Liibaan digtoonow, 12-10-2005
Maansadan Liibaan digtoonow, oo soo baxday 12-10-2005, waxan kula hadlayey wiil walaalkay ah oo isagoo weli iska carruur ah guursaday gabar iyaduna weli carruur ah, markaa waxan u yar tilmaamayey waayaha sugaya & mas'uuliyadda laga rabo, waxayna ahayd:

Sannad laba kun duubee, shanna loogu sii daray,
oo darayga Maalmuhu,  labaya tobanka diilmood,
bil tobnaad dul jaagaan.

Hijriyada dixdeedana, ramadaan degdegayaa,
arbacadii duggaaloo, maqribkaan dumaayuu,
siddeed beri dabayshaday.

Nimcadii na deeqdee, dibnaheeda oo xiran,
gaajada dihaalka leh, naga soo dabiibtaay,

Dulqaad iyo xishood buu, daa'im kugu mannaystoo,
da'yartiyo asaaggaa, iyo duul k a sii weyn,
dabcigaad ku dhaaftaa.

Halka doqoni hooskiyo, ka didayso raadkeed,
ayaad deeqo saadaay, farxad iyo dekeyn iyo,
damaashaad ku nooshahay.

Ruuxa daalimkaahee, ku dulmiya naciimaay,
isagayska daaloo, sida uu u doobbaa,
markuu ruux daneeyiyo, cid la doodda waayoo,
harraad uu diloodoo, isagoo dullooboo,
ceeb la daaddumaayuu, kaligii dabayshtaa,

Awel horeba deeqaay, aabbaheenni diirshiyo,
hooyaa ku dihatee, balse doorka maantaa,
degel soo dhawaadoo, nala soo dersaad tahay.

Adoo ahaa dirkeennaa, lugu duubay fiidoo,
janan darajadiis iyo, dallacaad laguu qoray.

Sida kalena deeqaay, eeddo xaawo dahaboo,
dirkeedii ugaas yahay, debinnadi horoo tegey,
qoom dooranaayaa, subag ay ku daadsheen,
dhawrya toban la duuboo, dadku uu ka marag yahay,
oo weliba deeqaay, daafaha adduunyada,
muslim iyo dijaal iyo, wufuuddey diraayeen,
diyaaraad ku yimidoo, wax ka daawanaayeen,
fardo loo didaayiyo boqollaal dekeynaya,

iyo daad adeerkey, beel daajeheennii,
cabdulqani direys wale, curad ay ka doorteen,
daaraha adduunyiyo, indhahooda dahabkaa,
yaad naciima deeqaay, derin aad wadaagteen,
ood weliba deeqaay, dugaaggiyo waraabaha,
dagaagaya adduunyada, waayaha dambeetiyo,
dersiyaal adayg badan, oon doqon hurdaayiyo,
degdegaa ku baaseyn, inad wada difaacdaan,
qallin aad ku duugteen.

Imtixaanka diifta leh, dadna uu ku daaloo,
dafdaf kii ku geli raba, inta badan la daadega,
afka ciiddanaw dara, nimca deeqa saadaay,
deelki u horreeyaba, durba waad ku baastee,
debin aan imaan iyo, waxa dunida kuu haray,
iyo doorka aakhiro, daa'imkey ha kul ajiro.

Dantii aan lahaa baan, dulucdeeda aadiye,
isteersada dildiliyoo, dhanka midig u soo duub,

Xilka culus degtiisii, ninka duudka saartee,
u bareeray daalkow, liibaan digtoonow,
waan kula dardaarmiye, walaalkey digtoonow,

Debin hore haddii aad, ahayd diiqa reerkaan,
looga baqo dagaallada, madax daaban baa timid,
dib u celi candhuuftoo, dulqaad iyo culays keen,

Ninka ragi diraacaha, tolki waw degaahoo,
cayguu u daadshaa,

gurigiisa daashkiyo, daaradduu u xaaqaa,
cadowgiisa duurkana, waran buu ku daabaa. 

Ragga dayaxa aadiyo, daafeed kuwaa degey,
daa'imkeenna kase kow, dumar baa u kala raray.

Liibaan digtoonow, deeqo waa dhiggaagii,
nafta diirineysoo, daa'im kugu mataanshee,
liibaan digtoonow.

Ajal lamaba diidee, ka ilaali daafkiyo,
cudurrada dilaayoo, dawadeeda doondoon.

Sida Aayad diin ee, baqaraa daliilee,
diraceedi baad tahay, iyaduna degtaadiyo,
dulucaaga weeyee, danahiinna gaar iyo,
daannada dhexdiinnaa, dadka hawga sheekayn,

Dadka kii damqanayoo, dabci xumada awgeed,
la dagaala shaarkaa, dembi kaa xambaartoo,
daciifiya xaqiisee, liibaan digtoonow,

Qofka dulumane dulmigana, u dul qaata weligiis,
kii dibindibyeeyee, dhibka kula dadaalaya,
darakaadka naaraha, salka ugu dambeeyaa,
dermo loo dhigaa oo, dabkeediyo jirkiisaa,
loo kala dareeree, liibaan digtoonow,

Dulmi waa ninkiisee, daacad iyo wanaag iyo,
nimo deeqo kaashoo, ka dabaalo waayaha,

Wayba kula dadaashoo, waad ogaatay deeqee,
dembigay nacaysoo, dareenkeed wax yeeliyo,
ka ilaali diiftiyo duluq-daaluq aadane.

Inkastoo naf diirtiyo, dadku wada dambaabayo,
siday diintu sheegee, balse inad dadaashaan,
ood sabarka dayr iyo daahyada ka dhigataan,
yaan deeqo saadiyo, liibaan ka doonaa,

Anigana docdeydaan duco soo riddaamine,
iga doogta waa tane,

Alla daa'imkeennii, ka dahiran nijaasiyo,
xumo loogu duurxulo, oo damaca hoosiyo,
lunka loo daloolshiyo, il dabaa ogaayow,

Labadaan is doortee, diintaada waafaqay,
eebbow daryeeloo, ka difaac cadaawaha,

Kuwa aan dareemayn, dibnahooda eelkood,
iyo diradiraalaha, dabya naar afuufaa,
iyo gebi dillaallada, micidooda duuggaa,
ku duraaya qoyskaan, ka difaac cadaawaha,

Ha dihdeen ilaahow, carruur aad u doortoo,
u adeega diintiyo, dalkoodiyo dadkoodaba,
oo deeqo saadiyo, liibaanki doogsaday,
duco waalidkoodii, awlaad dareeree,
ku illoobe daalkey, u dul qaadanaayeen,

Berritana ka daawee, dandarradi siraadkiyo,
xisaabaha darkoodii, 
 
oo dabeed ilaahow, iyagoo duxaystoo,
sida duul dalxiisaya, daawaday qiyaamaha,
xawdka sii dawaafsii,

oo ugu dambaystii, darajaad fardowsiyo,
damaashaad naciimiyo, jannadii dabaashii.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk