Slm clykm 18-12-2007
Maansadan oo soo baxday 18-12-2007, waxay soo baxday anoo shaqo adag ku jira, oo waddooyin kaligey samaynaya, isla markaana aad uga caraysnaa dad aan idaacadaha ka maqlayey inay dagaal & qalalaase ku soo kordhiyeen, ummad awelba qabaliyo iyo dulmi ay iyadu is dulmayso, dunida kalena dulmayso la tabaalaysnayd, in kastoo maansado inta badan halkaas ku jihaysantahay, sidoo kale waxay ka hadlaysaa arrimo aan markaas dhex joogey oo aanan horey inan maqlo mooyee aanan inta badan goob joog u noqon.

markaa guud ahaan waxay maansadu ka hadlaysaa dadka maalka Agoonta dhace, beenaale, Qabiiliiste, Isbaariiste, Diinta tuure maskaxdiisa qabaliyada ah sharci ka dejiste, Daroogiisteyaasha, Ribo cune, Rixin gooye, Xishood laawe khaasatan kuwa aadanaha nabsadee arzaaq ku raadiya, Salaanta muslimlaawe, Sharlowga, Seera xirte sida dhul-daaq ballaarane isaga ka badan, soomaalida jaajuuse beenlow ah, mooryaanle, daroogiiste, dhuuni qaate, diintu masjidka ha ku ekaataale, Hadalka fiican xumaan u beddele, Qabiiliiste, Nabiga scw nabe, Dhaar beena wax ku iibiye, Lahwi jeclaade sida heeso & muusik iwm, & Alla bari.

Agoonta oon-tooda liqe, una adeegayninow,
aakhiraad, eedi ood, ooyeysaa.

Beenta buu- finahayow, borobogaan-dada badnow,
Berrito baad, Bohol Naareed, ka barooree.

Toltol qabiil, tiigsadee, tii islaam, tiiriyow,
toog dambaad, tog cadaabeed, ka talalee.

Jidka jarow, jiil safara, jiscinkoodii, juguxsadow,
jeerad go'daad, jaxiimadii, ka jibaadee.

Xeer islaam, xoorayow, xeer ibliis, xaabsaow,
xayaatadoo, xirantabaad, xiiqaysaa.

Khamarji khayr- laawahow, khamradu biil-kiis tahow,
khaanatayn baad, khasaartaye, Khoof ku joog.

Diinta kii, diidayee, doorta dimuq-raadiyada,
daakhilkii, darakaadkaw, diyaar garow.

Ribo cunow, rubi saarow, rixin gooyow, raxmad laawow,
iska raamso, rubad go'aad, runta ogaan.

Sarriig laawaha, saalixiin, sandareerada, siistayow,
samhariiraad, ku silciyoo, ku suganee.

Salaantuu Eebbe sameeyey, ka sarriigtaha, see layahay,
ku sannaadow, subaxaad dhiman, baad salwee.

Sharlow shaqaa-qada wadow, shuftayga aan, sheexinow,
shinad hoogted, sheela gashaad, ka shallaynee.

Dhul naga wada, dhexeeyey, xirma dhawrtaha, dheefsadow,
dharaartii aad, dhimatay naar, ku dhalaalee.

Cadawgiis caa-winahayee, cashiiradiis, ciilayow,
cishadad dhiman, cabaadkaagaa, laga cararaa.

Guullihiis, gooynayow, Guufarkana, garabsadow,
geeridaadaad, god cadaabeed, gadgaddoomee.

Fataanka fee-raha weynee, fuxshiga fuuq-sanahayow,
fagaarihii, fadeexadaad, foogta iman.

Qaduu mar liqo, qalqaaladeed, qaraabadiis, qixinayow,
Qudhoo go'deed, qubaysataad, qamuunyoonee.

Kibiraaniga, kaadshayee, kalaam eebbahey, ka santaagow,
kadabkaagoo, go'aad kelyaha, ka kadlaynee.

Lillaahi laam, loo wadaba, laqdabaalaha, leexiyow,
leeb wed baad, ku lulmoon ood, laqanyoonee.

Magac qabiil, Muuneeyaha, Miim Qur'aan, maya yirow,
markad go'daad, maxay geeyey, ku murgoonee.

Nabigiisii, nabahayee, nuunowsan dhihin, ku nishaabow,
nabarka gee-ridaad nadnaa-diyod naxee.

Wallaahi bee-na wuxuusan, lahayn ku waab-sanahayow,
wedka sugaad, walwashidood, walbahaartee.

Heesaha huur-sanahayee, hugun ibliis, halabsadow,
hedda sugaad, Holon kulayl, u hoyaaddee.

Ya'daydaan soo, yagleeliye, yoomkuu yoo-maa khalkhigu,
yaasirow, ii yarxamoo, yadda i sii.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk