Malaysia - 01 Apr, 2008
Maansadan magaceedu yahay 'MALAYSIYA' oo aan tiriyey maalintii iigu horreysey ee aan imaado dalka Malaysia 01-04-2008, waxay taabanaysaa meelo badan, sababtay iigu dhalatayna waxay ahayd in aan u qiro Dalka Malaysia sharafta uu iga mudanyahay, isla markaana dadkaan ka imid ee aan ka dhashayna ku dhiirri geliyo in ay walaalahood uga daydaan wanaagga iyo horumarka ay gaareen, lana yimaadaan midnimada iyo isu dul qaadka ay ku gaareen, waxayna ahayd Maansadii Malaysia:

Adduunyada haddaad meertid ood, meelo badan gaarto,
mirirkii kastaba sheeko baad, soo min guuriniye,
Miimkaa Qur'aankaa dhigoo, Maalik baa yiriye,
 
Miliqiyo Mandheeriyo anoo, Moqokorey joogey,
Mayoonays jabuutina wax badan,  Muufo ku casheeyey,
Madiiniyo Sancana soo mariyo, Minan amxaaraadka,
April maalintay kowsatee, Maarso laga guuray,
labadii kun sano maadatoo, marada loo taagay,
siddeed sanana ay moodday ee, joogo maraggeedu,
Maleesiyan majeertoo imee, mahad Ilaahey dheh,

Aadan Cadde dariiquu maree, Muran ku diidaayey,
Nelsankii Mandeellee Cunsuri, Meel ka cad istaagay,
Mahadhada ninkii reebay ee, Macallinkeediiya,
anigooba Mahatiir jeclaa, Mooshiinkii horeba,
maxabbadan u sii qaaday baan, ugu muraaqoone,
hadba milaygi aad joogto baa, maansadaa geliye, 
marti soo dhaweyntaan u bogey, marxabbadeytoode,
yeyga dhiga mataalkood kuwaan, waan u muhanaaye?
 
Makhluuqaa Allee mawjaddee, mari hareerteyda,
Muslim iyo shariik iyo kulay, tahay majuusiinta,
marwadiyo adoogii ciddiyo, ubadka meeraaya,
ma lugaynayaan Maalin iyo, Layl mid ay tahaye,
baabuurta muunada qurxoon, midabbo cayn-cayna,
mootooyin biriqdii u dhaca, miriqishaalleeya,
Maayada sideed bay waddada, ugu mushaaxaane,

in kastoo maraar joogo iyo, dhegala mooryaana,
oo dareen ku joog meelu tahay, megen ka dooneyso,
innaguna mudh soo leennahoon, madaxa taageyno,
oon kuwa mirqaamiya mirtaha, madal haleeleyno,
mudanaha wanaagsani ka badan, kuwa maraarkaaye,
midnimada ayaan ugu bogiyo, Maayad wada guure,
yeyga dhiga mataalkood kuwaan, waan u muhanaaye?

Magaalada qofkii eega ee, aad u milicsaaya,
Dadka wada maquuraaya oo, meel walba u jeeda,
iyagoo Malyuumaad ka badan, Hirar la moodaayo,
Buuq lagu mashquuliyo arkeyn, Qaylo maan kicisa,
oon lahayn kuways maagayiyo, Muudal la celaayo,

Midnimada haddaad eegtid ee, taal Maleesiyada,
waxad moodi Hooyadood mid iyo, aabbahood mudane,
inay magac wadaajeen dhammaan, Muuse iyo Maano,
oo makaan kasoo wada baxeen, sida mataanaade,
minan qurana soo wada mareen, macallinkoodiiye,
yeyga dhiga mataalkood kuwaan, waan u muhanaaye?

Dhirta kii macaan kii murcuda, kuwo magoolaaya,
qaar samada sii miigan ood, kor u majeerayso,
qaar biyaha maylaafinee, dharabku meeleeyey,
kama kaco Mahiigaanka Roob, Maalin iyo layle,
Larka iyo dabayl mililicleed, carafta muudsaydo,
Ubax iyo mankiyo Fiidda taal, quruxda muuqaysa,
Barafuun ma raadiyo qofkii, Maalin daawada e,
yeyga dhiga mataalkood kuwaan, waan u muhanaaye ?

Tiknoloojiyaa meesha taal, doqoni maarayne,
Tareen aan Matoor wada lahayn, Darawal muuqaaya,
oo meesha sare kaa maree, miririfleynaaya,
oo mirir ku gaarsiin halkiyo, madasha aad dooni,
yaa mar qura i saara un ka dego, maba an yeeleene?
 
Maraakiibta gooshtee Baddaa, biyaha mooshaysa,
Diyaarado muggood weynyahee, gegida mawriira,
makhluqaa Marsada buuxa ee, dhowr martabadooda,
Mallaygana dalxiis ugu yimee, ugu muraadaaya,
mid joogiya midkii soo galiya, kii marqaatiyaba,
midnimaday wadaagaan ayaan, ugu muraaqoone,
yeyga dhiga mataalkood kuwaan, waan u muhanaaye?
 
Haddaan dib u miliilico kuwaan, Magac wadaageyney,
is-maqiiqa Mishingaan sitee, eegta mukushayda,
Manaxaanka Noolaha murjee, laylki miranaaya,
ee mariya wixi uu arkee, mawtka u haliila,
oon miskiinka dhaafaynin iyo, duul musafuraba,
waa waxa Dadkii mariyey ee, maatina ka yeelay,

Anigoon Dembiyo laygu miro, Mirifna aan geysan,
oo meeshi layguba khalqiyo, Miliqo aan joogo,
oon Makhluuqa Eebbana xushmiyo, Muuno ugu haayo,
Reer Mire maxaa kaa dhigiyo, reer Matabanaaye,
oo Mawle kaagana dhalshoo, magaca kuu geeyey,
midka ii miro ii murjee, iguna maagaaya,
in kastoon magaca Aabbe iyo, meel ka wada jeedno,
ama Hooyadey Muuno badan, ila mataanayso,
mar hadduuba maalkay dhacaa, maydna ila dooni,
Mujrimkaasi Naar haw martiyo, Moolka keeda ahe, 

inta ila midee maadatee, qaxu madoobeeyey,
iyo kuwa  Rafaad megensadee, dhaawac mililaayo,
iyo kuwu Nibiri muudsadiyo, Aar Makaabya leba,
Madaxeenna timihiyo ka badan, Miraha duurkaase,
anigaaba weli muuqda oo, nolol mirfaysaaye, 
ummaddaydi badankeed maddada, Moolka hoos gale e,

Midka sababta maareeyey iyo, Midigta kii geystay,
een Tawbad meeqaamin ee, Madaxa sii taagi,
Mawlahey ma moogoo mar uun, wuu murjinayaaye,
Malleesiya markaan imid ayaa, miirku soo degaye,
kuwan aan u soo maatay ee, tira malaayiina,

Mawlihii mid caabbudahayeen, Mirir illoobaynin,
iyo ruux maddada seegay ee, marin-habaabaaya,
ee Dhagax ku mawriira ee, Duco mahiibsaaya,
iyo midan dhan laga jiro ogeyn, mirana raadsaaya,
Mad-habada midduu doono iyo, Maab ha caabbudo e, 
iiga mudan Habaarkaa mirtiyo, mooraduugyada e,
yeyga dhiga midkood oo kuwaan, ila mataaneeya? 

aan Gabaga soo miiro oon, xiro makaankiise,
Mawlow adaa Maaligoon, nahay Maliiggaaye,
inaan Nabad Mushaaxnaan rabnaa, Dunida meernaaye,
Dulmilow mareegtaada geli, Meelu ka yimaado,
Miskiinkana Raxmaan baw tahee, Raaxo ku mannayso.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk