Malaysia - 01 Apr, 2008
Maansadan magaceedu yahay 'MALAYSIYA' oo aan tiriyey maalintii iigu horreysey ee aan imaado dalka Malaysia 01-04-2008, waxay taabanaysaa meelo badan, sababtay iigu dhalatayna waxay ahayd in aan u qiro Dalka Malaysia sharafta uu iga mudanyahay, isla markaana dadkaan ka imid ee aan ka dhashayna ku dhiirri geliyo in ay walaalahood uga daydaan wanaagga iyo horumarka ay gaareen, lana yimaadaan midnimada iyo isu dul qaadka ay ku gaareen, waxayna ahayd Maansadii Malaysia:

Adduunyada haddaad meertid ood,   meelo badan gaarto
mirirkii kastaba sheeko baad,   soo min guuriniye
Miimkaa Qur'aankaa dhigoo,   Maalik baa yiriye
 
Miliqiyo Mandheeriyo anoo,   moqokorey joogey
Mayoonays jabuutina wax badan,   Muufo ku casheeyey
Madiiniyo Sancana soo mariyo,  Minan Amxaaraadka
April maalintay kowsatee,   Maarso laga guuray
labadii kun sano maadatoo,   marada loo taagay
siddeed sanana ay moodday ee,   joogo maraggeedu
Maleesiyan majeertoo imee,   mahad Ilaahey dheh !
 
Makhluuqaa Allee mawjaddee,   mari hareerteyda
Muslim iyo shariik iyo kulay,   tahay majuusiinta
marwadiyo adoogii ciddiyo,   ubadka meeraaya
ma lugaynayaan maalin iyo,  layl mid ay tahaye
baabuurta muunada qurxoon,   Midabbo cayn-cayna
mootooyin biriqdii u dhaca,   miriqishaalleeya
Maayada sideed bay waddada,   ugu mushaaxaane

in kastoo maraar joogo iyo,   dhegala mooryaana
oo dareen ku joog meelu tahay,   megen ka dooneyso
innaguna mudh soo leennahoon,   madaxa taageyno
oon kuwa mirqaamiya mirtaha,   madal haleeleyno
mudanaha wanaagsani ka badan,  kuwa maraarkaaye
midnimada ayaan ugu bogiyo,   Maayad wada guure
yeyga dhiga mataalkood kuwaan,   waan u muhanaaye?

Magaalada qofkii eega ee,  aad u milicsaaya
Dadka wada maquuraaya oo,   Meel walba u jeeda
iyagoo Malyuumaad ka badan,  Hirar la moodaayo
Buuq lagu mashquuliyo arkeyn,   Qaylo maan kicisa
oon lahayn kuways maagayiyo,   Muudal la celaayo

Midnimada haddaad eegtid ee,  taal Maleesiyada
waxad moodi Hooyadood mid iyo,   Aabbahood mudane
inay magac wadaajeen dhammaan,   Muuse iyo Maano
oo makaan kasoo wada baxeen,   sida mataanaade
minan qurana soo wada mareen,  Macallinkoodiiye
yeyga dhiga mataalkood kuwaan,   waan u muhanaaye?

Dhirta kii macaan kii murcuda,   kuwo magoolaaya
qaar samada sii miigan ood,   kor u majeerayso
qaar biyaha maylaafinee,  dharabku meeleeyey
kama kaco Mahiigaanka Roob,  Maalin iyo Layle
Larka iyo dabayl mililicleed,   carafta muudsaydo
Ubax iyo mankiyo Fiidda taal,   Quruxda muuqaysa
Barafuun ma raadiyo qofkii,   Maalin daawada e
yeyga dhiga mataalkood kuwaan,   waan u muhanaaye ?

Tiknoloojiyaa meesha taal, Doqoni maarayne
Tareen aan Matoor wada lahayn,  Darawal muuqaaya
oo meesha sare kaa maree,   miririfleynaaya
oo mirir ku gaarsiin halkiyo,   madasha aad dooni
yaa mar qura i saara un ka dego,   maba an yeeleene?
 
Maraakiibta gooshtee Baddaa,   biyaha mooshaysa
Diyaarado muggood weynyahee,   gegida mawriira
Makhluqaa Marsada buuxa ee,   dhowr martabadooda
Mallaygana dalxiis ugu yimee,   ugu muraadaaya
inkastoonba Mahatiir jeclaa,   mooshinkii horeba

NelsonMandeella, AadanCadde,

maxabbadan u sii qaaday baan,   ugu muraaqoone
hadba milaygi aad joogto baa,   maansadaa geliye 
marti soo dhaweyntaan u bogey,   marxabbadeytoode
yeyga dhiga mataalkood kuwaan,   waan u muhanaaye?
 
Haddaan dib u miliilico kuwaan,   Magac wadaageyney
is-maqiiqa Mishingaan sitee,   eegta mukushayda
Manaxaanka Noolaha murjee,   Laylki miranaaya
ee mariya wixi uu arkee,   Mawtka u haliila
oon miskiinka dhaafaynin iyo,   duul musafuraba
waa waxa Dadkii mariyey ee, Maatina ka yeelay

Anigoon Dembiyo laygu miro, Mirifna aan geysan
oo meeshi layguba khalqiyo, Miliqo aan joogo
oon Makhluuqa Eebbana xushmiyo, Muuno ugu haayo
Reer Mire maxaa kaa dhigiyo, Reer Matabanaaye
oo Mawle kaagana dhalshoo,  Magaca kuu geeyey
midka ii miro ii murjee, iguna maagaaya
in kastoon magaca Aabbe iyo,   meel ka wada jeedno
ama Hooyadey Muuno badan,   ila mataanayso
mar hadduuba maalkay dhacaa,   maydna ila dooni
Mujrimkaasi Naar haw martiyo, Moolka keeda ahe, 

inta ila midee maadatee,  Qaxu madoobeeyey
iyo kuwa  Rafaad megensadee, dhaawac mililaayo
iyo kuwu Nibiri muudsadiyo, Aar Makaabya leba
Madaxeenna timihiyo ka badan,  Miraha duurkaase
anigaaba weli muuqda oo, nolol mirfaysaaye 
ummaddaydi badankeed maddada, Moolka hoos gale e

Midka sababta maareeyey iyo, Midigta kii geystay
een Tawbad meeqaamin ee, Madaxa sii taagi,       sii melmelanaaya
Mawlahey ma moogoo mar uun, wuu murjinayaaye
Malleesiya markaan imid ayaa,   miirku soo degaye
kuwan aan u soo maatay ee,   Tira malaayiina

Mawlihii mid caabbudahayeen,   Mirir illoobaynin
iyo ruux maddada seegay ee,   Marin-habaabaaya
ee Dhagax ku mawriira ee,   Duco mahiibsaaya
iyo midan dhan laga jiro ogeyn,   Mirana raadsaaya
Mad-habada midduu doono iyo,   Maab ha caabbudo e 
iiga mudan Habaarkaa mirtiyo,   Mooraduugyada e 
yeyga dhiga midkood oo kuwaan,   ila mataaneeya ? 

aan Gabaga soo miiro oon,   xiro makaankiise
Mawlow adaa Maaligoon, nahay Maliiggaaye
inaan Nabad Mushaaxnaan rabnaa, Dunida meernaaye
Dulmilow mareegtaada geli, Meelu ka yimaado
Miskiinkana Raxmaan baw tahee, Raaxo ku mannayso.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk