Jaamac-Dubbad wixii dhacay, Jaliil muu illawsana, 26-07-2016
Maansadan JAAMAC-DUBBAD oo soo baxday 26-07-2016, meel maansadan ku magac ah oo dad masaakiin ah oo soomaali ah lugu laayey, ayey u jawaabaysay soomaali badan oo baraha bulshada ku eedaynaysay dadyow shisheeye, waxanna ka waayey ruux qura oo yiraa war annaguna khalad waannu leennahay, intuu doono ha la ekaadee, waana tan:

maansadan aad arkaysid, arrimo tiiraanyo badan bay xambaarsantahay, iyadoo soomaali wada haysata ayey tanu ku timid nin aad qaraabo tihiin oo sida maansada ka muuqata dalkkeenna shaqooyin kala nooca ku soo shaqaystay Bad & Berri ka soo shaqeeyey intuu nolol raadinayey,min Baabuur UD Kismaayo ilaa Boosaaso inuu ka darawaliyo, kadibna Badda doomaha u weecdaye baxaari weyn ku noqday, balse markuu dhawr jeer dilal ka badbaaday, halkan u soo qaxaye sidoo oo kale shiinays buudhiiste ahi shaqadiisa u boqay, lkn dalkan oon ajnabi inuu ka shaqeeyo sharcigiisu oggolayn dhawr jeer la qabtaye naxariista dadka dartiis la isaga daayey, dhawr jeerna markii goobtii shaqada loogu soo geli rabay marna boosanneer ku galay, marna wiishkii uu ku shaqeynayey intuu cirka inta sxbadiis ula dallaceen demiyeene markey ciidankii tageen laga soo dejiyey, ugu dambayntiina la qabtaye 23 maalin u xirnaa yaa shaqey ku yiri, oo kaaga darane 23 kaas ku xirnaa ninkii kiiskaaga hayey oo hindi ahaa baa hindiya fasax u aaday, kkkk

Jaamac-dubbad wixii dhacay, Jaliil muu illowsana,
ciddii Jees quraatiyo, Jaba gaara moodee,
Soomaali jamaceed, Jiidday ku nooshahay,
Jeeray timaaddaba, dayn mayso Jees qura,

Jirrigiyo Cirfiidkiyo, Jarriid weynaashiyo,
Jaahiliinta dhimirkii, ku iibsaday Jaad iyo,
Khamro ay jamuuqaan, Duul weeye Jahannamo,
lagu jiidi doonoo, haddaanay Jaliilkood,
Tawbadiisa ay jerin, Jaxiimaa sugaysoo,
Naxariisya Jimic iyo, Jileec laga soomiyey,

iley baa na jebshiyo, Gaas baa na jalfi iyo,
Madoobaa na jaafiyo, Xasan sheekh jaa'ifadi, 
Jabka dhacay haddii aan, Jawaab uga dhigaynaba,
Been baan jilaynaa, isu jiibinaynaa,

Kismaayada Jubba iyo, Baydhabo Jannaay iyo,
Jabhaddaa Garoowiyo, Jundigaa Hargeysiyo,
Jiidahaa Muqdishaad, Baarlamanka joogiyo,
Jamaahiirta fadhisee, Jaadkooda qura iyo,
jeebkooda eegtaa, Jariima miyey lahayn?  

isu tiri Jaynaha, Baarlamanka jira iyo,
kuwani noo joogoon, weli joogsanayn oo,
jarmaaddii timaadaba, duul wada jamiis loo,
Jadiidaa imaan oo, Jago uun u haariye,
ma juuj wamaa juuj bey, jagadooda haayaan?

Rucbi baa la jiifoo, niyaddey ka jabanyihiin,
Dalka oo Jarmaad qura, nabad loogu jili karo,
niyad jabka haysta baa, uga dhigaya jamciyada,
Quruumaha joogtaa, jeeska keliyaatee,
Nabadda soo jili kara, waana waxan jirin taa,
oo Nabadda jeeskii, lahaa uusan jerinayn,
jinnigii buluuggiyo, Jabaljaanan keeni karin,

Odaygeennan jeeskiyo, Qabaliyo u jeeliyo,
Afar jeeblayaashaa, Cimrigiis intuu jirey,  
Saqiirrada jalwaayiyo, Agoon wada jaqaaq loo,
Jeenan uu ka goobu, gumaaduu ku soo jirey,   

Nabaddoonna ma jiree, jaga doon un weeyiyo,
Afartiisa jeeb inu, jirdihiisa buuxsado,

inuu jiro warkaa oo, Been ay jilaayaan,
oo xitaaba Jufo iyo, u naxaynin Jeeskood,
Jibaadka baxaayee, JaamacDubbad kugu filan,

In yaroo ka jibatoon, loo jeedin mooyee,
Soomaali Jilfaley, Jawr-fala ma diirtada,
Jaan iyo Qabiil iyo, Jinka caabudaysaay,
waxba deris ha jeemayn, adi kaaba jimic roon,
haw geysan jaa'ifiyo, wax jareexaynaya,

Wallaahaan Jigjigiyo, Jimma iyo Gondor iyo,
Joomaa Kinyaati ay, Jariimo aysan naga gelin,

Jabka sababtiisiyo, Jaa'ifiyo ihaanaba,
malyan jeeran Gabayiyo, Jiiftooyin badan oy,
  JADIINKEED JARTO iyo, JAWLE ay ka mid tahaan,
Jiinkood ku sheegee, Dheg baad jalaq u siin oo,
Qabaliya jacayl baa, Jadbadeed ku dhaafiday,
 
Yaa ku kala jeedshoo, xudduudaha jinni iyo,
kuu dhigaya jabadkiyo, Jiitimaha shaydaan?

yaa jaray dhirtaadee, Jiiciya mareerkii,
jidda iyo Jabuutiyo, Jeesaan u dhoofiyey?

Isbaarada Jirrigee, awowgaa Jeelliyo,
ayeydaa Jimcaay iyo, lagu baarto Jinow oo,
Jannaaliyo shalaambood, jawhar iyo Bajeelaba,
ma Joomaa Kinyaatiyo, Junuuddii Addiis baa?

yaa Islii ku jirraboo, Jeebkaaga baartoo,
ammaankii Jawhartiyo, Nabaddaadi jeedlaya?

Juuca yaa ku baday oo, saantaada jaray oo,
Jenneraaladaadii, iyagoys jimciyoo,
cirka jeedaalshoo, afkoo Beebku ugu jiro,
Ul Jufa leh luli jirey, iyo Jiina Xaaskii,
Jawhara luuliyo, Jamiilo ahayd oo,
Jijimmadu xusulkiyo, dhudummadeeda jebiyeen,
Jaantaa rogan iyo, Masaakiin Jamiis leho,
wada Jiisa yaa ka dhigay?


Jugjug meeshaadii, joogoona ha ka tegin,
Jirrax iyo Abaar iyo, Subax nool Jareexiyo,
Qarda jeex ku jiraay,
  
Inta aad Jufo iyo, Qabiil aad jeceshahoo,
Jirrigiyo danaystiyo, Jabal-jaan difaacee,

Hoos baad u jeedi oo, Jillaafada ku dishiyo,
Jabku wuu soconiye, iska daa Jalawgiyo,
Jaa'ifada deriskiyo, beentaad jilaysaan,

wax balaayo jebisoo, Jinni iyo Cirfiid iyo,
Jaanka lagu salladoo, la jugeeyo waad tahee,

ha eedaynin jeekiyo, Wilyamgoorka Joon iyo,
Junuuddaa ilaahey, caasiyada ku jirrabo.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk