Liibaan digtoonow 12 Oct, 2005

Sannad laba kun duubee, shanna loogu sii daray
oo darayga Maalmuhu,  labaya tobanka diilmood
bil tobnaad dul jaagaan.

Hijriyada dixdeedana, ramadaan degdegayaa
arbacadii duggaaloo, maqribkaan dumaayuu
siddeed beri dabayshaday.

Nimcadii na deeqdee, dibnaheeda oo xiran
gaajada dihaalka leh, naga soo dabiibtaay.

Dulqaad iyo xishood buu, daa'im kugu mannaystoo
da'yartiyo asaaggaa, iyo duul k a sii weyn
dabcigaad ku dhaaftaa.

Halka doqoni hooskiyo, ka didayso raadkeed
ayaad deeqo saadaay, farxad iyo dekeyn iyo
damaashaad ku nooshahay.

Ruuxa daalimkaahee, ku dulmiya naciimaay
isagayska daaloo, sida uu u doobbaa
markuu ruux daneeyiyo, cid la doodda waayoo
harraad uu diloodoo, isagoo dullooboo
ceeb la daaddumaayuu, kaligii dabayshtaa.

Awel horeba deeqaay, aabbaheenni diirshiyo
hooyaa ku dihatee, balse doorka maantaa
degel soo dhawaadoo, nala soo dersaad tahay.

Adoo ahaa dirkeennaa, lugu duubay fiidoo
janan darajadiis iyo, dallacaad laguu qoray.

Sida kalena deeqaay, eeddo xaawo dahaboo
dirkeedii ugaas yahay, debinnadi horoo tegey
qoom dooranaayaa, subag ay ku daadsheen
dhawrya toban la duuboo, dadku uu ka marag yahay
oo weliba deeqaay, daafaha adduunyada
muslim iyo dijaal iyo, wufuuddey diraayeen
diyaaraad ku yimidoo, wax ka daawanaayeen
fardo loo didaayiyo boqollaal dekeynaya.

Iyo daad adeerkey, beel daajeheennii
cabdulqani direys wale, curad ay ka doorteen
daaraha adduunyiyo, indhahooda dahabkaa
yaad naciima deeqaay, derin aad wadaagteen
ood weliba deeqaay, dugaaggiyo waraabaha
dagaagaya adduunyada, waayaha dambeetiyo
dersiyaal adayg badan, oon doqon hurdaayiyo
degdegaa ku baaseyn, inad wada difaacdaan
qallin aad ku duugteen.

Imtixaanka diifta leh, dadna uu ku daaloo
dafdaf kii ku geli raba, inta badan la daadega
afka ciiddanaw dara, nimca deeqa saadaay
deelki u horreeyaba, durba waad ku baastee
debin aan imaan iyo, waxa dunida kuu haray
iyo doorka aakhiro, daa'imkey ha kul ajiro.

Dantii aan lahaa baan, dulucdeeda aadiye
isteersada dildiliyoo, dhanka midig u soo duub

Xilka culus degtiisii, ninka duudka saartee
u bareeray daalkow, liibaan digtoonow!
waan kula dardaarmiye, walaalkey digtoonow!

Debin hore haddii aad, ahayd diiqa reerkaan
looga baqo dagaallada, madax daaban baa timid
dib u celi candhuuftoo, dulqaad iyo culays keen

Ninka ragi diraacaha, tolki waw degaahoo
cayguu u daadshaa,

gurigiisa daashkiyo, daaradduu u xaaqaa,
cadowgiisa duurkana, waran buu ku daabaa.

Ragga dayaxa aadiyo, daafeed kuwaa degey
daa'imkeenna kase kow, dumar baa u kala raray.

Liibaan digtoonow, deeqo waa dhiggaagii
nafta diirineysoo, daa'im kugu mataanshee
liibaan digtoonow.

Ajal lamaba diidee, ka ilaali daafkiyo
cudurrada dilaayoo, dawadeeda doondoon.

Sida aayad diin ee, baqaraa daliilee
diraceedi baad tahay, iyaduna degtaadiyo
dulucaaga weeyee, danahiinna gaar iyo
daannada dhexdiinnaa, dadka hawga sheekayn

Dadka kii damqanayoo, dabci xumada awgeed
la dagaala shaarkaa, dembi kaa xambaartoo
daciifiya xaqiisee, liibaan digtoonow

Qofka dulumane dulmigana, u dul qaata weligiis
kii dibindibyeeyee, dhibka kula dadaalaya
darakaadka naaraha, salka ugu dambeeyaa
dermo loo dhigaa oo, dabkeediyo jirkiisaa
loo kala dareeree, liibaan digtoonow.

Dulmi waa ninkiisee, daacad iyo wanaag iyo
nimo deeqo kaashoo, ka dabaalo waayaha.

Wayba kula dadaashoo, waad ogaatay deeqee
dembigay nacaysoo, dareenkeed wax yeeliyo
ka ilaali diiftiyo duluq-daaluq aadane.

Inkastoo naf diirtiyo, dadku wada dambaabayo
siday diintu sheegee, balse inad dadaashaan
ood sabarka dayr iyo daahyada ka dhigataan
yaan deeqo saadiyo, liibaan ka doonaa.

Anigana docdeydaan duco soo riddaamine
iga doogta waa tane:

Alla daa'imkeennii, ka dahiran nijaasiyo
xumo loogu duurxulo.

oo damaca hoosiyo, lunka loo daloolshiyo
il dabaa ogaayow.

Labadaan is doortee, diintaada waafaqay
eebbow daryeeloo, ka difaac cadaawaha.

Kuwa aan dareemayn, dibnahooda eelkood
iyo diradiraalaha, dabya naar afuufaa
iyo gebi dillaallada, micidooda duuggaa
ku duraaya qoyskaan, ka difaac cadaawaha.

Ha dihdeen ilaahow, carruur aad u doortoo
u adeega diintiyo, dalkoodiyo dadkoodaba
oo deeqo saadiyo, liibaanki doogsaday
duco waalidkoodii, awlaad dareeree
ku illoobe daalkey, u dul qaadanaayeen.

Berritana ka daawee, dandarradi siraadkiyo
xisaabaha darkoodii, 
 
oo dabeed ilaahow, iyagoo duxaystoo
sida duul dalxiisaya, daawaday qiyaamaha,
xawdka sii dawaafsii

oo ugu dambaystii, darajaad fardowsiyo
damaashaad naciimiyo, jannadii dabaashii.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk