Iska sugo buddaadii 23-02-2006
In yaroo ka bayrtoo, ka badbaadday mooyee,
soomaali beenley, tuu qab iilku beerkiyo,
bogga uga qorraa ee, diinteedi beeciday!

Kan berkada qodaayee, bartii aad ku noolayd,
beled kaaga dhigayaba, boqollaal ka laysaay,
qudheedana ba'eedee, boqollaal ku weysaay!

Halka laba beleysane, buush dhaxala awgii,
boos aabbe uga tegey, hodan baallaheedii,
bulshadii ku noolayd, oon Beel ku koobnayn,
Hoobiye ku boobaya, ee Bamkay ridaayeen,
iyadoo ku baabi'i, u bogaanbogesaay !

Waa' kastoo beryaayaba, boqollaal ka go'ayiyo,
baaba'eeda jeceley!, oo sida Bariiskoo,
subag looga buuxiyey, u bihiinbihaysaay !

Murtidaada beentee, xaasidnimadu buuxiday,
budulkeedu wuxu yahay, inkastoon Baraariyo,
bashbash aan ku noolahay, reer hebel barwaaqiyo,
intuu beeso heli lahaa, ha i boobto gaajadu !

Ba' kalaa waxay tiri, inan baari' caabbudo,
iyo inan ka boodoon, reer hebel bugeeyaa,
beriga ii sinnaadee, bugeyntaanse doortee,
i sii daa buraalow, Ragga aan bireeyee!
,
Maan arag basaas kale, Bawdo iyo Leg awgeed,
Baruur uu mar qura liqo, inta uu bahdiisii,
cadowgeedi biiriyey, tolkiisii basaasaya.

Ba'da aan ku soo xiro, Soomaali beenley,
ama buur ku dhuumiyo, boohoshii waraabaha,
ama bii-em qaadiyo, baroon iyo dhashiikaha,
beelo aad jeclaatiyo, dhankii aad u booddaba,
sakaraad bi'iisiyo, mawd ka baaqan mayside,
iska sugo buddaadiyo, intuu ruuxu kaa baxo.
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk