Maanaa leh - 10-01-2007
Maansada 'MAANAA LEH' oo soo baxday 10 January 2007, sababtay ku timid waxay ahayd, tolkey soomaali jahliga badankeed ka haysta qiimaha midnimadu leedahay, oo ay Qarannimo ka jecelyihiin Qabaliyo iyo Qaad iyo Qoray iyo Qax & Qalalaase joogto ah oo aan marna laga yaabin in ay waayaha wax ku qaadato, ama deriskeeda iyo dunida kale fiiriso siday u noolyihiin, taas darteedna ay har iyo habeen facood ama kuwo kasii liitaba u hoos joogaan oo ugu qaxayaan, dunidiina ku wareertay, markaa xaaladaha aan tolkey soomaali kala kulmay oo aan la soo koobi karin, aan uga gudbo midda maansadani ku saabsantahay oo ahayd qisada tan:

Waxan aad ula yaabay, mar alla markii aan arko wax u baahan wax ka qabasho, qofka aan ku iraahdo kaalay waxan qabo ama aan qabanno, haddii aysan ahayn wax uu isagu shaqsi ahaan u leeyahay isla markiiba wuxuu kugula soo boodayaa, Maanaa leh, ama maxaan u qabanayaa maanaa Anigu leh marka aan qabanayo, ilaa xitaa waddooyin badan oo aan samaynayey ay rumaysan waayeen in aan iyaga uun u samaynayo oo Allena Ajar uga rabo, ilaa ay gaartay in ay ku sheekaystaan in aan Hay'ado caalammi ah lacag uga qaato, haddaba markay arrimaha MAANAADU aad iigu bateen ayaan go'aansaday in aan dhawrka MAANAA iigu soo horreeya qorto, kaddibna aan maanso ka sameeyo, waxayna ahaayeen sidan: 

Mid baan ku iri waar Saqiirka dabka ku dhacaya ka qabo, wuxuu igu yiri 1-Maanaa dhalay saqiirka dabka ku dhacaya?, sidoo kale Gabar carruur yuruuruca xamar kala soo qaxday oo dib u laabanaysey, oo aan filayo inuu magaceedu ahaa Muxubbo, aanse hubo inay ahayd ina C/Kariin Colow, ayaan gaarigii TII-EM ka ee ay dusha ka raacaysay mid ku iri ilmaha kor ugu dhiib, wuxuu yiri 2-Maanaa ka dhalay ilmaha?, Baabuur milix lagu rarayey baan u jeedey jawaan afkii ka furtay oo milixii daadinaya, markaa baan aniga oo xoog u qaylinaya mid ku iri war jawaanka qabo, war jawaanka milixa daadinaya qabo, wuxuu yiri 3-Maanaa leh miilada?,  Ri' Buur daaqaysey ayaan si kedis ah u arkay iyada oo saloolanaysa Geed buurtaa qarkeeda ku yiil, markaa baan mid xaggeeda iiga dhawaa anoo qaylinaya ku iri war Neefka celi yuusan buurta ka dhicine, wuxuu yiri: 4-Maanaa maala neefka?, Baraag ama Berked uu lahaa nin oday ah oo la yiraa Mukhtaar Maxamad Jimcaale oo Roob mahiigaan da'ayey la buux dhaaftay, baan mid ila socdey ku iri, waa taad lahaydeen Berkadda buuxsanta haddaan roobka laga xirin way jabtaaye, kaalay aan Baraagtan biyaha ka xirnee, wuxu yiri: 5-Maanaa ka caba baraakta?

Mid kalaan ku iri waddo aan isaga laftiisa u samaynayey kaalay geedkan weyn ila goy, wuu iga aamusay, markaa baan aniga oo gartay inuu hawshaas diiddanyahay baan ku iri, war ninyohow kolley adigaa marayoo anigu haddaba waan kaaga tegayaaye, kaalay oo geedka ila goy aad baan ugu daalaye, markaa ayuu la soo booday: Maanaa keligey maraa waddada?, tan aan ku soo gaabinayo qisada MAANAA LEH,  Mas ordayey, oo ka soo baxay xaafad aan xaggeeda ku soconnay, baan mid ila socdey ku iri, hebelow kaalay aan maskan raadinnee, kolley meeshuu ka yimid guryo badan baa ku yaal oo dad inuu soo cunay baa dhici kartee, wuxuu yiri: 6-Maanuu masku ciddeydii laayey?, isaga oo markii aan sii weydiiyey ula jeedey, in aanuu gurigiisu jirin dhanka uu masku ka yimid, Subxaanallaah.

Calaa kulli xaal waa tan maansadii yarayde Maanaa leh ee soo baxday 10-01-2007, balse aniga xusuus gaar ah oo aad u weyn igu lahayd:

Maanaada Dooxooyinkaan, lagu masiibeeyey,
intay Mayada ku hayaan wixii, Wadar u muuneeya,
yaan inay majeertaan Facood, laga malaysayne,

Xasadnimo inay maydisee, meel cidla ah geysey,
dadka qaar ayaa moodayoo, geliyey maankoode,
anse inay Aqoontii Maddada, Ceel mugdiya taallo,
oy Mool ka hoosayso baan, Marag u haystaaye,

Caqligoodu inuu maatay oo, qolo kalow meeray,
Cadowgood martaayaan ayaan, Marag u haystaaye,
Maanaada Miimkeed bal aan, qayb idiin mariyo,

Dab ka celi mid aan iri Ilmaha, Hooyo baa maqane,
wuxu yiri Ilmaha maan dhaloo, laygu magacaabay?

Miskiintii ilmaha Tii-em kii, mootin karin waysey,
baan iri mid taagnaa halkii, sare u soo mooti,
maanaa ka dhalay buu i yiri, taan u mootinayo?

Mid aan iri Jawaan baa furtoo, milixi daadaayaa,
maanaa leh Miilada i yiri, maxan u toosaana?

Mid aan iri war celi Neefku yuu, Mool ka sii dhicine,
maanaa ka maaluu i yiri, maalin qurahaatay?

Mid an iri Baraagtaa ka moos, mawjaddaa jebine,
maanaa cabaayuu i yiri, Moos markaan dhigayo?

Mid kalaan Dhabbahan Mayro iri, kaalay ila muuji,
maanaa maraayuu i yiri, keligey meeshiisa?

Dil Maskaa cid inu soo miraan, uba malaynaaye,
midaan iri midhkaa baa i yiri, maxaan ku maagaana,
maanuu Ciddaydii miroo, mariyey Qoyskaygi?

Dadka saa maqaamkoodu yahay, magacna doonaaya,
oo Dan guud inay maamushaan, diidi Miyirkoodu,
Midnimada haddii loogu waco, bili Masiirkooda,
oo meeshay joogaan ka dhigi, Mooska agaheeda,
dhawr mid oon ka reebayo haddoo, tira yar mooyaane,
Masiibiyo inad ugu wacee, Belo ku moodaaya,

Doqon baa u Muruq weyn la yiri, Minanka keedaahe,
Miskiinkii walaalkeed ahee, tabaru moodsiisay,
ama uu Garaadkiisa mudan, Muran u diidaayo,
reer Maano keligeed Malyuun, Faan ku mararrowdo,

Munkar iyo haddii loogu waco, Dhiig la mulacyeyni,
iyo Maati reer Hebela oo, loo Martaba sheegan,
oo Moodya Nool Maalin qura, laga madoobayni,
+  
Maayada Badweyntaa sideed, Hirarka Mawjaada,
Maraakiibti Naatiya siday, tahay Mahiigaanka,
isi soo melmeli oo haddana, miyirka weynaysa,
ee Maati waxay galabsadeen, mirifna loo haynin,
Maydkooda wari oo iyana, doonan Malaggeeda,

Sac Mid lihi Sayntiisa uu, Mudac la goobaayo,
ama inu Middida geliyo uu, ulaba maahaayo,
dhaafi mayo meeshiisa oo, Gawrac wuu mudane, 
    
Malyuun iyo Milyaar Dunida tani, Moodhar waxa yaalla,
Musaacidiya Mucaawino haddii, loogu shubo Mooro,
Midnimada intay diidayaan, Dulumna muunayni,
Mid Gadoon ka soo maatay oo, dili Mataankiisi,
iyo Dhiig mid miirtoon u nixin, maraxna dhaafaynin,
megen bay u noqon oo indhaha, way ka mirrigsiine,
+
Reer maana Maanlaay tolkey, maydka u hilowdo,
Deriskiyo mid ay gaarin karin, mudane eedayso,
nabadey intaad miyirsanee, meregi kuu taale.

-------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk