Mawle, 23-04-2010
Maansadan Mawle oo soo baxday 23-04-2010, waxay ka jawaabaysaa dadka muslimka sheegta ee qaarna qaldanyihiin, qaarna madax adayg ka tahay, qaarna muslimmba aysan ahayn, ayaa 3da hab ee Tawxiidka loo sharxo yiraahda 3 tawxiid ayaa la sameeyey & wahaabiyaa samaysay, Haddaba ciddii aan muran & madax adayg u jeedin, waa kan warka nuxurkiisu ee fahah, meesha wax 3 tawxiid la yiraahdo lama keenine waa 3 qaab oo tawxiidka loo micneeyo ama loo sharxo, taasoo ah habka ugu fudud ee micnihiisa lugu fahmi karo.

Marka hore waxa ay cid kasta ogtahay in micnaha Tawxiidku yahay in Allaha waaxidka ah kaligiis uunka leeyahay oo aan lala lahayn, sd, aa waxa uu kaligiis xaqa u leeyahay cid kale oo uunkiisa ka mid ah (sida qof, ama sheekh ama Wali ama Malak), aan lala wadaajin, illeen maba la lahoo, iyada lafteedu waxa uu Alle leeyahay bay ka mid tahaye.

Haddaba meesha dadka qaar fahmi waayeen, aan marka hore tusaale la isla yaqaan ku billaabee, haddii uu sheekh Kitaab qoro sida masalan Qasiidada Alfiyada oo kale, ee uu haddana muddo kaddib sheekh kale kitaabkii sii sharxo, qoraalkii sheekhii hore waxaa la yiraahdaa MATNI oo waxaa lugu qoraa kitaabka warqadihiisa dhexdooda, sharaxii sheekhii dambena waxa lugu qora dusha Matniga iyadoo calaamad ama xarriiq lugu kala soocayo la dhex dhigo 2da qoraal, haddii mar 3aad uu sheekh kale sii sharxo isagoo meelo uu arkay in dadka qaarkiis fahmi waayeen sharxaya, waxa lugu sii qoraa dusha sharaxii ka horreeyey oo sidii oo kale xarriiq la kala xijinayo, markaa weligeen maynu arkin qof leh maxaa Matnigii hore loo sharxay, ama sharaxii hore loo sii sharxay, arrinkan 3da qaab ee tawxiidkuna waa sharxid tawxiidka la sharxayo ama si fiican oo sahal lugu fahmi karo loo micnaynayo, iyadoo sidaan ah:

3 da sharax midda hore, waa in Alle weyne uu naga rabo hal wax oo keliya oo aan wax 2aad lahayn, halkaas wax oo ah Cibaado, midda 2aad waa inuu Alle na siiyo nicmooyin fara badan oo aynaan tiri karin sida inuu markii hore na abuuray, kadib na barbaariyey, oo na siiyo Caafimaad & arzaaqda noocyadeeda kala duwan, iwm, midda 3aad ee ugu dambaysa waa inuu Alle weyne noo sheegay inuu leeyahay 99 magac iyo sifooyin, sida magaca ALLAAH oo kale.

3daas arrimood waa Tawxiid oo michaneedu tahay in loo kaliyeeyo, ee aan cidna lala wadaajin, oo aan shirko looga dhigin haddii kale waa SHIRKI, tan 1aad waa inaan cibaadada cid kale lala wadaajin, tan 2aad waa inaan barbaarinta cid kale lala wadaajin, tan 3aadna inaan magacyada & sifooyinkuu yiri kaligay baa iska leh aan cid kale lala wadaajin.

Haddaba kuwa ku hadaaqa 3 tawxiid baa la sameeyey, ma waxaad diiddantihiin inuu Ilaahay kaligiis cibaadada nugu leeyahay, mise inuu kaligiis na abuurtoo na arzaaqo, mise in kaligiis ALLAAH la yiraahdo, mase diidi kartiin 3 daase ma mid 4aad ayaad haysiin oo ilaahay loo kaliyeeyo, haddii aydnaan 3 daas diidayn, mid 4aadna aydaan haynin, fadlan micnaha 3 da sharx-tawxiid waa sidaase joojiya muranka iyo madax adaygga aan macnaha lahayne aad ku naar tegaysaan, waana tan maansadii:

Allaa Mahad leh oo mudan wanaag, Xumo ka meegaaran,
naxariisna Nabi Muxammad baan, Mawle u weydiiyey,
adoo keliya mooyee ma jiro, Mawle kale Eebbe,
Nabi Muxammad inad soo dirtaan, marakacaayaaye,
---
markii aan furfuradkiyo Micnaha, dhaafo Marinkooda,
magacyada wahaabiyey baxsheen, kuwo majaaniina,
Tawxiidki saddex muu noqdiyo, Male-awaalkooda,

micnahaasi Dadka aaminiyo, kuwa maleegaaya,
waa Madaxa miday Maalu taal, miiridna u baahan,
iyo midu Cinaad maydiyiyo, Madax adayggiisu,
iyo Midu Jahligu moosay ee, Mooro ku ogaaday,
iyo Muufle Diintaba nacoon, Mawle ka cabsoonin,

Afartaas midkaad doonto iyo, noqo Misaalkoode,
Xujo aadan Mawlaha agtiis, Qiil yar mudan doonin,
ood Maanta liibaanto ama, maydka suganayso,    
iga hoo anaa kuu maraa, Miidda aabburane,      

Marka hore Misaalkaan ku siin, Miyir u kaalmayso,
ee haddaan Murtida kuu dhigoon, Muranka kaa saaro,
Micnahay taqaan Carabtu ee, Eraygu muujaayo,
Tawxiidku waa mide ma jiro, Miro labeeyaaye,

Muslinkayba Shardigiis tahoon, Muran ka keenayne,
yaanuu Ibliis Meel xun iyo, Moolka kaa ridane,
mar quraata Miyirkaaga keen, Malabna hoo qaado,

Ood Madaxa inad saaratiyo, Jiidis baa midahe,
kolley Minaki loo sii wadiyo, meeshi bay tegiye,
labo meel markii ay Fogaan, simanyihiin muuqa, 
Mitirkana sidoo kale yihiin, Maylka cabbirkiisu,
Midig aan marniyo Bidixda aan, aadno Marinkeeda,  
labadaysku seegtaan Milgiyo, Micno lahaanayne,

Hilib Ari markii aad cuntiyo, Maraq laguu keenay,
nicmadii markaad muudsateed, Dhuunta marisaana,
madmadow iilkaha kaaga jira, meelan la arkaynin,
ku magmagi ilkaha ood findhicil, uga muraasayso,
ma bannaana Muusow Findhicil, Ruuxa kugu maaga,
Madax xanuun ayuu kugu ridaa, waa Majnuun falane,

Midka yiri Tawxiiday badsheen, maad fahmine heedhe,
midkaad adigu diidayso iyo, midad ammaanayso,
mid quraata weeyaan haddaad, Miyir u fiireehe,

ibliis baaba Meel noo fadhiya, Marin habowgeene,
Muslim & haddaad Muumin tahay, Mawle garanaaya,
hawgu biirin muhdigaa inaad, Male ku kaalmayso, 

wax kaleeto may ahan walaal, megen ilaaheeye,
macallimiintu meelay jirtaba, dunida maabkeeda,
midaa kaa milqiya dersi yaroo, awel macaanaaye,
oo Maalintuu kuu dhigaa, Madaxu daalaaye,
midna kii adkaa buu fudayd, kuugu mariyaaye,

qofba Mawjadduu garan karaa, loogu meeriniye,
Thaalithu-Thalaathiya muquur, Muufo may ahane, 
waxan aad Masiixiga sidiis, nugu maqiiqayso,
ood Hawdka ula maadanee, maandhe maad garane,
waa Macallim sharax uu baxshiyo, Miim la fududeeyey,

Saddexdaa Hab ee Mawlaheen, lagu midaynaayo,
oo weliba Maahmaah sideed, loo murtiyadeeyey,
Muslimkana fudayd looga dhigay, Malab sidiisiiya,
Mawlena u gaaroo ilaah, maxabbadiisiiya,
oo loo mideeyoo Shirkiga, Marada loo tuuri,
kii mucaaradaa waa Ibliis, muuqda duhurkiiye, 
adigoon ogayn Muudal &, Milil ha taageerin, 

Midda hore Cibaadoo quruu, Mawle naga dooni,
Tan labaad Malaayiin Nicmuu, Mawle nagu deeqay,
Tan dambena Magacyiyo sifuu, Mawle leeyahaye,
Saddexdaas middeed diidi ood, meesha kaba saari,
afar maadse haysaa haddood, uunka maqashiini?

u caddeeyey Mugdi kuu ku jirey, Muranna yeelkiise,
haysku miliqdo kii lehe isagu, Muran la soo taagan,
sugo Mawtka Geerida markaad, kala maroorayso,
iskuna soo marmaan luguhu ood, miririqlaynayso,
markaas baad helee madax wareer, mudan Abaalkaaye,

Aan bal moodo duulkaasi iyo, Muranka Baabkiise,
Cibaadada Macbuudkii mutow, Mawle keligiile,
Macbuudkii Xaq lugu caabudow, Mawle keligiile,
inta kale Macbuud baw tahoy, sugi Masaariife,

Mirta dhexe Harkuu muuqanayo, uunka midbakiisu,
Mirirkii kastee soo marey, dunidu moosheysey,
Adaa keli Cibaadada mudnaa, Mawle weligaaye,

inkastoy Maddada wada gefaan, badi Makhlaaqaagu,
oo mid Looda caabbudo mid kale, Dhagax ku mawriiro,
balse sida macruufkaa Khalqigu, muuji Magacaaga,
cid kugula muddici may jirtoo, Muran ka keeneeye,

kiise-is maqiiqee ibliis, meel xun kala boodo,
sidii aad fircoon maydka iyo, muuqa uga reebtay,
ood ugu macsuuntoo Khalqigu, Meel fog uga aado,
oo Masar Dalxiis uga dhigtood, Maal ku soo gelisay,
yaad kii is miiqee Allow, madaxa taagaaya,
aad ugu macsuuntaa Cadaab, Mirir ku leefaysa,

Keligiis Mulkiilaa tihiyo, Maamul keligiile,
keligiis Macbuud baad tihiyo, Maare keligiile,
waxad tahay Macbuud iyo wuxuu, doono maamule e,
Mucjisiyo Karaamada adaa, keli u Mawlaaye,

markii ay awood joogto iyo, yaa wax maamulaya,
wuxuu rabo muquunshaa tihiyo, Fale wuxuu maago,
Quwaddaadu may laha Xad iyo, meel ku soo celisa, 

1- Maruu dhici Qiyaamiyo markuu, Uunku maran doono,
2- Maruu iman Mayay rooba oo, Muudal di'i doono,
3- wax makaan ku jira iyo wixii, Mawsim dhalan doona,
4- wixii aan macaashayo waxaan, Foogta mudan doono,
5- Meesha aan ku maydayo markuu, Mawt i heli doono,
waa shan mawle kuu gaar ahoon, lagula miisaamin. 

Mawlow adaa Mahadda loo, kawnka maamula e,
adiguunan kaa maarmi karin, Noole iyo Moode,
maskaxdaydu adigay aqoon, muuqad leedahaye,
oo aan wax kula mida lahayn, lagugu miisaamo,

Adigaan Mergiyo Qoor lahayn, muruqa Seeddaaye,
mukushiyo haddey dheegga tahay, Muumin iyo Kaafir,
adigaan makhluukhaaga gebi, meel ka shaabbihine,
 
Duul kula masoobiyo la waa, kuwa mataalkaaye,
- adigaan Muddiyo Saacad iyo, Milay ku saamayne,
  oo ay Misaal kuu yihiin, Maalin iyo Layle,
 - adaan Malakumawt baa diliyo, Geeri ka murgayne,
  oo ay Misaal kuu yihiin, Maarre iyo suufe,
          
- Adaan Maro sideed duug noqeyn, Milic ku saameyne,
- Adaan Da'u ku maan doorin oon, Madax caddaanayne,
- Adigaan Muraadkaa dartiis, lagu muddaynayne,
  oon Cidi ku meermeerin Been, lagugu maaweelin,
 
- Adigaan martiyin Reero kale, oon masaafurine,
- Adigaan marwiyo yeelan Ubad, kuna Masruuf siine,
- oon magac inuu kaa hariyo, doonin Maxamuude,
- on Wiil kuu dhashiyo Muumin aan, loo mashxaradeyne,
  khalkhiguna aduu Mawlahey, kuu martiyayaaye,
 
- adaa Mawle taajira adaa, Maalik keligaaya,
  inta kalena waa Mohato iyo, midigta taageyso,
- Adigaan Cid kale megen geleyn, Mawle weligaana,
  inta kalena Megen kuu tihiyo, Qolo masaakiina,
 
- adigaan Malaariyo aqoon, Cudur ku-miir qaada,
- adaan lugu mudeyn oon Allow, laysku kaa marine,
  Mas caddiyo Mas joohaar Abees, Goodka iyo Meyrre,
  Marsoo-buxu khushuuc buu dartaa, Mawle la sujuuday.
 
 - Haddii aan maldaho iyo haddaan, muujo Eregeyga,
  Maqle iyo Arkaad tahay waxaan, Maanka geliyaahe,
 - Cirka oo Mahiigaan da'oo, carrigi maasheeyey,
  Gudcur dama Habeenkoo madow, Ceel mugdigu awday,  
  Quraanjada mushaaxaysa ee, mirani hoostiisa,
  muuqaad arkee ood maqlee, saanta miranaysa,

- Adaan kala jeclayn Moodhar iyo, Muufo gabalkeede,
   oo aan Majaaciyo aqoon, Gaajo mililkeede,
   oo aan Martabo Duunyo iyo, aakhiraw muhane.
 
- inta Geed mardabo liyo intii, Miracas oo dhooban,
haddii laga maroojoo Qalmaan, miiran laga yeelo,
ee intaa Bad iyo mawjad iyo, maayadoo idila,
laga dhigo Anqaas miida oo, lana madoobeeyo,
ee la maago Aayaada Qur'aan, qora Macaaniida,
inta uu billaw marahayee, alifki mawriiro,
Khadda iyo Dhirtaa naga maree, dhaarna waan mariye.
 
- Makhluuqaaga oon kala maqnayn, Madalna loo joogo,
mid walbaa haddii uu Baryada, Megen ku weydiisto,
wuxuu Midigta iyo Weelka iyo, marada buuxshaaba,
goortuu makaabshee yiraa, qaadi kari maayo,
Mulkigaaga kama naaqusaan, Mirir culayskiisa.
 
- Markii ay dhergaan ee Nimcadu, qaaddo miyirkooda,
  haddii ay is miiqaane uu, kibirku miidaamo,
  ee Muruqa keenniyo yiraan, megeggan keennaahi, 
  aan maroojinnoon Eebbe aan, maanta kala meerno,
  adoon Mawle daa Mooshin een, Taako mida qaadin,
  oo bal daa Masaar iyo Budee, sawtba maqashiinin,
  Mayro caaraddeed kari mayaan, inay muquunshaane,

oo weli haddaad Mawle aad, muujin quwaddaada,
Mooralkood ka doontoo keliya, maanka gelinayso, 
sida Mirif Dabayl sidatabey, samada meehaabi, 
Caleen baa la moodaa Xagaa, Maalin lalinaayo,
ama waan misaalee Allow, taa ka sii mira yar.

Malikul-Muluuk Mawlahey, Muuminka abuurtay,
mujrimrikiyo munaafaqa lahoo, Madal u sii yeelay,
miskiinnimada teydaa inaan, muujo baan rabaye,
Boqolkiiba Milyan jeer Malyuun, tiro malaayiina,
haddaan maago nimcadaada inan, Mawle aan tiriyo,
iska daaba Mulkigaaga weyn, ilaha maaxaahe,
Magacaaga kama sheegi karo, Miim quroo keliya,
---
Somalidan Maraatiyo Qabiil, Qaadku miyir qaaday,
oo Hooyo maratoy Inkaar, ugu madoobaysey,
oo mid Madax u waashiyo ka dhigay, Maarrufliyo tuugo,
miyirkoodu inuu jooginaan, Marag u haystaaye,
Marrastooda goortaan Gumaad, ugu madoobeeyo,
Maal iyo Ducey iigu dari, Maatidaan cunaye,
Muraadkayga Eebbow ajiib, waan murgaysnahaye,

Somaalidu inay miyirsataan, Mawle ku weydiistay,
isma oga Makhluuqoo idili, wuu ku maadsadaye,
maankaad u uuntiyo Allow, Miyir u soo laabto.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk