Labadeyda Dr.
Daartii shingaaniya, dacwadaha rugtoodiyo,
garyaqaan ku dood-kii

degmadii madiiniyo,  indiyaan docdeediyo,
Xoosh aan ku sii daro,

xaaji dool agtisiyo, Kaaraanna sii dayo,

dalkii hooyo aabbee, dalxiiska iyo raaxiyo,
ubixii dillaacayey,

gebigiis dalkaasoo, dhankii aad ka doontaba,
qabow diirka dhibayiyo, an lahayn kulayn duba,

daantaa iswiis iyo, duubliinta eerlayn,
diyeebbaha westimoor, sida aagga dusseldoof,

dalkeennii gebigiis, xilliyada diraacdiyo,
hadduu dooggu soo baxo, dharka aadan dooreyn,
kaad doonto qaadee,

wixii naga dagaagshee, qaxa noo dalaabiyey,
aad iila daawada:-
 
Riix Halkan
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk