad la’aanteede Naf xuquuq helaysaan jirayn nabad la’aanteede Nina ceel horwayn umatubeen nabad la’aanteede Nin walowba noloshaada dhawr nabada weeyaane, Nina xoriyad kuma faani karo nabad la’aanteede Nin cadaalad helayaa majiro nabad la’aanteede Nina Baayac-moshtori muu noqdeen nabad la’aanteede Nin walowba noloshaada dhawr nabada weeyaane, Nina ubad Iskuul uma dhigteen nabad la’aanteede Nina dabaqyo sare muu dhisteen nabad la’aanteede Nina siyaasad kuma loolameen nabad la’aanteede Nin walowba noloshaada dhawr nabada weeyaane, Nin jeclaada Gabadh baan jirayn nabad la’aanteede Naaruuriyo dhaqaalaan jirayn nabad la’aanteede Nuxusbay colaaduhu dhalaan nabad la’aanteede Nin walowba noloshaada dhawr nabada weeyaane, Ninkii aan ogaynow sidaa waxa u daliilkii ah Neecaw udgoon iyo nusuus naq iyo ray-rayn leh Nimco sheexday niro toosaniyo neged barwaaqaysan Nacab iyo nusqaana leh inaan lagu nagaanaynin Nin kastoo caqlili wuu ogyahay nabad la’aanteede Nin walowba noloshaada dhawr nabada weeyaane, Naxli laysku gaystiyo colaad gacal ku naafoobay Nacayb iyo nacbadan reebtay iyo nabaro siimuuqda Nidaam lagu dabiibiyo nasrigu nabada weeyaane Nin walowba noloshaada dhawr nabada weeyaane - See more at: http://somalilandlive.com/articles/1193/GABAY-LA-YIDHAAHDO-aoeNIN-WALOWBA-NOLOSHAADA-DHAWR-NABADA-WEEYAANEa#sthash.2MNogBcs.dpuf