Jawaal tuugo, 23-07-2018
Maansadan Jawaal-tuugo oo soo baxday 23-07-2018, waxay ku timid, Viber aan muddo badan u diri jirey Asc, balse aanan wax jawaab ah ka heli jirin, ayaan arkay jawaab Wcs,

markaa ayaan u diray maansadan aadka u kooban, 4 teeda Bayt ee u horreeya, balse kaddib markaan arkay in isla daqiiqado kadib uu Viber kii Online noqday, aysanse jirin wax jawaab dheeri ah, ayey timid maansada inteeda kale.

maansadu waxay ka hadlaysaa dhawrkii cudur daar ee aan u cudur daaryey jawaab la'aantii hore, oo hadda lafteeda weli taagan, maadaama qofka soo jawaabay uusan Wcs waxba ku darin, oo lagaba yaabo in waxan soo jawaabay yahay ciddii Mobile ka xadday, amaba xitaa Computer Auto Response yacni in waxa jawaabay aysan dadba ahayne Computer yihiin, balse kala caddaan doontee, waana tan maansadii yarayd:

Maashaa allaah Jaah Alliyo, Jooge waa Alle e,
wixii Jiir qabniyo Jarar adduun, Jabad la soo jiiray,
Jawaab celin salaameed ayaan, Jiidda ka arkaaye,
maxaa jira tolow Jawhar iyo, waaba jago weyne?

Mar baan iri Jawaal tuugo ay, laba jarmaadeenba,
ayaad jerin jawaabtiisa ood, sugi Jalaadkiise,
maxaa lugu jawaabaa hadduu, Jabada uu oollin,

Mar baan iri mashquul baa jiroo, jaray salaantiiye,
ma dadkaa Jinoo dhawr qofood, noqoni jaadkooda,
ha jamanin waxaan dhici karine, jooji hadalkaaga,

Marna iri wixii jeestay oo, galay jibaadkooda,
Sakaraadku jeed jeediyoo, juhul madoobeeyey,
ee loo jiheeyee Qabuur, Jiingad lagu ooday,
ayaa lagugu jeeloo la yiri, dhimayey Jaankaase,
ma aakhiraa jawaab loo diraa, Jeerin lugu awday?

Jid ay tahay Jareer iyo Jileec, Jeelmis iyo joonsan,
inta dunida jaaf jaafatee, Nolol jagaynaysa,
waa la uun jujuubaa kolley, jeeray noqotaaye,
oo Jadiinku wuu joogsan oo, laga jafaalaahe,
Jaamacaa Qur'aankey ku taal, Jiimka kiisa ahe,

markey Rubaddu joogsayso ee, juuqda laga waayi,
jidkii khaatumaan ugu jeclahay, Jeelna u qabaaye,
Muslimkuna inuu Jeel ku jiro, dunidan uu joogo,
Xadiis baa inoo jeediyoo, sheegay jeer hore e,
markey jaranto ajashoodu ee, Ruuxa laga jiido,
Allow Jaarka Rusushii ka yeel, Jiza abaalkooda.


---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk