Malafsi 13-05-2005
Maansadan MALAFSI oo ahayd 13 Dec, 2005 waxan sameeyey markii aan arkay dad soomaaliyeed oo nooc walba leh oo habeen iyo maalin madaafiic ku garaacaya shacab masaakiin ah oo iyagu ay sheegaan inay ehelkoodii yihiin, kuwaas oo ay si arxan darro ah u laayaan, oo lababa ku heshiiso dhinacaas ka soo garaac madaafiicda anna halkan baan ka soo ridayaaye, inay ku heshiiyeen cidda shaki uga jirana waxaa marqaati ugu filan mar walba iyagu way wada joogaan oo huteellada dibedda way wada seexdaan, waxana nasiib darrada ugu weyni ahayd dadkii war ha na laynina oran lahaa ayaa rasaasta u keenaya oo leh ku rid gurigaygii iyo ubadkii aan saakay u soo shaqo tegey, markuu duhurkii gurigiisii ku laabto ee la yiraa saakay ayaa carruurtii iyo xaaskiiba baaba'een, ma damqado oo lagama yaabo inuu ninkii saakay soo riday oo uu gacan yare u yahay uga xumaado bal wuuba sii jeclaanayaa oo laftiisa ayuu leeyahay kaalay dadkaan soo laay aad ku baqtidide isna Ok buu saarayaa, calaa kulli xaal maadaama aysan jirin cid aad wax u sheegto oo miyir leh maansadan oo aad u gaabani waxay ahayd:

Mooryaan ha noqdiyo, Dagaal ooge maahsane,
kan Mawlihi illaabee, aaminay madfacow,
masaakiintu madashiyo, Mawlahoodi bay sugan,
oo muddaa u taallee, mujrimyohow habaarani,
muhdiyohow inkaarane, aroortii horeetiyo,
miranaaya laylkii, 

Agoon moora duugtaa, Oday Muudde xoogtaa,
ka maroojisaa Habar, malafsigan adduunkiyo,
macmacaanku wuu hari, muruqaagan xooggiyo,
ismaqiiqu wuu tegi, sakaraadka murugta leh,
miyirkaa lagaa tebin, 

dabadeed maraaryohow, xaaraanta muudsada,
maradii caddayd oon, mirif kale lahayn baa,
inta maraqyo loo jaro, luguguna maroojaa,
God madow laguu hoyn, 

maalkaad dhacaysiyo, ehelkii markuu tago,
een hal maalin daa bale, laga joogin dhawr mirir,
Munkar iyo Nakiir baa, waxanaad maleyn iyo,
mucjisooyin kugu dhigi,

welibana maduulyohow, maantadan ad nooshahay,
wax ma dheerid maatiye, caqligaa ku maranoo,
dareenkaa ku maqanoo, ibliis baa ku mayracay,
ee haddaad miskiinyohow, weli geeri moogtahee,
intii aanu mawtkiyo, Malak uu ku soo ridan,
masakiinta nabad geli, oo  marinka khayrkiyo,
mar dariiqa kuu roon. !
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk