Iqra Abti, 23-12-2016, 03:08:09
Iqra Abti Cabdurraxiim Adeer, Axmad walaashaydi,
Awal Aayad tii soo degtaad, Isim wadaagtaane,
Waalidkaagi kugu soo ismee, jecel Ammaantaada, kugu ammaanaayey,
waa kuwo haddaad Eeshiyiyo, Aaggi Himalaaya,
Ustaraaliyiyo Hoolan &, Orobba Daanshayso,
ama aad ku qaaddoo dushaa, Xaramki aad gayso,  
weligaa abaalkood gudayn, teerya Aakhiro e,

Abti ood u miisaanto ood, Duco u sii dhiibto,
Eeddadey Raxmoo Noorwey aad, Haatan ugu aadi,
& eeddadaa Habaryartey, kuugu jecel Uunka,
haddii aad addeecdood dabeed, Riximka aad dhawrto,

ilma banu israa'iil Hinduu, Ayrish & Kuuyo,
oo Uunku kaa nabad gelaa, Aadaniya Jaanba,
Akhlaaq & Adaab kula dhaqmee, Gaaliyo Islaamba,
Cibaadada Allena aadan deyn, Maalin & Laylba,
Amuuruhu inay toosayaan, Ballan ilaah weeye,

Imtixaan inuu jirahayana, Dunidan aan joogno,
Iimaanya Sabar kii ku mara, ku istareexaayo,
Kaafir Caasiyana Ehelu Naar, ku intihoonaayo,
mid walbana wuxuu Shalay ahaa, Berri u aayaayo,
Aayadaha Qur'aankiyo Xadiis, Oogga ka caddeeye,
                        
aan ka baxo Afeeftoon Iqroy, aado Nuxurkiiye,
Iimaan Addoon lehey Anfici, inad u sheegsheegto,
Daariyaad ayaa nagu tiriyo, Aayad Diiniyahe,
mar kalaan ku celin Idan Alliya, Miidda aabburane,

Ruuxii ilaahiis rabee, aan u shirik yeelin,
oo Nabiga aaminahayoon, diidin amarkiisa,
inu khayrka xaabsanahayoy, Raaxo u dambayni,
Kutubtuu ilaahey ku qoray, lagana eegaayo,
Zabuurtiyo Tawreediyo Injiil, & Furqaan weeye, 

Iqra & Ancaam & Acraaf, & Axaadiista,
Diintaa ilaah oo dhan baan, kaaga dhigay Eebo,
ibliiskiyo wixii Cadow Iqraa, oofta lagu gooyo,
ee Iqroy Adduunyada ku joog, Iid san & Raaxo,
+
Aakhirana markii aad tagtee, Eebbe kugu beego,
Argaggaxa Ayaantiisa kulul, Umalka Yoonkiisa,
ee Uunku wada yaacayee, amamagleynaayo,
Jid Siraad adoon arag sideed, ama ka soo boodey,
Iskaatkii sidiisii ku dhaaf, ama ka dheereeya, ama ka sii fiican,  
oo Firdawza Jannadaada aad, Qawlku ha ahaado,
oo Xawdki Nabigii mar oo, oonki ku sagooti,
dabadeed intii Ehel San &, awliyadi Diinta,
Asaxaabihiya Ambiyadii, kula midey Eebbe.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk