Jeesada dhig & Shaydaankii ibliisa, 05-04-2004
Maansadan yar ee Shaydaankii Ibliisa waxay ka dhalatay nin aan jaar ahayn ayaa wuxuu keenay inuu dulumi iyo been abuurashooyin badan sameeyey, iyada oo uuna markii hore anigan igu billaabay ayaan isaga samaray muddo kaddib ayaan oo aad u caraysan ugu tegey meherad u furnayd, aniga oo ku leh maxaad beenta iiga alliftay, markii uu arkay inuusan xaalku fiicnayn ayuu i yiri waxa ii sheegay saaxiibkaa Awxaadhe, nasiib wanaag isla markiiba aniga oo isla meeshaydii taagan ayuu na soo hor maray, markii aan u yeerayna aad buu uga carooday waayo warka uu  u sheegay iyo warkan uu sii sheegay aad bay u kala fogaayeen, isla markaana anigu shaqaba kuma lahayn ee nin kale ayuu ku sii rogay taas oo dabcan uu isagana iska nabsanayey.

calaa kulli xaal anigii laftaydii ayaa qab-qabtay saaxiibkey oo dagaal ku qaaday ninkii, markaa ayuu saaxiibkay oo abwaan gabayaa ah ahaa horey ka billaabo inuu gabay dheer ka tiriyo dhibaatada ninkaas, balse waan ka joojiyey aniga oo ku leh dhawrkan bayd ee ku sii xiga iska daa ruuxii dulmiile ah ilaahay baa la rogi doonee, waana kuwan labadii affarreyba:

Shaydaankii ibliis ahi wuxuu, Xumo abuuraaba,
ehelkiisa waallida wuxuu, kula ag meeraaba,
aroortiyo habeenkii wuxuu, aafo kiciyaaba,
aqli yari daraaddeed wuxuu, odayo caayaaba,
islaam wuxu ka guuroo kufriga, daba aguugaaba,
aayadaha quraankaa wuxuu, orod ku jiiraaba,
awxaadhe goortuu arkuu, aaya tirayaaye,
ashahaado maaxow ku dhaha, iilay maxamuude.

Jeesada dhig (jawaabta):

jirka ood xumeysiyo adoon, Jaa'ifana geysan, jab ninkii jufeynaaya ee, jeema kula doona, ee jecel inaad jiis taheed, aakhirow jahato, jaliil baa jidkeen noo jiroon, Jiiro gelinayne, Jisadiisa wuu marinayaa, jawr ninkii fala e, anigoon jawaabeyn marnaba, juuqna oraneynin, jiimkii quraankiyo ninkii, jaamacaba diida, sakaraadka jiiqdiis ayuu, juhul madoobaane, kolka uu jadiin jiito ee, jeenan mari waayo, uuna jiririqleeyee haddana, ruuxa laga jiido, naxash jeerin laga jeexay iyo, jaabo lagu qaado, qabrigoon nin jaar iyo lahayn, jaalle ama hooyo, jeedalkii markii uu arkiyo, jeer dambuu garane, awxaadhe jeesada dhigoo, jooji gabagaaga. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk