YnbSlm Tacaddiyada, 21-12-2007
Maansadan oo soo baxday 21-12-2007, waxan ku mashquulsanaa Waddo samayn, dhididkayga ayaana baxayey, waxanna gacanta ku hayey oo aan ku shaqeynayey qalabka ay ka midka ahaayeen Faas, Gerweyn, Badeel & Fargeetada waddooyinka lugu xaaqo, kana carooday ficillo dad xumi samaynayeen oo iyagu ay is lahaayeen diinta islaamka ku bahdila, gaaladana cunno aad liqdaan uga hela, lkn aan diintan bahdili karine keliya dhibkay geysanayaan ahaa inay gaalada been u sheegayaan oo lug goynayaan, waayo gaaladu waa Uun ilaahay abuurtay xaqna ma ahan in been loo sheego ama la khiyaano ee waa in so wanaagsan lugula dhaqmo, dabcin kii ku dhibayana sida qof kasta oo ku dhibaya loola dhaqmo ayaa loola dhaqmayaa, xitaa hadduu muslim yahay (ama sheeganayo waayo muslim cina ma dhibo).

waxa kalee maansadu ka hadlaysaa, daalimiinta aan tawbad keenin, kuwa ka been sheega Diinta, kuwa beeca ama beegga aama miiskaana khiyaana, tuugada, kuwa jaarka ama deriska dhiba, kuwa xanta badan, kuwan khayrka & wanaaggu gelin, isbaariistayaasha, aabbaha ilmihiisa lugu cabsiiyee la yiraahdo hayey aabbaa soo socda, kuwa bidcada hawl ka dhigtee diinta ku shaqaysta, kuwa iyagoo caafimaad qaba aan shaqaysanayne tuugsi & shaxaad hawl ka dhigta, kuwa dhul iyaga ka badan seerayaal ku xirtee ummaddii kale u diida sida dhulka daaqa iwm, kuwa cayda badane, dagaal oogayaasha colaadda uun abuura, fitnoolayaasha faalka & sixirka ku shaqaystiyo kuwa aaminsane qurunka dunida la dhex jooga, Qabiiliisteyaasha qurunka ahe in uunka ilaahay wada beertay wada noolaashahooda hor taagan, kuwa lurka & luggooyada uunka Ilaahay ka shaqeeya, nimanka bukhalada ahe iyadoo Ilaahay hanti siiyey xaasaskooda biilka & nolosha kaleba ku ciriiriya, kuwa Nabiga swc ku been abuurtee qurun kasta ee ay sameeyaan yiraa Nabigaa samayn jirey oo anigu Ahlu sunno ayaan ahay, kuwa munaafiqiinta ahe Muslimkiyo gaalada isku dira iyagoo gaalada isaga dhigaya inay u hiillinayaan, kuwa hawadooda caabbuda oo wax ay ka xishoodaan aysan jirin, ugu dambaynna maansada labadeeda Xaraf ee Kaafka & YA' du waa Alla bari, waana tan maansadii:-  

Tacaddiyadan soo, tiraayee, tuban Ba'ya Ta'ya tii ya eedda,
kaan Tawaabki u tawba keninow, tubaal baa toos laguugu tuuri.

Aayadaha kaan toos u oofeyn, oo aan toosnkaa u diideynin,
isagoo dunidaan ku oomuu, aakhira uu ooyi doonaa.

Burka ama baastiyo bariiska, baradhiyo wax la beeganaayo,
baylihiya beecooda dhunsadow, burcadow berrad booyi dontaa.

Tuuggii tub dadow tegaayee, toban iyo xada toosh islaamed,
tafahiyo tagogahoo tartarayuu, tub qiyaamihi tuumi doonaa.

Jir xumeeyaha jaarka dhibayoo, jiifkiyo joogga uu xusuustaba,
jeerka malak ruuxii,sa jufsadaa, jahannamo loo jiidi doonaa.

Xanlowgiyo kan xishood, ka xoore, xamxamlaynta la xii, mi jirayow,
xilligay naf xulquun,ta gaartaad, xay abuuray ku xii,qi doontaa.

ma khushuucaha khayr,ku gelinow, qarribaha qarraabinaayow,
khaaliqaad caradii,sa qaadanod, qurqurinod qalaf sii,san doontaa.

Dad musaafura moo,ra duugaha, dulmiyoo sahaydooda diirtow,
doorka ruuxu ku sii, deynayad, dalaq dhihi darki naar, cadaabed.

Raqayaha dhashu ay, ka roortee, reerkiisa raam,sanaayow,
raxmad laawow ruug, aduunyada, rugta iyo raaskaa,gu waa naar.

Salligiyo saddaqiyo, salaadaha, midkan sidodii u suu,bbinaynow,
zamankuu sakaraad, yimaadaad, silci ood saxarii,ri doontaa.

Shaqo kan shabkax uba, oreynoo, shaafiyoon dhididkii,sa shubinow,
sharaftoo sida shaar, la siibaad, khayrkaaga shaxaa,di doontaa.

Dhirta kii seeraha, ku dhawrtee, dhuunigeedii gaar, u dheefsaday,
dharaartaad dhuun yee,rineyseed, dhimataad dhamacdii, geleysaa.

Cayda kii ku caraa,tamaayee, cayga qubayee cee,balowgaa,
cibaadaduu alle caa,budaayiyo, camalkiisuu cayr, ka noqonaa.
 
Guluf iyo gardarriyo, gaboodlaha, gumuciisu u giig,sanaadow,
galawdaa marku ruu,xu gaaraad, go'ayey la garii,ri doontaa.

Fitno iyo Faal kii, ku faanow, ama fuxushnimo faa,finaayow,
fuqa oo lagu foo,raraayiyo, foogtuu foolkaa,gu gubanaa.

Qurunkiyo qabiilooy, la qaylyaha, qalbigiisa ku qaa,liyeyow,
qabashada naf qibloo,shadeedaad, qoomammo ad, la qalaa,di dontaa.

Kor ahaayow kow, bilaa labo, Kaamilow kala qayb,sameynow,
ka horreyow kana, dambeyow, kartidiisu karaar,ka dhaaftow.

Kurbo faydow kii, i koriyow, keligiisa i kaa,finaayow,
on Ilaah kale kaa,shanaynow, kurbo iyo kiil baan, ka cabanaa.

Lurka iyo kan luggoo,yo jecelee, laqdabada la lallee,manaayaha,
Laxawgiyo Wedka lee,babkiisiyo, Luxudkey Lada lee,fi doontaa.

Muudalkaan marwadii,sa muunayn, oo masruufka ku mii,jinaayow,
marku mawtku maroo,jo ruuxaad, murugiyo mugdi aad, muquuree.

Nabigiisa nabiyo, nabiibahan, kala nudin nuunkiis,ya nuun kale,
nabarkuu wedku neef,iyee nuduu, naxdin uu la nuxuu,si doonaa.

Wilyamkiisa walaa,shadowgaha, muuminiinta wixii, luraayana,
wararkeeda ku wiir,sanaayow, wedka sugiyo wareer, qiyaamaha.

Hawadiisu hoggaa,minaysow, heensade hiinfaal,ka xaaraan,
hedda ood ku hinraag,to geeridad, haawiya u hoyaa,di doontaa.

Yoomka yaahuu'dee, la yaabayo, yarya weyn la yadaa,dumaayana,
yan kasii yu'anaa,ye Yaasirow, iga yeel Janno loo,gu yeerkii.

---------------------
Max'ed Cabdi
aaaguul@hotmail.co.uk