Jabkayguu ka heli, 18-09-2018
Jabkayguu ka heli kaan jiscimo, oon u jeelayo e,
sidee wax u jiraan oo xaggee, layga jarawaaqi? ---

hadba kaan jeclaadee u jaro, jiirta iyo miidda,
baa jabkey ka heli iyo inaan, juujajaajumo e,
sidee wax u jiraan oo xaggee, layga jarawaaqi?

jabkaygiyo jadiin yeeris iyo, Jeerin qodaxdiisa,
jabkaygiyo muxuu jiir go'aygiyo, jiista ugu xiisi?
oo jabad inaan ku dhaco iyo muxuu, jiista ugu xiisi?

muxuu faysha ii jari midkaan, jeer u hiilliyaba,
oon Qoys jaguugiyo aroos, jees u curiyaaba, u caawiyaba,

hadba kaan jeclaadee u jaro, jiirta hilibkayga,
bal maxaw jeclaadaa wixii, jaraya ruuxayga?

hadba kaan jareeriyo u shubo, malabka oo jiifa,
hadba kaan jizada aan u galo, --------
bal muxuu jizada iiga dhigi, inu i jiiseeyo?

hadba kaan jarriidkiis (jadiinkiis) ka furo, jeebbo lugu gooyey,
bal maxaw jizaar iigu noqon, ani i jeebbeeya?
bal muxuu in jeel laygu rido, ugu jabbeexeeyaa? kana jarraaqleeyo


--, oon ku jawr faline

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk