Masaafo 06-July-2008
Maansadan MASAAFO oo soo baxday 06-07-2008 waxay ku saabsantahay dhibaatada kala haysata somaalida iyo masaafada, iyo dulumka lagu hayo gabdhaha iyo sida guurkii loo cirib tirayoo, Zino iyo qurunna loo fududeeyey, iyo in ninka inuu guursado doonaya ay lagama maarmaan tahay in uu maro dhibaato fara badan oo aan cidna dani ugu jirin labada dhinac midkoodna, Sida masaafada dhirirka badane ee 180 KM & ka badan la lugeysiiyo gabar yar oo uguba oo weliba mararka qaar ay dhacdo in la raacdeeyee dhex looga daba tago amaba halkii ugu dambaysay, oo ay haddana mar 2aad & 3aad nin la baxsato, sidaana ay ku dhacdo in ay gabadhaasi lugayso NusMilyan KM, waxa ku kallifayna ay tahay inuu Waalidkeedii Beec ku xiray raggii guursan lahaana aysan heli karin, iyadiina Dhiiggii Xaylku ka sii dhammaanayo.

waxa kaloo jira Khiyaano ay odayaasha qaarkood la soo baxeen oo ay Qoyska is guursanaya u aamusaan ee markii hal ilmo ama 2 dhashaan, ay wiilkii leeyihiin ama 10 geel keen ama ilmaha waan habaarayaa, ugu dambayn waxay maansadu odayadaas ku leedahay ha noqonina doqonkii neefkii uu suuqa geeyee lacagtiisii jeebka ku soo shubtay ee ninkuu ka iibiyey markuu Neefkii qashay ku yiri Hilib ayaan kaa rabaa, ee toos u caddaysta iibkiinna oo marka aad Geela wadataan ama lacagtaad gabadha ku iibsateen kadib ninkaas Gurigiisa Albaabkiisa ha soo istaagina, oo ka ahaada sidii reer aydnaan is aqoon, ama gabadha sharaf ku siiya ninkii ay keensato hadduu anfaco idinkoo ka hubinaya, reerkaasna u noqda waalid ay ixtiraamaan. haddaba waa kan gabaygii Masaafo ee soo baxay 06-07-2008:-

Halkii Gabar xishood lugu ogaa, gaatin soconaysa,
oon guriga dhaafaynin iyo, gogosha reerkooda,
haddii aabbe ganacsanahayaa, Gini ku raadsaayo,
una garatay cadow guusha iyo, guurka ka hor jooga,
kana dhigatay gacalkeed mid ay, muuqi garaneynin,
sow gar maaha laylkii inay, niman u guurayso?
 
Gabadhaas haddey baaluqdee, Guur waqtigi gaadho,
oo kay la googoosatee, geyso gurigooda,
lugu xiri inuu giir Lo' iyo, Geel u soo tiriyo,
asuu geel heleyn dhaafsan wuxu, meher u gaar-yeelay,
iyo biilka gurigooda oon, laga garaabeynin,
Guullana u qoray gaban inuu, helo Geyaankiisa,
sow gar maaha inuu Wiil geyaa, Gabar masaafaysto?
 
iyadana haddii guriga uun, lagu gumeynaayo,
oo kay la goosana tiraa, waw gar leedahaye,
markii uu la guureeyo ee, sheekh u gey yirina,
uu odaygi daba gelahayoo, Guluf ku raacdeyni,
+
oo uu go'aanskiisu yahay, aabbo gabadhiisa,
Guumays haddii ay noqee, boqolka gaaraysa,
guursan mee haddaan Giir Lo' iyo, Geel la ii tirinin,
asay Xaylna gaartoo dhibcihi, dhiiggu gobo'leeyo,
+
ooy beri gashow Hooyo tahay, ubad u goohaysa,
sow inay indhaha gedefto oo, qariso giirkeeda,
oo ay Masaafada gashaa, maaha gedaheeda ?
 
Haddaan guud-cirroolaha taliyo, Waano garansiiyo,
gar waxaad u leedahay markay, Gabadhu qaan gaarto,
inad laba mid soo galo tiraa, maandhay gacalleeya,
ii keeno gaban kuu dhigmoo, Diinta gudanaaya,
ama aabbo Ani aan galoo, xulo Geyaankaaga?
 
Hadday goob tiraa aabbe waan, kugu go'aayaahe,
adigow gambaa Duunyo aad, xero ku soo goyso,
ha u xilannin Geel kii watoo, xila gubaageeda,
ee keen mid gaaridi dhashiyo, aabbihiis Godane,
iyo gabadha hooyadi dhashiyo, adigan guuleeda,
waalidkiis idiin garanayoon, idin garaafaynin,
oo goortu Meel kaa arkaba, gacalo soo booda,
 
Haddii ayse gudanayso oo, iyadu goobayso,
oo ay keento Oday gaamuroo, Gu'ga ka sii weynna,
kana midase Guurtida dalkiyo, Diinta garabkeeda,
iyadana qancaa Goor walboy, Gacalo raadayso,
+
adoon Gool bal daa een Garoor, keliya goobgoobin,
adya hooyadeed Giniya oo, Gacanta saaraaya,
Duco soo guddoomoo ku dhaha, gala arooskiinna,
 
Guuleedya giniyaay miyayd, naba garaabaynin,
gabadhiinna Geeddiya intay, baaluqnimo gaarin,
waalid gacaladiisiyo ahayd, ariga tii goobta,
oon qosolka kala goyninoo, guudka dabanaysey,

balse taniyo goortay ilmiyo, Guur u hana qaadday,
sow gunuunuc muu iman Habaar, ariga goobeeya,
iyo inu Guduudane cunoon, goosan laga waayin,
farxaddii wixii goofiyoo, siina gurinaayey,
oo gubaya goonina ka dhigay, sow ma garataanna?
 
Ged kalaad ba keenteen haddeer, waadna gudubteene,
isi soo galkoodiyo markey, Gaban la haasaawi,
intad sidii Bah-gaaddadii, indhaha hoos u gamaxuurto,
ood wiilka gelisaan inad, Gibir ka doonaynin,

Gu' markii la joogiyo bilooy, ummusha soo gaadho,
yaad gacan u soo hoorsataan, inanki guursaayey,
ood gabadha soo dumi tiraan, haalka gurigiisa,
ama ubadka waan garabsan oon, geli habaarkeyga.

aan gebagebeeyoon Murtida, soo gunaanado e,
marka hore gabbaatigad cunee, iibka gabadhaadu,
waa Gibir canshuureed Gabdhaha, Guudka laga saaaray,
oo guurka ka hor joogsadoo, Gu'ga ku wayneeya,
+
oo taranka gaasirahayoo, Ubadka goynaaya,
ee Beriga lays goobinaa, Godob ha sii qaadan,
oo Adduunyo waa gebangebee, geli xusuustaada.
 
Haddaad diiddid ood giiratood, Gacanta taagayso,
ood oran Gasiin bay xiriyo, Geela oo keliya,
dhan kalaan Gantaalka u ridaa, una genaayaaye,

ninkii Suuqa geeyee Laxdii, Giniga soo siistay,
ee gadaal u soo laabtay ee, Garabka doonaayey,
sidiisii ha gees marin Runtee, Labo middood soo gal,
inaad Gabadha soo meerin ood, iga gadee Maanta,
oo aad Guriga keeygaa gelayn, Gooshakan dabadiisa,
+
oo aan kala gaddoonnoon Waddada, Gees u kala qaadno,
iyo inaad i guurinon Xilkana, Guudka iga saari,
ood abbahay Geeddi aad, Gedo la joogayso,
oon Gacalo kuu haayo iyo, Gabar walaasheeya ?

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk