Jadiinkeed jarto (Eebo Jaawira 04 July, 2005)
Maansadan JADIINKEED JARTO ama EEBO JAAWIRA oo soo baxday 04-07-2005 waxa ay la hadlaysaa soomaalidan la waayey meel loogu hagaago, oo dhibaatada haysata xalkeeda iska indha-tiraysa, amaba ilaahay ka awday kaddib markii ay rixinkoodii jareen oo ay aabbaha ehelkiisa iyo awoowayaashii hore oo uu ku ab tirsado xusaan ama xoolo u qalaan oo weliba dhiiggooda dulmi ugu daadiyaan oo dad masaakiina xasuuqaan, halka dhanka kale hooyada awoowayaasheed iska daaye aysan hooyadeed xitaa waxba ugu fadhin oo ehelkeedu yahay cadawgooda reer hebel.

waxa kaloo iyaduna aan caqliga aan gelayn, Sheekh ayey awliyannimo u xusayaan halka xaaskiisii oo ay aamminsanyihiin inaysan awliyo ahayn aysan xusayn amaba xitaa magaceeda aqoon, markaa micnuhu waa in aysan sheekhaas u ducaynayn ee ay wax ka rabaan illeen xaaskiisa ayaa duco uga baahi badan oo isagu wuuba shaqaystay siday leeyihiine, yacni ku soo koob nin wax haystay wax ugu daraan si ay wax uga helaan.

SD, markii ay hooyadii sidaa u galeen ayey xoolaha ay dhaqdaan ka liiteen, oo waxad maalin walba arkaysaa wiil yar oo 10 jir ah, oo iyaga ka mid ahi intuu mid kale oo walaalkiisa xabbad wadnaha ku dhifto, beelo dhami dartiis u kala qaxayaan iyagoo sheeganaya jufo-jufo ama Jilib-Jilib ama Belo-belo, kaddibna habeenkii godadka waraabaha ku kala hoyanayaan, maalintiina qoryaha degta ku wada sidayaan iyaga oo is dhex jooga illeen meel ay kala aadan malahan oo 1 aabbe & 1 hooyo ayaa wada dhalaye, markaa suurto gal ma ahan qoom dhan oo malaayiin ah ee ilmo yar oo 10 jira iska qaban waayey in ay cadaw ka sii weyn iska qabtaan, ama qaran dhan midnimo ku qaybsadaan.

 Taas ayaana keentay in shir kasta ee ay isugu yimaadaan, ee isku ooy-ooyaan oo isku bururaan oo ay ku heesaanSOOMAALIYEY TOOSOO, TOOSOO isla yaboocaan, uu aakhirka natiijo  la'aan soo baxo, illeen dad caqligoodu 10 jir xallin waayey ayey ahaayeene, waana la la'yahay, oo hadde laga quustay ilaa iyo hadda sheekh & shaab, caammo & culummo, rag & dummar, mid qura oo yiraahda war halkan cunug ee naga wada habaarsaday ee maalin kasta na kala qixinaya aan isaga keligiis qixinno.

Markaa maalin walbana waxay ku qaylinayaan xaggeen xal ka helnaa, bulshada caalamkoy noo gargaar, ayaa u gargaari kara ruux Siciisii oo uu isaga laftiisu saynta uga taaganyahay ha la ila kiciyo leh, ama baabuurkiisii oo uu fariinka ku dhegganyahay ha la ii riixo leh, oo kaaga sii darane haddii masiibo kasta ku dhacdo, maalinta ilaahey ka badbaadiyo halkoodii ayey ka billaabayaan dulmigii iyo qabiilkii iyo qurunkii oo dhan, illeen qurun oo dhan qabiil buu hoos yimaadaaye, oo maba ahan qolo ogayd wixii dhacay, oo waxad mooddaa in aysan dalkaba joogin, ogow Qabaliyo waxay dhashaa Qoray & Qaad & Qur-gooyo.

Waxa iyana taa ka sii daran in dembi ay iyagu leeyhiin ay iska dhaadhiciyaan in deriskooda iyo gaaladu leedahay, markaa cid iyadiiba is nabad gelin waysoo is xasuuqaysa, is xaqiraysa, is qixinaysa, deris iyo duni kalena ma nabad gelinayso, SD, in dunidoo dhami ka cabsato oo iska ilaaliso xaq bay u leedahay.
 
Haddaba waxa ay maansadani soomaalida u sheegaysaa qaadanba maysoo qalbigaa awdane, in 3 xaalad-nololeed oo aan mid 4aad lahayn, ee ilaahay dunidan ku jaan gooyey, ay iyagoo og mid ka doortaan:

1- In ay noqdaan muslimiin run ah oo aan ahayn sheegasho afka ah, adduun iyo aakhiro ilaah baa raaxada ugu sarraysa u ballan qaadaye,

2- Tan 2aad haddii aanay aakhiro dan ka lahayn, xisaab & cadaab Alle in ay jiraanna aamminsanayn, in ay diinta islaamka toos isaga diidaan oo ay nabad geliyaan aysanna been ka sheegin, oo wixii ikhtiyaarkooda ku qaadan lahaa aysan ka isbaaraysan, illeen ruux dhaqankooda arkay diin Islaam u dhawaan mayee, markaa adduunyadan aan awelba waxba ahayn nolol iska yar roon baa la siinayaa, taas oo aan gaari karin noloshii uu muslimiinta dhabta ah ilaahay u ballan qaaday adduunyada, oon xitaa u dhawaan karin, aakhirana ay iska sugtaan cadaab xun oo lagu rido oo aysan weligood ka bixin.

3- Haddiise ay labadaas dariiq oo cadcad midna diidaan, ee ay u dhexeeyaan oo afkana islaannimo ka sheegtaan, khalqiga ilaahayna dhibaato iyo qabaliyo iyo qurun la daba taagnaadaan, waxba yeysan qaylinnin oo cabaadin adduun iyo aakhiraba nolol tan ugu liidata oo ugu dullisan oo aan wax u dhaw la arag gaal iyo islaam nadiif ah toona ayaa u diyaar ah, waana tanba maanta tii hore ay faraha ku hayaan, haddaba waxay ahayd maansadaasi:-
 
in yar oo jiqdaa joogta oo, jibata mooyaane,
somaalaay jadiinkeed jartiyo, Jaabayahay heedhe,
jid haddaad mareysiyo haddaad, joogto gurigaaga,
xal xaggaan u jerinnaa ayaad, jiib ka dhigateene,
iga hoo jawaabtaad rabtiyo, waxa ku jeemeeyey.

Jamacuu Qur'aan iyo markaan, Jacala soo baaray,
Saddex buu ku soo jaray Jaliil, Jiinka hadalkiisa,
Jidka hore Islaamka un ku joog, hana ka jeesjeesan,
Jareedadii Adduun Aakhirana, reer Jannaad noqone,
Jid labaadku waa jiimka diid, Gaalnimana jiido,
Nolol jaban Adduun aakhirana, Guri Jaxiimaade.

Lafta jecli Luddaan jecelahaa, Qoom ku soo jabaye,
Jidadkaas haddaad jiirtid eed, labada Jees diiddo,
jisadaada Eebbaa jaroo, wuxu ku jaan gooyey,
Dunidood jarraaqleyso ood, Gaajana ku joogto,
oo Cadowgu jiirtaada jaro, kuguna jeesjeeso,
berritona Jaxiimadi salkeed, lagugu jiidaayo.

Somalaay haddaan jeeddadiyo, Jire ku weydiiyo,
saddexdaas Jid een soo mareen, sheegay jihadooda,
idinkoo jalleecoo si wacan, Fiiro ugu jeedshey,
Jidka aad ku joogtaan Dadow, sheega Jagadiisa?

Gaalkaba Jaliil baa lahoo, uuntay jeer hore e,
Jir-dil iyo hadduu Jeel u rabo, Jeebbo uma weyne,
waxa uu u joogaa inaan, Jawrka loo rabine,
ballan baa Jaliil iyo u yaal, Gaalka Jeeka ahe,
haddii aad ka jibataa la yiri, Jeerjilyohow Diinta,
iska joog Adduunyada intaan, siibi Jiriddaada.

adigoo jafaayoo Adduun, Jamac u kaydsaaya,
oo faraska sii jeedlayoo, siina daba jooga,
macaan juusa oranjada adoo, jiqilladaw buuray,
jeegadaa intaan kugu dhiftoon, ciidda kugu jiido,
anigoo jafaalaayo ood, wada jaraynayso,
sakaraadka jiiqdaa intaan, kaaga jaro ruuxa,
akhiraan jilbaha kuu dhigaa, jeerad imanayso.

Somaalayse waxa soo jaboo, jaahu gubanaana,
jirjirrool sidaadoo kalaa, jaanka labo duuga,
ee weli adoo jooga oon, duni ka jaan qaadin,
inu gaal ku jaanjaansho oo, jiibta kugu qaado,
aakhirana Jiif kaa dhigtiyo, joodariga kiisa,
sow baas jidkii ugu xumaa, adi ma jaaseysan ?

Bal an rogo Waddada jiiftadiyo, maansadey Jarane,
Cawl iyo Jugley iyo Ugaar, nooc walboo Jigina,
Jigjigiyo haddey Jiir-qabniyo, daaqi Jarar Doog leh,
sida Eyga daba jooga ee, Jeebcas lagu goobo,
Joli lagu ugaartiyo Jafaa, Jaango iyo Jeemis,
hadba Jiho siduu ugu eryaa, Jeenigaas qabaye,

isagaaba loo jari Hilbaha, Jaadka ugu liita,
oo inuu u sii jiro rabaa, Jaallihii wadaye,
idinkuse midaan Jiir naxayn, jaraya Ruuxiinna,
sidu Jannadi idin geynayaad, ugu jidbootaane.

Qoomkii jebaayuu marnaba, jeedin karin Ruuxe,
qabaliya ninkii jeenanshaa, Cadow ku jeesjeesye,
Riximkoodi goortay jareen, Hooyo Jilibkeeda,
Maankaa jufoobiyo Dhegtii, Jawharta ahayde,

Waaniyo markaan jeedinaa, Diinta jimiceeda,
inaydnaan u joogsayninood, jalaq u siinaynin,
Qalbigay i jiiftoo middaa, Jeerna sugi mayne,
balse ruux Jadiin muuqdo iyo, Eebo jaawiraba,
midna lagama jeestaa la yiri, lagu day jiidjiide,
sidi waxan Maslaxo kuugu jirin, Sheeko iga jiibi.
 
Caasimadda uu Jaad walboo, nooli jagafleeyo,
Jirri iyo Cirfiid Jiim cabiyo, Jaahil tumanaaya,
ninka yiri Jiglaha soo ridoo, Jiibta ku asqeeya,
sidu rabey jamiis muu hareen, jeex kulay tahaye,

Xag Allaad ka joogtiin Dadow, oo idiin jira e,
Jaliil baan idinku dhaarshey iyo, Jaamacaas dhigane,
intaad Cudurka Jaan ee Qabiil, Jabad ku soo tuurto,
caynsada intaa Jiis hartiyo, Jiilka soo koraya.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk