Sow Nin Eebbe laga megen galiyo, Malakulmawt maaha? 02-07-2016
iska maale Muuflena ahoo, Miciya weynaaday,     soofeysta
Ma naxaan caloolweyne aan, cid u miciinaynin,
inuu Mawle kaa maadiyood, garato mooyaane,
walluu Mirifna kuu reebin kaas, Maxasta kaa qaadan,

Musiibada Mar-soobaxan dhergayn, Malab haddaad siiso,
inad maya tiraahdaa ka roon, iina mood guriga,
Maroodiga calooshiisa weyn, sugi masruufkaaga,
misna edebtu dhaafsiisantoo, Meelna ka xishoonin,
ee kushiinka sii miigganoo, muuqdo Madaxiisu,
waa Mashquul markaad fiirisood, milicso maagtaaye,
Markab maa dhex yaal uurka weyn, mirani hoostiisa?

Murti buu abwaan hore ku yiri, mudan xusuusteeda,
Mawle inu miciiniyo naftoo, gudubta mooyaane,
Midig taagan lama buuxin karo, Maalin iyo layle,
Mirta dhexe midaan kaa hoyeyn, miririflaynaaya,
ee muraasa goortuu khalqigu, jiifo Minankiisa,
dheeraweyntan miranaysa reer, awelba moosaayey,    muuqa aragtaaba
------

Nin Madow hadduu dhoofo ee, Maalin uu kallaho, ----------
marmarsiinyadiisuna ahayd, Mawle amarkiiya,
Rixin inan xiriirshaan maraa, yahay Muraadkaygu,  -------
asii madashi goortuu tagiyo, Minanki uu aaday,
uu malakulmawt soo bixiyo, Maafiyada waalan,

hadduu muuqa wixi uu arkaba, Maafish uga siiyo,
uuna Madax iyo Calool iyo Majiyo, Maraqa laacaayo,
oo markuu gadaal uu marshana, Mici jarraaqsaayo,
Ehelkiisna Gaajiyo Majaco, mudo Abaar waalan,
sow Nin Eebbe laga megen galiyo, Malakulmawt maaha,

Calool ku siddaweyn Maafiyaa, Mirif an deynaynin,
ee wixi u muuqdaba liqee, Moolka sii dhagaya,      dhiganaaya

Bac Madow hadduu buuxsadiyo, Boorso midablaaya,
wax kastaba Maddada geysatiyo, Belo madow keeno,

VVVVVV ee wuxuu --- gelaa, ---------------
Macsartii horeen ----

miduu kaash ku meershiyo miduu, Madaxa saarsaayo,
lana boodo saliiddii Madoow, Timo maluuqaayo,
Moos iyo Babbaay iyo Cambiyo, Qare Mallaay iibsho,
Abuukaade Mishin soo ridqiyo, Malab hadduu yaallo,
mirif qura midan reebin ee, Mici jarraaqsaaya,

Canjeeliyo cambuulada madow, midab kastoo yaalla,
Maqrib iyo Suxuur iyo Cishiyo, Madashi uu joogo,
mid caloosha maalootigaa, gelini moolkeeda,
ee gurigi mood nool ka tegin, ugu madoobeeyey,
Sow in Muhdiga Bahalkaas Madow, layska rido maaha?

(VVVVVVVVVVVV-----------------------, ugu madoobeeyey,    maryo aruursaaya)

Balaayo madow maan ihiyo, muran hadduu keeno,
car yaa dhaha mas iyo belo madow, Reerki ma haleelin,
sowse malakulmawt reera galoo, mariyey sow maaha?

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk