Ilhaam Qaalidaydaay, 29-04-2017 21:50
Adduunyo waa wareegto ee waxan 25 sano kadib helay oo ila soo xiriirtay, gabar aad u qaali ah, oo aan berigaan doqonka ahaa, aad u jeclaan jirey, doqonnimadeyda gabdhaha aan ogayn oo ila xiriiri jirey way badnaayeen oo keligeed ma ahayn, balse ilhaam Muuse waxay kaga duwanayd inay ahayd gabar diin iyo akhlaaq isku darsatay, sidaa darteed sida kuwa kale markay ila hadasho kuma aanan cari jirin oo afka ma goosan jirin, lkn taasi wax wac macno ah ma aysan lahayn waayo anigoo aad ula dhcsan oo wanaaggeeda iyo dadnimadeeda u qirsan ayaan haddana xishood aan booskiisii joogin ka xishoon jirey, sidaana waayhuhu nagu kala fogeeyeen illeen adiga kuu xayirnaan maayaane, calaa kulli xaal hadda ayaan waxan halkan ugu sheegayaa sidii saxda ahayd ee xaalku ahaa, waana tan maansadii:

++ Ilhaaney qaalideydaay, Boqoraddaan aqaannaay, 
eeddadey Raxiimiyo, adeer muusehey dhalay,         (Daadirkey)

++ Ubaxoodiyo fiiddiyo, geedkey abuurteen,
oy wada dihdeen &, ugbaadkoodi baad tahay,

-- Waxad ahayd ilhaanaay, Gabar uunkoo idil &,
ehelkeedu jecelyahoo, ishu ay ku doogsatay ,

-- waxad ahayd ilwaad qurux, Eebbaheedi weynaa,
ashahaadki qiratoo, ku sallida udgoonihi,

++ Waxad ahaydna inantii, murug aan aqoon &,
afka oo la buuroo, qosol aanan deyn jirin,

++ waxad ahayd ayaan badan, abaar & dhibaatiyo,
aafo laga xijaabiyo, madaafiic-di inkaarrayd,  --- 

-- Waayaha adduunyadu, waa 4 ayaamood,
farxad & uruugey, midba Beri un leedahay, --- 

-- Afartaasi maalmood, ayaanuba tii horeetey,
u shallaynaysaayoo, u oydaa Nabigaa yiri swc,

++ Isniin & talaadiyo, arbaciyo khamiis baa,
ogadeed la joogi oo, Jimcaa laga aguugaa,

++ Allaheenna wayn baa, waaritaan u diidoo,
nabigii udgoonaan, afka laga qabteenoo,
maanta inala joogi lahaa,

-- Haddey aaya leedahay, oo uu dhalaalkiyo,
dahabkeed arzaaq yahay, ambiyadaa la siin laa,

-- uma aanse ciil qabo, adiguna sidoo kale,
iimaanan leennahoo, Eebbaan naqaannaa,

******

++ Arligaan lahayn &, aqalkaan ku dhalanniyo,
webiyadi ordaayey, qaxootiga ka ahaannay, ---

++ Haddii aan xusuus hore, waayaheenni eegoon,
soonihii Albarakiyo, Afgooyiyo Jannaaleba,  

++ Deriskeennii aan dayo, gebigeen idaylkeen,
ammaan aan ku noolayn, uurkay gaddoomaa,       

-- Ilhaanaay walaaley, ehelkaan nahay kase kow,
agtaadaan jeclaa &, aaggaad ku noolayd,

-- safar anan qorshayn baa, ina kala fogeeyoo,
Obokhii Jabuutiyo, iga tuuray Eeroon,

++ Eebbay hoggaanshoo, tiisa ay ahaatee,
haddaan amarka leeyahay, agtaadii ma dhaafeen,

++ sida Xoola oomoo, ceelkii ag tegay oo,
Harraad uu gubaayaan, duul ay ka hori baan,
kugu aga wareegi laa,

-- Qof Jacayl qabannin oon, dhaayihiisu arag baa,
afka uun ka sheegtee, adaan kugu indho la'aa,

-- been anoonan sheegayn, maan beelin araggoo,
indhahaygu banooni &, oog baa la moodayey, ---

++ misna agabka yaalliyo, aadane horteydaa,
iima muuqanayn oo, uurkaa ka boodayoo,
shishadooda eegayey,

++ Satalayt sidaan ahay, adigay hor taagnaa,
aaggii aad joogtaan, ilhaaney la haystoo,
kaamera ku eegayey,

++ Eeroon markaan tegey, iskamaanan jiifane,
calaf & xishood baa, anigay hor joogoo,
gaar ii go'doomiyey

-- Doqon baan ahaa oo, waxan ceeb u arkaayey, ---
ummaddoo deyeysuu, inantaa la hadlaayey, ---

-- Dabcigii awowgeey, baa Ani i jiitoo,
abidkiisi aan deyeynin, haddii anay noqon Maxramkiis, ---

++ Alla maxaa sidaydaa, iyagoo jacayl gubi,
soo marin afkoodoo, qubuuraha la aadeen,

++ ogi inay suurtoobayn, ood Oori weyn tahay,
afse waxan ku hadlayaa, intay maanta haysato, 

isla joogoo muuqdoo, kala aan fogaan oo, 
++ tuu uur u gubannina, Oori weli ka ahaanin, ---


-- Haddii aanse duunyadan, qiimallaaydan eegiyo,
noole uu haraynoo, gebi laga aruuraa,  

-- Udgoonihiina uu yiri, adduun waaba Janno gaal,
& Muummin jeelkiis, ayuu Farax i qaadaa,

-- Ukhtii gacalisadaydaay, mar haddaynnu Alle naqaan,  ---
Abshir & bishaariyo, ijaabiyo Barwaaqiyo,
udgoon wuu dambeeyaa,   

++ aan ereyga awdee, Eebbow Raxmaanow,
Allaheen Raxiimoow, Awalow Ra'uufoow,

++ Anya walaashey ehelkeen, & wixii miskiinaba, ---
Adduunyada na dhawroo, Jannadaadi ina gee,   





*****************************
---------------------


Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk