Jawle (Nin Jawle), 08-08-2007
Maansada jawle ama NinJawle oo soo baxday 08-08-2007, waxa ay ku saabsantahay magaalada Jawle oo ah magaalo
aad u cajiib ah xagga dadka ku nool hab dhaqankooda iyo marti soo dhaweyntooda, faallo dheerna
uma baahna oo Soomaalida inta taqaannaahi way u wada qirsantahay maahadhadii uu reebay
halgamaagii soomaaliyeed, sayid max'ed C/Le xasan oo uu yiri 'Hayb aan dib loo raacin iyo darib
saruur baa leh',  taana aniga ayaa ka marqaati kacay oo maalin aniga oo magaalada bartankeeda
maraya ayaa nin igu yiri walaalow qur'aanka ma aqrin kartaa, qof baan rabney in naloo qur'aan
saaro e? anna aan ku iri haa laakiin walaal meel baan ku degdegsanaa, isna uu aad iiga codsaday
isaga oo ii sheegaya in aan layga maarmeynin, sidii baan ku raacay wuxuu i geeyey guri uu leeyahay
nin oday ah oo sharaf iyo qaddarin ka mudan bulshada ku nool jiidda xarardheere, oo la yiraahdo
dembigiisa allaha dhaafee Maxamed Mire Waadhawr.

kaddibna gurigii waxan ugu tegey 32 qof oo iga horreysey, waxaana nalagu salaamay min waslad
weyn oo hilib ari ah, raashin, caano iyo sharaab kala noocnooc ah iyo weliba min 50.000 oo Shilin,
iyagoo weelashii sidii u buuxaan ayaanna ka joogsannay illeen wax la dhammayn karo ma ahayne,
ha yeeshee meeshii aan ka sugayey in nicmadaas nalaga jeebo oo hawl culus iyo subacyaal qur'aan
ah naloo diro, ayaa nalagu yiri  nin walbaa 3 ilaa 4 faataxo iyo qulhuwalle ha aqriyo, markaan min 2
meelahaas maraynana, duco dheer baa la billaabay, waana nala fasaxay, aniga oo yaabban baan ka
soo baxay meeshii oo xitaa lacagtii waan qaadan kari waayey illeen reerkii waan cayrteeyey waxna
uma aanan qabane.
 
       waxa kale oo jirtey, aniga oo doonayey raadiyahaan yaryarka ah ee somaalidu u taqaan isha
farta ha iga gelin oo Digital ka ah ama lambarrada bigbig leh ku shaqeeya ayaan u imid nin dukaanle
ah oo aan weydiiyey, wuxuu igu yiri waan hayaa laakiin cillado yaryar ah bay leeyihiin, oo maxay yihiin,
mid anteenada ayaa ka furan oo ku xiris rabta, midna koolla yar baa warqaddii ay wershaddu ku soo
dhejisay ka fuqday ....  calaa kulli xaal wax markii aan eego aan macno lahayn oo aan aniguba samaysan
karey iyo wax aananba u baahnayn bay ahaayeen, waa immisa ayaan ku iri, wuxuu yiri waa 70.000 Shs.,
waxan ku iri meel kale ma jirtaa magaalada oo noocaani yaallo? wuxuu i yiri haa oo dukaankaas baa
haya, dukaankii markaan u tegeyna wuxuu i yiri 85.000 Shs., waxan iri mid 15.000 kaa hooseeya baanba
soo arkay, lacagtuna iima dhamma e ma jiraa dukaan kale, wuxuu yiri haa oo foornadaas dusha ka
muuqata markaad joogto midig u leexo oo dheh aaway dukaanka Cabdi-ciribey, kaddibna waan u tegey
oo waan ka iibsaday.

        waxa kale oo jirtey nin baan ku iri walaalow xaggee makiinadda xisaabta (Calculator) ee yaryarka
ah lugu iibiyaa?  dukaan buu ii tilmaamay, dukaankiina way iga dhammaadeen buu yiri, mid kalena wuu
ii sii tilmaamay, kiina markii aan tegey buu i yiri ma aan hayee, luuqan bidixdeyda ah gal oo dukaanka
bidixda kaa qaban doona ayaa haya,  dukaankiina markii aan albaabka ka joogsadey wuu xirnaa, balse
sidaa markaan uga jeestey buu nin ordaya furaha geliyey waan weydiiyey, wuxuu la soo booday ninkan
baa haya isaga oo gadaal ii tilmaamay, saa 2 nin oo daba ordeysey isaga, midka soo horreeyey buu
ahaa, waxan is iri waa nin kale oo dukaanle ah, markii aan weydiiyeyna jeebkuu si degdeg ah uga soo
dhuftay oo yiri hoo, saa waa mid uu isagu isticmaalayey oo wuxuu moodayey in aan rabo mid aan
markaas wax ku xisaabto, waxan ku iri walaal mid cusub baan doonayey, markaas buu i yiri kii awel ii
tilmaamay oo aan weli dukaankii furistiisii dhammayn: haaaaa, waan hayaa walaal taas, waxan moodayey
mid aad wax ku xisaabatee, anna waan ka iibsaday.

      Haddaba iyada oo aan la soo koobi karin dabeecadaha wanaagsan ee aanan horey ugu arag
dhawr dal oo aan soo maray, oo ay ugu horreyso nin ganacsade ah oo sheygii uu hayey meel kale
kuugu tilmaamaya oo weliba dadkii oo dhan ah ee aan qof iyo 2 ahayn, iyo ganacsade shey uu iibiyo
aan kugu qalqaalinayn oo aan indhaha kaa gelinayn ee mid ku meelgaar ah kuu tilmaamaya, illeen
waxan arki jirey ganacsade ku yiraahda, magalaada oo idili ma hayso aniga keliya ayaa hayey,
xabbaddaan baana iigu damabysa si aad waxaad haysaba oo lacag ah ugu daadiso. calaa kulli xaal
aniga oo ka xun safarka awgiis in aanan tirin maansadii ay mudnaayeen reer jawle, waxan iri: 

Soomaali jawr iyo, qabaliya u jeeshaay,
jufadayda hoosiyo, jilibkiyo tagooggow,
labadii kun sano jeel, toddobawgu jaan go'an,
bil siddeed jibaaxdoo, siddeed beri jugaynee, 
anigoo jawaaloo, jareeradii adduun qaba,
nin jawlaan waxaan iri, raadiyaan jeraayee,
immisuu ku joogaa ? 

Nin jawlihii wuxuu yiri, toddobaatan jeer oo,
kuman buu ku joogaa, 

Waxan iri jilkaygiyo, jeebkaa i diidaye, 
ma jiraa dukaan kale ? 

Ma jiriyo halkii aan, ka sugaayey jaad kale,
wuxuu yiri jeraayow, geedkaa jirdoolee, 
jiiddaa ka muuqdiyo, jiingaddaa ka soo gado,

Dabadeedna jeestoo, jiingaddii markaan tegey,
nin joogaan waxaan iri, raadiyaan jeraayee, 
immisuu ku joogaa ? 

Wuxuu yiri siddeed jeer, toban kun oo jadiirliyo, 
shan kun ood ku soo jebin, 

Waxan iri nin jowlow, jid aan haatan soo maraa,
shanya tobanba kaa jaban,

Wuxuu yiri jeraayow, beryahaanba jawlaha, 
afkaa juuqda gebay oo, ascaartaa jikaartoo,
hubka jara arwaaxdiyo, jiib aan ka hoosayn, 
balse waxa jiruu yiri, ninuu jaadka uu hayo,
yahay beeci jeer hore, ee bal jaalle soo eeg, 

Waxan iri jidkiisiyo, jihadiisa ii sheeg, 
 
wuxu yiri jeraayow, foornada jalleecdee,
jiiddaa horteydaa, jiirada u leexoo,
jafkeeday Ciribey, uga jeedi doontaa, 

Anna jaaniskaygii, kama aanan jiifane, 
degdeg baan u jeestoo, jiiddii markaan tegey, 
nin jawlaan waxaan iri, raadiyaan jeraayee, 
immisuu ku joogaa ? 

Si kastaba Jibaalkaan, ku jeraayey raadiye, 
mirihiyo jawaabtii, Jaliil wuu i siiyoo, 
sidan faras ku joogoon, jeexayo waddadaan, 
jidka aan ku soo dhacay,

Balse waxan jeclaadoo, yaab igu jaguugiyey, 
reer jawle dhaqankood, jiilkii saxaabtiyo, 
jowhartii ad moodee. 

Bal an yaraha jeestoo, u jalleeco waayee,
beri baa waxaa jirey, Asaxaabi jaah laho, 
dukaankiisi joogaa, nin ku jarmaadoo, 
yiri jeexya kiilaad, Sonkor ahaan jeraayee,
iga iibi jaallow, 
 
Janno gale wuxuu yiri, jeexa aad hamaysiyo,
waan hayaa jawaannee,  walaalkeyga jaarkaan,
ilaa saaka jeer hore, ruux uu jalleecine,
jeraayow ka soo gado. 

Haddaan jiimka soo jaro, reer jawle waxan iri, 
sidi jiirta hiiriyo, reer muuno jaabbiri, 
oo wada jirkoodiyo, jamacooda diidayey, 
oo haddaad bal jaalliyo, jaal ka dhigo maagtood,
u tiraahdo juuq baa, wejigooda jimis iyo,
jactad uu ka duulaa,

Eebbaa Jaliil ahe, may aha jinkiinnoo,
jaajaale hoosiyo, is jamuuxis baa jira, 

ee jawle wacaney, inkastoo jaliilkey,
keligiis jamaal yahay, haddad saa ku joogtaan,
mustafaha jidkiiyo, jamacii saxaabada, 
sida jiilashoodii, in laguugu jeeloo, 
lugu soo jeclaadaad, jisa aad u leedahee,
 
markay Diin u jeeddaba, cadowgeedu Jabyey, 
Ilaahay ha kula jiro. 

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk