Naabaal, 06-06-2006
Maansadn yar ee NAABAAL waxay soo baxday 06-06-2006, kuna timid qiso ku saabsanayd nin gidaar ama derbi gaajo la yaal oo intuu kici waayey, muddo badan yaallay, naftu ku sii daba yartahay ayey dadkii waddada marayey isugu yimaadeen oo weydiiyeen dhibka jira, balse wax cod ah waa laga waayey oo ka badan inuu gacanta baaf baafiyo isagoo muujinaya inuu gaajo u dhimanayo.

waa la isu qaylsaday oo nin baa yiri, waar qof kastow wixii jeebkaaga ku jira wax ka keen, 5 sentina ha ahaatee ha yaraysannina nin baa meesha ku dhimanayee, iyadoo wixii shilimidaad la heli karey la isku dardaray ayun baa waxa dadkii dushooda soo maray wiil diyaarad miig ah ciyaarsiinaya, mar qura ayaa la wada yiri bisinkee ninku muxuu ahaa, oo diyaaradda duulin ogaa, war yaa yaqaan duuliyahan cajiibka ah?

balse wiilkii meesha yaallee naftu ka socotay ayaa cod weyn oo la maqli karo, lana dareemayo inuu is qasbayo ku yiri: "waa ina hebel hebel, anigaa aqaanna waa ina adeerkay, ka naxow nafta waa", subxaanallaah, mar qura ayaa la wada naxay, oo la kala noqday mid yaabban, mid qosla, & mid xanaaqee yiraa waar naga keena habaar qabaha, illeen qabaliyuu meesha la yaallaye muu gaajeysnayn, waa tan maansadii:



QABALIYA inay naar, laga naxayo ay tahay, Nugliyeer belaayiyo, Naabaal ka darantahay,

NIN qabiil dullaystoo, naafeeyey caqligii, oo dhammeeyey nacasnimo, Gaajana ay niiqdoo, MUDDO aan nafaqiyo, Nacfi aan dhedheminoo, Xididdadiyo neerfihi, Nuudo ay ka yeeshoo,

GOORTUU nannaaboo, Wareer uu ku naayiray, buu istaag ka nuusoo, Nawdu ay ka yeertoo, Nacayb dhulka ugu dhacay

ISAGOO naf baxayoo, ka nuu'layn giddaafada, Dadweynaa ka naxay oo, dusha soo nawaawiray,

HEBELOOOOOW.. naalleeyooooow, naftu kay baxaysow, inta Nuun ku jiro iyo, ugu yeere Nuurow,

NII'DII kaneeciyo, nuuxnuuxsigiis iyo, Cod nuxuusa mooyee, maqli waaye Nuun kale,

NINKOOD baa dhawaaqoo, nin walbow wuxuu yiri, soo niyeyso Shilimaad, Naar kaa xijaabaya,

IYADOO la naadshoo, Nusas loo aruuraa, Baqayl iyo nin deeqsiya, ninba uun wax dhiibayo,

UN BAA miig nin duulshoo, hawadaa ku sii nabay, niman baa yiraahdeen, duulin ogaa ninkaan wada,

WAR ninkan xariifkaa, noocaan u duulaa, ayaa noo yaqaan oo, goobtaani naga mida ?

NACASKII wuxuu yiri, waa nin ina adeerkeey, oo reer namuujiyo, nuurkeyga weeyee, ka naxowna nafta waa

OGOW oo Nijaaskani, Ninkan uu adeersani, Nacfi badan ha joogee, in yaroo nasiig iyo, uma quuro Nacnac qura,

***********
Nin ay gaajo niiqdoo, naftu sii baxaysaa, nin diyaarad fuuloo, hawadaa ku sii naban, on isaga nasiigiyo, nacnac qura an siinayn

oo hadduu ku nuu'leyn, waa kaa nijaas oran, yuu bal faanka nuunaas, yiraa reer namuujiyo, nuurkeenna weeyaan !

Somalaay nadnaadaay, Nuxusnimo ku nooley, Firki aabbe naaxshaay, kii hooyo neefshaay, naafaynta rixinkiyo, inkaar uun ku nooley 

Meel aan nabadu ay jirin, ku nadnaadi uun taal.
kun ka dhiga nuwaabtoo, gaandheriga nooliya.
hadba sheekh nadwaayoo, nuun qur'aan ku dhuumane,
kursi naxar ku doonaya, kulyoon uun ku noogaay !

Halka belo ka naa'leyn, waannu kuu naqaan ee, Allow yaa qabiil naca, Allow yaa nishaaboo, gaarsiiya Nabar oo, Naartii salkaw dhiga !

Allow hooyo yaa nuda, qalbigeedi nuuriya, Naaskii xusuustiyo, nasashada rugteediyo, Nafta raaxadeediyo, Naxariisaheedii.

Ehelkeedi naadshoo, kaalayaay ku naa' gura, Cafis noo su'aaloo,
abtiyaal negaadshoo, duco noo shubaay dhaha!

Allow yaa is niiboo, beelaha la niiqiyo, Nasab aynu wada nahay, Naxligaa ka daayoo, Xaqoodii u naadshoo, jiritaanka noo sima!

Waan hubaa Nusqaan iyo, in dhib uu na deyn oo, Naxariisti Eebboo, Neecaw adduunyiyo, Nimco aakhiroo idil, Naciimiyo Firdawsiyo, Jannadii nagaadiyo, Raaxo noo idlaanee !
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk