Mahiigaanka afartaa - 21 Dec, 2004
Maansadan yar ee Mugdi ama AFAR WAA MAHIIGAAN oo Soo baxdy 21-12-2004 waxa ay ahayd mar uu aabbahay u mahmaahayey ruux habeenno lahaa amaba habeenkii araggiisu liito, oo uu yiri afar waa mahiigaan oo waa dhibaato weyn, afar baa u maaraa oo lugu xalliyaa si ku mel gaara, afar baa ka macaan oo ka fiican haddiiba la helayo, afar baase u meel la' oo aan dhib ka bixin barwaaqo kastoo timaada, markaa baan maahmaahdiisii maansadan yar u beddeley waana tan:- 
Mahiigaan afaraa jiriyo, mawjad belo jiifto
Mahiigaanka afartaa--------------------------

Aabbahay macaanow murtidaad, marisay oon guurshey,
waxaad tiri adoo maarriyoo, weliba miisaamay, 
Afar waa mahiigaan mushkilo, lagu madoobaado, 
afar baa u maaraa dadkoo, ugana moodaane, 
afar baa macaan malab lahoo, muudsi ku idlaada, 
afar baase mawdoy nacdaa, madashii loo geeyo.

MUGDI waa mahiigaan indhuhu, muuno tirayaaye, 
dayax baa u maaraa Ilaah, nugu mannaystaaye, 
Maalin baa kaa fiicano macaan, oon madow jirine, 
maxay uguse taallaa midkaan, Arag u muuqaynin ? 
 
COLKU waa mahiigaan hadduu, Mooro duug yahaye, 
waxa maaradiisaa Col aad, meel ku dhurataaye, 
Nabad baa ka fiicano macaan, lana macaashaaye, 
Fuley baase meel la' oon hubseyn, mugusha tiisaa dheh, 

miyuu fulayse hubin karahayaa, mugusha tiisaana ?
 
ABAAR waa mahiigaan Naflaha, lugu maliilshaaye, 
Burka iyo Biyaa maara oo, luguna moodaaye,
Aaran baa macaan iyo Rahdoo, meel ka dhaada lehe, 
maxay uguse taallaa midkii, Xero madow jooga? 
 
NAAG XUN waa Mahiigaan beliyo, Good mus kuu galaye,
Xidid baa u maaraa hadduu, kuu miciinayo e, 
Gaari baa ka fiicanoo Man iyo, miraha Doocaane, 
doqon baase maydoon lahayn, meel la mariyaa dheh.

sowse doqoni mayd ma ahoo meel walbaba diidi ? 
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk