Mayeelayo badanaa, 03-05-2015
Maansadan tixda & tiraabtaa isugu jirta ee 'Mayeelayno badanaa',  oo soo baxday 3-5-2015 waxay isku waqti ahaayeen Maansadii 'Daabiyo Qabiil', waxayna sida Maansadii 'Toganey Soomaali' ka hadlaysaa dhibaatada Haybsooca & Qabyaaladdu keeneen ee Khilaafka & Burburka ay Soomaalidu dhexdeeda isu murqa weyntahay shisheeyuhuna sida xoolihii Xeryo Qaxooti u ooday, waana tan:

Maabkaa Adduunyada, Afrikada madow iyo,
Somaalida Maantaa, dhawr mid oo wacan &,
Midan anigu aqoon weli, Mooyee inta kale,
Mushkilado badanaa, Maqrib dumay badanaa,

Mid kursi u waashoo, meel ka soo orday iyo,
Madax doon badanaa,

Magacyaal badanaa, Malaaqyaal badanaa,
Madax madow badanaa, Mid caddaaday badanaa,
Maxskaxyaal badanaa, misna maanlaawiyo,
Miyir dhimman badanaa,

Mooguhu badanaa, Macna yare badanaa,
Macangagyo badanaa, Wax ma tare badanaa,

Midka daalimkaa iyo, Miduu dulmay badanaa,
gabadhaa miskiintee, Muruq loo sheegtiyo,
Mid la xoogay badanaa, Aabbaheed Musdafoo,
Minankiisi joogoo, la muquuninayoo,
la maqnaysiiyiyo, Masaafadu badanaa,

Meel ka dhacu badanaa, Wax is-maagi badanaa,
Maxkamado badanaa, Marag beena badanaa,
Muddicigu badanaa, Cadliguna maqanaa,

Mudanayaal badanaa, Madaxweyne badanaa,
Maayarra badanaa, Maamulla badanaa,
misna shaqo li'i iyo, Meel dayacan badanaa,
Xafiisyadu maranaa, Maqnaashuhu badanaa,

Oday madax cadoon, Macno lahayn badanaa,
Marras ooyi badanaa, Muusannaw badanaa,
Murugadu badanaa, Manaxaan badanaa,
Miciin laawe badanaa,

Ma yeelayno badanaa, Qabiil mucaarada iyo,
May metelo badanaa, Ma doorannin badanaa,
Ma loo dhamma badanaa, Midka codka bixiyee,
Ma moodaynleh badanaa, Marmarsiiyo badanaa,

Mid qalloocan badanaa, Madmadow badanaa,
Musuqmaasuq badanaa, Laaluushka muudsoo,
ii mooti badanaa, Maal la dhacay badanaa,
Mid la xaday badanaa, Wax maqnaaday badanaa,

Muuflayaal badanaa, wax maluugan badanaa,
Jaahil miiran badanaa, Maangaabku badanaa,

Maandeeqdi dumar iyo, midkii rag la dhihi jirey,
oo lasyku soo milay, marka ay khudbaynee,
Muuqdheer hadlaysoba, Duul iyada ku maqanoo,
Miyirkoodi tegey iyo, Niman maahsan badanaa,

Mid kitaab marayiyo, Dhaar miiran badanaa,
anaa mudan badanaa, Mid kaloo xaqirayoo,
ku muddici badanaa,

Midan waxba reebayn, Xeerada Mugga weyn,
murdinaya badanaa,

Mu'aamaro badanaa, Maleegaye badanaa,
Maroojiye badanaa, Murmayaal badanaa,
Miiggane badanaa, is maqiiq badanaa,
Ma xishoode badanaa, Mid luggooyo badanaa,

Mid xanaaqsan badanaa, Mujrimiin badanaa,
Maal uusan lahayn, Mid u doodi badanaa,

Maryo kala nooc iyo, Muunado badanaa,
Niigatayn Midab liyo, Suud madow badanaa,
Musharraxu badanaa, Masawirro badanaa,
Mashxarado badanaa, Muusikadu badanaa,
Maansooyin badanaa, Midka deelqaafiyo,
Murti-dile badanaa, Heeso maran badanaa,
Macno darro badanaa,

Mid inkaaran badanaa, Mid qarsoon badanaa,
Mid gadaal ka riixiyo, Mas Kobruhu badanaa,
is maandhaafku badanaa,

Meeshii loo kacayaba, Mid khilaafi badanaa,
Mukhallasiin badanaa, Ma-gefuhu badanaa,

Mashaariic badanaa, Misna Gaajo badanaa,

Tuug marshoo madow oo, Magac qabiil wata iyo,
Marti beena badanaa,

Midan wax maqlayn iyo, Meel-ku-dhege badanaa,
Belo meehannawdiyo, Muluq-muluq badanaa,
Muufo doon badanaa, Mukulluhu badanaa,
sii mutuxan badanaa, soo mutuxan badanaa,

Nin miyaan ka liitaa, Marwo ku xarraami oo,
Madaxnimo rabta iyo, Naag masayri badanaa,

Malafsade badanaa, Midan weligi dhergeyn,
Madaxii liqay oo, Majihiina qaboon,
Merganayn badanaa,

Meherado badanaa, Misna maan haystiyo,
Ma shaqeeyo badanaa,

Mid qadaa badanaa, Macalluul badanaa,
Milyinneer Bakhayloo, Masuugaya badanaa,
Maalin kale imaad &, Meermeerin badanaa,
Ballan miiran badanaa, 

Madaafiic badanaa, Miino Qarax badanaa,
Maryo dhiigleh badanaa, Mayd rawaxay badanaa,
Mid la aasay badanaa, Madax jaban badanaa,
Dhaawac meel yaalliyo, Murgacasho badanaa,
Miyir teggu badanaa,

kii soo mehersaday, Marwo laga dilay oo,
Murugaysan badanaa, Marrastaa agoontiyo,
Madi haray badanaa,

Muqdishada dhexdeeda, Dhal magaalo KU yaraa,
Dhal Miyina badanaa,

Magacyaal qabiil oo, Malaayiina badanaa,
oo misana Musiibiyo, Manfac li'i badanaa,
Maati Xasuuqiyo, Mooryaanno badanaa,
Reer Miin ku duul iyo, Mooraduug badanaa,
Ma naxaan gaboobiyo, Dhiig miirad badanaa,

Munkar iyo fisqi iyo, Mawle caasi badanaa,
Masaar lagu qaraabtiyo, Middi hoose badanaa,

Mid xaaraanta raadshiyo, Macal weyne badanaa,
Mici dheere badanaa, Milge-laawe badanaa,
Makriyadu badanaa, Makastuna badanaa,

Mid qabiil dullaystoon, Miyir qabin badanaa,
Madax adayg badanaa,

Mafrashyaal badanaa, Muqayiliin badanaa,
Maafiya badanaa, Miftaax lumay badanaa, 
wax maldahan badanaa, isku maran badanaa,
Mixnado badanaa, mahadhooyin badanaa,

Musiibooyinka jira, ma soo koobi karayee,
wax Madaxa ruxayiyo, Maya badan badanaa,

=============================

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk