Isku jufo baan nahay 15-06-2007
Maansadaydan KALA JUFO BAAN NAHAY, woo soo baxday 15-06-2007, waxay ka jawaabeysay hadal dulmi & eex qabaliyo loola jeedey oo xikmad la iiga dhigayey, taasoo ahayd JIIRTI LA HAYAA JADIIN KAMA QOSLO, waana tan maansadan yar oo aan Fasirid u baahnayn:

Jinnigiyo insigiyo, jaad walboo uunka ah,
koluu jiic geed iyo, jilbis halaqa u yahay,
 
waqti jawhara iyo, jiilaalka adduun,
waxa jiir la maroo, hadba jiil la gudbaa,
 
Inta aan jiro ee, jarar lay dhaafshoo,
ruuxu weli igu jiro, waxa igu Jaamaca,
 
inta jidka tooskiyo, caddaaladu jirto ee,
qof kastaa jabki iyo, loo jarayo xaqiis,
 
Ninka Jabadkiisiyo, Ciiddiisa joogoo,
Calafkiisa jeriyoo, u jarmaadaan ahay,
 
Gaalka aan jihadiyo, jawigayga xirin iyo,
Soomaali jamaceed, jin u tahay baan ahay !
 
haddiise la jebiyee, sharciga la jiiroo,
Jilka kaa rooniyo, is jufaysi ay tahay,
 
Hadba ruuxa jaban ee, laga jaaqsiiyee,
loo Jiman buuraan, isku jufo aan nahay,
 
balse ruuxa jawr fala, ama dhiba jaarkiis,
oo wuxuu jafayana, ulajeed u falaa,
 
Hooyadeyon jecelahay, aabbahay Janna gale,
jiirtiba ha noqdee, kala jufo baan nahay,
 
Jaliilow Eebbow, Jallaadkaa Qur'aankiyo,
Jidkii Nabigeeneed, ku jillaada na tiri,
 
yaan inaan jantoo, ku jihaado rabaa,
ee Jidkii raaxiyo, Jannadaadi i gee.
 
AAMMIIN !!!
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk