Maysu maray Mariid & nin mudan, 15-07-2018
Malabow wuxuu maato ee, sii Marxala guuro,
muqayilya wuxuu maafiyaba, Maalin u il duufo,
hadba meelu marayaba wixii, Midigta loo jiido,
iska eeg mar-soo-baxa wixii, loo maldaho baaqa, -----
isagay maquunshee anigu, Maanba uma haynin,
war hoy maad kaa joogtida markii, Malabow loo baaqo, ----------
maya oo ma ogi mana raboo, mawlay ii maraga,
mirarkaa wuxuu mawjadaha, Qiiq iskula miiqo,
ma keensaday rugtiisii wuxuu, Miim ka joogsadaba?

Muddo badan wixii lays mutee, looga mala quustay,
kun marqaatiyood iyo Malyuun, Mawle khalqigiisa,
wixii laysu marakaco inuu, jiro Madow weyni,
balse samirka lagu moodo ee, mooyi la yiraahdo,
masjid iyo wuxuu mawlac iyo, minan wareegaaba,
magaciyo masuulnimo markuu, meesha sare gaaray,
Maysu maray Mariid iyo nin mudan, iyo Masaakiinti,

meeshii lagaa muday darraad, lama maraa tiile,
muumin lama miroo garo adaa, meeriskaa yiriye,
Mii yaw ma kuu meeriyoo, been ma kugu qaaday,
anaa Looxa meeraa kolkuu, kugu makeekaayey,
ma yaqaan Run loo meel deyaa, muran un mooyaane, ---
magacuu rajiistaro un buu, Mirifle goobaahe,
ma ku iri Run haw moodin wuxu, mihini kuu sheego?
muran dheer dabeed wiil madow, maygu gacan sayray?
mar quraata labo mawjad oo, miigan ma la keenay,


shirqoolkiisawirkasooqaad ee asardanya mj
shirqoolkiimasjidkee asardanya njib e kaararka hoos laga siiyey ninkii
dad ehelka goyni naga dooray



---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk