Rabbi salli calal, 16-12-2007
Eebbahey addoonki kii, xaqirayow,
iska sugo ololki naar, ta haawiya.

Ab ku faanaayiyo awoow aa, na qabiil,
ayaantaad geeriyooto baad, anfariiree.

Bishimaha midkii an been, kala bayrey,
ninow badweynta naarahaad, ka barooree.

Taloon lagaa weydiinin baad, taxaabantoo,
ka tegi adduunye taw, ba keen haddeer.

Jidka gooyow sugo bal jeer, jalku go'ood,
ka jalaadi jahannamaan, jir nax lahayn.

Xukunki Alle diidnoo xaa, kimkeennu waa,
xugunsato dhimato xee, rato baa nool.

Khabiirkiisa khilaafe baa, khasaarayee,
khayrkii diidnoo khunqumi baan, khamiirsannaa.

Dadya duunyo midkaan udiir, naxayninoo,
darariya qabiilka duu, ggaagu waa naar.

Ribadiyo xaaraanta kaan, reed maraynow,
rarankii cadaabahaad, ku rabbaynee.

Siinka diinta midkaan saxay, ninow saacaan,
laysi soo celeynin baad, salalaysaa.

Sharta iyo shareero kii, ka shaqeeyow,
wad ka shubi adduunyee shaa, hidkeed ahaw.

Dhex socdaha dhuxdhuxlaha, dhibaato dhige,
dhuxula naarya dhunkaal ayaa, dhuunigaagaa.

Caqli diinta la'aanti waad, ku ciiriyee,
cadaabtii intuu ku gey, nin cilmi baro.

God madow intaadan gelin, gacalkeeyow,
Guullahay toos ugu go'aay, waw gar leeyahee.

Falfall iyo fulaanfuloow, fadeexadii,
fagaarihii qiyaamahaad, ku fashilmee.

Qarankii qabiilan ka doo, ranno qur goo,
yiyo dhiigga qubanayaan, u qoslaynaa.

Kolkaan kutubkeenni ka lee, xannaa kidaa,
biin isu keena kaashatoo, na kadeedaan.

Lillaahidii markaynu laad, naybaa luggoo,
yiyo laqdabooyin ay, na leefayaan.

Markaan muslinnimo nacnaa, mushrikya mu,
naafiqiintii na maamushoo, na murjiyaan.

Nin aan dilin ninkii dilee, nafta dhaafshow,
naxariistii kala tagtoo, naaraad gelee.

Waddo gooye wadiiqa taa, ganow wareer,
qiyaamaad ku waalanood, walbahaaree.

Hooyadiis kan hayb qabiil, ku hoojiyow,
holankii cadaabti baad, ku hoobanee.

Yoonka qiyaamee la yadaa, dumoo la yaa,
bi oo la wada yoomi ee, yasir Allow.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk