Ilaahayow ilaahayow 22-06-2008
Maansadan oo soo baxday 22-06-2008, waxay dabo socotaa ilaa 3 maanso oo kale ....

Allow adaa, ammaan lehe, axmad rasuul, 
amniyo aa, ran aan idlaan, eebbow hibee.

Ayaamahaan, eedaan galnaa, na ahligee, 
ilaahow ir, daha khayrkaa, ga noo astee.

Biiri qaataa, na baaran oo, na boobayee, 
Baari'ow waan, ku barinnee, na badbaadi.

Tuug iyo taa, riku diin baa, na talalshee, 
tawaabow too, biye toosaan, kaa tuugnay.

Juuc iyo jaa, hilbaa jiroo, na jafaayoo, 
na jalwiyee, jaliil jaahaa, gaan rabnaa.

Xabuushiyo, xaasidiin baa, na xaalufshoo, 
na xakaarshee, xakiimow xoo, gan kaa rabnaa.

Khurmuunayaal, khamarjiyoo, khayrku dhibaa, 
khalkhigaagii, qarribee khaa, liqow qurgoo.

Dulli baa diin, ti doollar iyo, dirham siistee, 
dayaanow daa, wadii khayr baan, kaa dalbeynaa

Rishwooliyo, rubi saaraa, raashinkeennii, 
sarow raree, rabbiyow roo, ban kaa rabnaa.

Suruclayaal, saqraaniinaa, na salfadee,
socodsiiyoo, Saatirow gee, saciiradii.

Sharwadayaal, shariifyadii, shabbaaxay oo, 
shilin siistaan, ka sheegannee, Shahiidow laay.

Dhuqdhuqlayaal, dhuuntaw dheeroo, dhuuni qaataa,
na dhumiyee, dhub sii Allow, dhulkana gee.

Cilmi sheegtaha, ku caasiyaa, ciiddii batee, 
Caziizow caa, ddiliin ayaan, kaa codsanaa.

Gar diidayaal, gafuur xunoo, gaalo dhaantaa, 
geyigii goof, shee geeridoo, da guullow keen.

Fitnooliyo, fuxuushiin baa, na faalaloo,
na firxiyee, faataxow, faa’iidan rabnaa.

Qabiil iyo, qabqable baa, qarankeennii, 
qarbudayee, Qaaddirow gee, Qabuuraha.

Kariimkeennow, kilaabiintii, kalaamkaagii, 
kir yiraan kaa, ga cabannee, naga kor qaad.

Luggooyayaal, lillaahidii, ka leexday baa,
na laynayee, Laddiifow leeb, ka wedkaw lul.

Muuminkaagii, murjinayaa, mudh soo yiree, 
muhayminow, muquuniyoo, meel xun ka tuur.

Nuxnuxlayaal, Nabigaagii, namiibay baa, 
Nuurow jiree, nabarkii gee, ridaw nishaab.

Wadaad weli, mma weeraraa, Wowgii Qur'aan, 
wareeriyee, Waaxidow kaa, dhan nooga wad. -----

Haanfariyaal, habaar qabaa, na halaajee, 
hadduu hanuu, neyn Haaddi'ow, heddiisa keen.

Ya'deydii waan, yagleeliye, yaa Raxiimow, 
yawm adduunyiyo, yawmul qiyaame, ii yarxam. ---   
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk