Kood habeennimo 25-04-2004
Habeen ay taarikhdu ahayd 25-04-2004 ayaan nin aan qaraabo ahayn mobile-keyga uga baaqay si uu iigu soo celiyo, ha yeeshee iguma soo celin subaxdii baan weydiiyey, lacag iiguma jirin buu i yiri, waxanna ku iri habeen kalena sidaas baad igu tiriye, ninyohow haddii arrin degdeg ah habeennimo kugu timaad oo aadan aadi karin meeshaas maxaad ku jawaabaysaa, markaa isna wuu ii jawaabay, waana kuwan labadiiba:-

Adduunyadu kedey kugu heshaa, kood habeennimo,
kolkii ay farriin kuu timaad, kaalayoo oroda,
adiguna kareyn keena ama, kiiska ood fuliso,
Moobayl ayaad kaashanood, kuna kalaantaaye,
mar haddey kun faran kuugu jirin, amase kow doollar,
kulayl iyo miyey kaar lahayn, ama kadeed waalan ?

Wuxuu yiri saaxiibkey C/Casiis Nuur Cabdulle:

Kaftan waa horaan maxamdow, koob ku soo ridaye, immikaanse kayd soo baxshoon, ku kebbinaayaaye, iga koobi caawaan hayaa, kaydkii loo bogaye. Adduunyadu kadeed weeye iyo, kud iyo waabaaye, ninna suu Ilaahey katibay, koobi kari waaye, niman baa Kacbada jooga oon, Kaaf qur aan barane, kumannaan milyaar qaar ayaa, kaydshayoo dhigaye, oo kabaha dacaskaa gashada, dumarna kaalmayne, niman baa kabbiinnada fadhiya, kumina dhaafayne, eesiiga inay keensadaan, uma kacaayaane, anigana kunkaad igu xagliyi, amase kow dollar, kadinkii raggii hore maraan, sii kadlinayaaye, telefoonka kaar inan gashado, karahey weeyaane, ha yeeshee haddaan kedo i helin, kobay warkaagiiye, kun ku soo ridaa iyo si kale, wax ugu keenaaba, moobaylka inan kaafiyaa, igu kun weeyaane. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk