Jooji Warankaaga - 13 Jan 2011
Maansadan Jooji Warankaaga o soo baxday 13 Jan 2011 way iska muuqataa, waxayna ahayd:

Walaalkey wadaadow waxaan waayahaan dhacaya
iyadaaba is wada waali oo weera loo tolaye
weriyiyo waraaq loo qoriyo weeye sugi meehe
ibliis baa hoggaanka u wadoo wada walwaalaahe
haddii adan wejiyo-badan geleyn talada wayddeeda
shaarkaagu weli waa nadiif waabay kuma taale
ka wareegso wiil toosiyiyo waano ma rabaane!.

wadaaddada wiglada dheelayee waabanaya diinta
ee raba wasiir inu noqdiyo wabarki soomaali
iyo wananka kii ruuqayee waayo badan joogey
ee walimmadii inay socee weligi moodaayey
ee waayadan loo wakalay kuwo wareemaaya
ee caradu waandeedisee waran la haadaaya
ee waa baryaba uun ilaah waraya maydkooda
haddii adan wejiyo-badan geleyn talada wayddeeda
shaarkaagu weli waa nadiif waabay kuma taale
ka wareegso wiil toosiyiyo waano ma rabaane.!

Intaasoo wadaad sheegatiyo kuwo walaalaysta
mid walbaa daliil buu wataa waran u raacaaye
oo aniga weeyuu yiraa ruux wanaagsaniye
inta kalena wayl jahannamaa weel u noqonaahe
haddii adan wejiyo-badan geleyn talada weyddeeda
shaarkaagu weli waa nadiif waabay kuma taale
ka wareegso wiil toosiyiyo waano ma rabaane!.

wadaadyohow haddaan kuu warramo wehato noo gaara
bahda reer wariir een adiyo ani walaashayno
inan waran la boodnaan wallee warar ku haayaahe
dunidaan walaaqmaysa ee waarid laga diiday
holaciyo wiglada booddo ee lala wareegaayo 
haddii adan wuquud ugu shubayn sii wilaanwiliya
werdigaaga kaashoo walaal jooji warankaaga.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk