Ismaaciil wixii kuu qalma, 09-01-2004
Xaqiiqada mar baa loo qiraa, Qawlku suu yahaye,
markuu Khaladka keennaa dayoo, qaarna naga dhaafo,
wuxuu Qaaddirkeen noo qoraan, Qolona diidayne,

Ismaaciil wixii kuu qalmaa, lugu qaboobaaye,
Qiirada walaalnimo markaad, Qaran inoo taagtay,
naftaadana qisaastiyo wixii, Qarashya kuu yaalley,
Qaaradaa darteen kuu niciyo, Qoom kaloo negiye,

inkastood wanaag qabatayood, Khayrna nala doontay,
Qabqabliyo midaan qaab lahayn, Qoolna loo geliyey,
Qurun iyo Qabiil baa middaa, naga khasaarsheene,

anaa huba Qur'aankiyo inaad, Qiila garaneehe,
Qaydkii caddaa khoofka iyo, iilka qiradiisa,
Qiyaamaha markii loo qumee, Quusta lagu baano,
Xaajada qaraaraatay ee, Qaanso boqonkeeda,
qofkii falay wanaag lama quboo, Qaybti wuu heliye,
Qalbigaaga geli khayr ayaa, qoranoo kuu yaale.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk