Maad iskaba deysid? 21-01-2015
Maansadan Maad iskaba deysid oo soo baxday 21-01-2015, waxay soo baxday maalin wiil isbaariiste ah ee dad uu dilay u doodayaan kuwii la rabey inay dadka indho u ahaadaan, kuwaas oo ku socday magac qabiil, balse waxa aan la yaabay ahayd inay siteen magacyada Oday, Xildhibaan & Wadaad, maansadaani waxay si toos ah ii xusuusisay maansadii Docda & Jufada, waana tan maansadanu:-

Odayohow masuulnimo gebiyo,  magaci loo dhiibay,
ee ubixi inuu mayriciyo, milkiga loo siiyey,
maalintii gashaba muudsanaa, maydka hilibkiisa,
haddii adan magaca dhawrin wixii, lagugu muuneeyey,
inaad meel maqnaatiyo inaad, muuqato ahayde, 
intii aad Cadaab mudan lahayd,  maad iskaba deysid?

xildhibaan masuul laga dhigyow, waan meteli sheegtay,
haddaydnaan magaca hayn karayn, laydin mudaneeyey,
masuulkii ka soocane bulshada, keligi meel taagan,
Jin buu maamul u hayaa kuwaan, muuqa la arkayne,
midmidkiinna dunida soo arkiyo, madaxda duunkaaba,
maadan arag adduunyada Dal uu, muuno leeyahaye,
madixiyo majoo idin jiraad, soo mutuxantiine,
mawlahay ma moogsana inaad, malafsanaysaane, 
intaad Ceebya mudan lahayd Cadaab,  maad iskaba deysid?

Majiraan mid qurodnaan aqoon, meelu ku hirtaaye,
dabley aan la haybtood aqoon, mariye duunkiiye,
xilmadhibe ibliis ama odaga, magac malaaqeed leh, 
maad cirrada madoobaysid ood, garasho moogaatid,
ood ruuxi magacaa ku dhaca, mooyi ku tiraahdid,
garawshaad markaa heli lahayd, inad majnuun tahaye,
intad duulka falan ku milmi layd, maad iskaba deysid?

Maxaa qoriga ii dhiibay iyo, maan iskaba daayo,
intii aad shallay megansan lahayd, maalin murugeedka,
asaaggaana kugu maadsan lahaa, madashii uu joogo,
website laydu riix meeshan ay, maal ku tacabkooda,
war degdegada meediyuhu uu, saari laa madowga, 
Daroog iyo Maarre Aake Faal, maad iskaba deysid?

war maxaa inkaar kugu melmeled, Malak u raadseena,
maantood mushaaxee xurrnimo, cidi ku maagaynin, 
ood meeshad doonto ad maree,  maad iskaba deysid?

wiilkan masaakiinkahow, maanka laga qaaday,
ee ruux miskiinaba kulyoon, madaxa goynaaya,
mar-soobaxan an daalaynin ee, mariyey reerkiisi,
ee inu la maatoo dakane, madow ku noolaado,
iyo inay abaalkiis marshaan, kuwo misaalkiiya,
ama qoraygu tiirkuu u muday, madaxa loo duubo,
ee rasaas an loo meel deyeyn, lagu malaasaayo,     madaxa duulaaya
ee dalkiisi masas bahal galeen, muunad uga yeelay,
maxaa qoraga kuu dhiibay oo, midigta kuu saaray, 
intii madaxa lagu duulin lahaa,  maad iskaba deysid?

wadaadyohow makaabbada u weyn, nana hor mawriira,
-------------------
------------------------
----------------------

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk