Masaafo 06-July-2008
Maansadan MASAAFO oo soo baxday 06-07-2008 waxay ku saabsantahay dhibaatada kala haysata somaalida iyo masaafada, iyo dulumka lagu hayo gabdhaha iyo sida guurkii loo cirib tirayoo, Zino iyo qurunna loo fududeeyey, iyo in ninka inuu guursado doonaya ay lagama maarmaan tahay in uu maro dhibaato fara badan oo aan cidna dani ugu jirin labada dhinac midkoodna, Sida masaafada dhirirka badane ee 180 KM & ka badan la lugeysiiyo gabar yar oo uguba oo weliba mararka qaar ay dhacdo in la raacdeeyee dhex looga daba tago amaba halkii ugu dambaysay, oo ay haddana mar 2aad & 3aad nin la baxsato, sidaana ay ku dhacdo in ay gabadhaasi lugayso NusMilyan KM, waxa ku kallifayna ay tahay inuu Waalidkeedii Beec ku xiray raggii guursan lahaana aysan heli karin, iyadiina Dhiiggii Xaylku ka sii dhammaanayo.

waxa kaloo jira Khiyaano ay odayaasha qaarkood la soo baxeen oo ay Qoyska is guursanaya u aamusaan ee markii hal ilmo ama 2 dhashaan, ay wiilkii leeyihiin ama 10 geel keen ama ilmaha waan habaarayaa, ugu dambayn waxay maansadu odayadaas ku leedahay ha noqonina doqonkii neefkii uu suuqa geeyee lacagtiisii jeebka ku soo shubtay ee ninkuu ka iibiyey markuu Neefkii qashay ku yiri Hilib ayaan kaa rabaa, ee toos u caddaysta iibkiinna oo marka aad Geela wadataan ama lacagtaad gabadha ku iibsateen kadib ninkaas Gurigiisa Albaabkiisa ha soo istaagina, oo ka ahaada sidii reer aydnaan is aqoon, ama gabadha sharaf ku siiya ninkii ay keensato hadduu anfaco idinkoo ka hubinaya, reerkaasna u noqda waalid ay ixtiraamaan. haddaba waa kan gabaygii Masaafo ee soo baxay 06-07-2008:-

Halkii Gabar Xishood lugu ogaa,  Gaatin soconaysa
oon Guriga dhaafaynin iyo,  Gogosha reerkooda
haddii aabbe ganacsanahayaa,   Gini ku raadsaayo
una garatay Cadow guusha iyo,  Guurka ka hor jooga
kana dhigatay Gacalkeed mid ay,  Muuqi garaneynin
sow gmaaha Laylkii inay,  Niman u guurayso?
 
Gabadhaas haddey baaluqdee,  Guur waqtigi gaadho
oo kay la googoosatee,   geyso Gurigooda
lugu xiri inuu giir Lo' iyo,  Geel u soo tiriyo
asuu geel heleyn dhaafsan wuxu,  Meher u gaar-yeelay
iyo Biilka gurigooda oon,  laga garaabeynin
Guullana u qoray Gaban inuu,  helo Geyaankiisa
sow gar maaha inuu Wiil geyaa,  Gabar masaafaysto?
 
iyadana haddii guriga uun,    lagu gumeynaayo
oo kay la goosana tiraa,   waw gar leedahaye
markii uu la guureeyo ee,  Sheekh u gey yirina
uu odaygi daba gelahayoo,   Guluf ku raacdeyni
oo uu go'aanskiisu yahay,    aabbo gabadhiisa
Guumays haddii ay noqee,   Boqolka gaaraysa
guursan mee haddaan Giir Lo' iyo,   Geel la ii tirinin
asay Xaylna gaartoo dhibcihi,   Dhiiggu gobo'leeyo
ooy beri gashow Hooyo tahay,   Ubad u goohaysa
sow inay indhaha gedefto oo,    qariso Giirkeeda
oo ay Masaafada gashaa, maaha gedaheeda ?
 
Haddaan guud-cirroolaha taliyo,   Waano garansiiyo
gar waxaad u leedahay markay,   Gabadhu qaan gaarto
inad laba mid soo galo tiraa,   maandhay gacalleeya
ii keeno gaban kuu dhigmoo,  Diinta gudanaaya
ama aabbo Ani aan galoo,    xulo Geyaankaaga ?
 
Hadday goob tiraa aabbe waan,  kugu go'aayaahe
adigow gambaa Duunyo aad,  Xero ku soo goyso
ha u xilannin Geel kii watoo,   Xila gubaageeda
ee keen mid Gaaridi dhashiyo,    aabbihiis Godane
iyo gabadha Hooyadi dhashiyo,   adigan Guuleeda
Waalidkiis idiin garanayoon,   idin garaafaynin
oo goortu Meel kaa arkaba,   Gacalo soo booda.
 
Haddii ayse gudanayso oo,   iyadu goobayso
oo ay keento Oday gaamuroo,   Gu'ga ka sii weynna
kana midase Guurtida dalkiyo,  Diinta garabkeeda
iyadana qancaa Goor walboy,   Gacalo raadayso
adoon Gool bal daa een Garoor,   keliya goobgoobin
adya hooyadeed Giniya oo,     Gacanta saaraaya
Duco soo guddoomoo ku dhaha,   gala Arooskiinna.
 
Guuleedya giniyaay miyayd,   naba garaabaynin
gabadhiinna Geeddiya intay,   Baaluqnimo gaarin
Waalid gacaladiisiyo ahayd,  Ariga tii goobta
oon Qosolka kala goyninoo,   guudka dabanaysey
balse taniyo goortay Ilmiyo,   Guur u hana qaadday
sow Gunuunuc muu iman Habaar,  Ariga goobeeya
iyo inu Guduudane cunoon,    Goosan laga waayin
Farxaddii wixii goofiyoo,   siina gurinaayey
oo gubaya Goonina ka dhigay,   sow ma garataanna?
 
Ged kalaad ba keenteen haddeer,  waadna gudubteene
isi soo galkoodiyo markey,    Gaban la haasaawi
intad sidii Bah-gaaddadii,    Indhaha hoos u gamaxuurto
ood wiilka gelisaan inad,    Gibir ka doonaynin
Gu' markii la joogiyo Bilooy,    Ummusha soo gaadho
yaad Gacan u soo hoorsataan,    inanki guursaayey
ood Gabadha soo dumi tiraan,    Gaalka gurigiisa
ama Ubadka waan garabsan oon,    geli Habaarkeyga.

Aan gebagebeeyoon Murtida,    soo gunaanado e
marka hore Gabbaatigad cunee,    iibka gabadhaadu
waa Gibir canshuureed Gabdhaha,    Guudka laga saaaray
oo Guurka ka hor joogsadoo,    Gu'ga ku wayneeya
oo Taranka gaasirahayoo,     Ubadka goynaaya
ee Beriga lays goobinaa,    Godob ha sii qaadan
oo Adduunyo waa gebangebee,    geli xusuustaada.
 
Haddaad diiddid ood giiratood,    Gacanta taagayso
ood oran Gasiin bay xiriyo,    Geela oo keliya
dhan kalaan Gantaalka u ridaa,    una genaayaaye
ninkii Suuqa geeyee Laxdii,    Giniga soo siistay
ee gadaal u soo laabtay ee,    Garabka doonaayey
sidiisii ha gees marin Runtee,    Labo middood soo gal
inaad Gabadha soo meerin ood,    iga gadee Maanta
oo aad Guriga keeygaa gelayn,    Gooshakan dabadiisa
oo aan kala gaddoonnoon Waddada,    Gees u kala qaadno
iyo inaad i guurinon Xilkana,    Guudka iga saari
ood abbahay Geeddi aad,   Gedo la joogayso
oon Gacalo kuu haayo iyo,   Gabar walaasheeya ?

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk