Maqaawiir Gobeed, 30-01-2007
Maansadan Maqaawiir gobeed oo soo baxday 30-01-2007, waa mid aan anigu uun iskula faqay ee aanan cid kale u gudbin waayo waa wax shaydaan igu waswaasiyaye inan wax tiriyo oo dooqayga ahi keentay, waxanna mud oo nin Muumin Alle ah oo aan 100 doollar uga baahday dhawr beri ku soo noqnoqday, isna mashquulkiisa ayaa aad u fara badnaa, amaba waxa laga yaabaa inuu su'aashaydii illoobay oo u qaatay inan meesha u soo sheeko doontay, markaas ayaan waxan iskula faqay walaalow anoo qiyaasaya in aad maqshuushay amaba aadan ogayn inaan wax kaa rabo oo aad hadalkaygiiba illowday, waayo waxan kala garan waayey markaad i balballaminaysey inaadan aniga ii wedine aad dad kale oo ku dhibay u waddey, kuwaasoo qaraabo ahoo aad ka baqayso haddiiba ayba diidmo kaa maqlaan ay gogol toleed dhexda kuu dhigaan, iyo in aad ii dhaqaalaynaysoo aad is lahayd maadaama ay yartahay yuusan iska dhammaynin, lkn miday tahaba waxaad ogaataa inay dhici karto in anoo ka baahan uu mid aan usoo sabrine ku ciyaara iga dhaxli karo, adna xoogaa dembiyi meeshaas kaaga imaan karo, waana tan ereyadii yaraa: 

Maxamuud haddaan Miim hordhaca, mariyo Baytkiisa,
Imtixaanka Mawlahey anoon, Muran ka keenaynin,
oo inaan Dunuub meersadana, joogo Maraggiisu,
oon inaad illoow megensatana, Male qiyaasaayo,

Balse waxa Mariid igu noqdoo, Dhuunta mari waayey,
markaad soo noqiyo Maalin kale, igu muddeyneysey,
inu Maanku meel kale jirood, Muuqa ila joogtey,
oo aad Maquustadi Tolkee, Muranka loo daayey,
intii aad Mashquul weli taheed, uga helee Maaro,
yaaneey Maqaawiir Gobeed, soo mutuxin Geede,
ha oranin mayee Haada uun, Maran ku maaweeli,

inaad saa Mataalkeed waddood, igu muddeyneysey,
iyo inad Maddada tiimbisood, Moolka ku ogaatay,
oo Maadis ay kaa tihiyo, Meel san ugu kaydi,
labadaa Dariiq keed Murtida, igula miisaami?

Labo kalena Maankaa ku haay, Megen Ilaaheeye,
inad Roob Mayay ila sugee, Qolo Mahiigaana,
ama Mawtku iga qaadi ood, Deyn ku maranaayo,
haddii aan Maroon iyo Caddaan, Midabya nooc nooca,
murtideeda meermeeriyiyo, Male qiyaaskayga,
Marwadiyo Carruurtii ka warran, Maqashi kuu jooogtey?
---------------------
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk