Ilaahow adaa ii allaa 20-04-2005
Maansadan oo intan ka dheerayd, waxan ka sameeyey anigoo ku dadaalay in aan uunka ilaahay oo dhan u wanaagsanaado oo aan qofna iga sheegan, ayaan waxan la yaabay in qofkii wax aan anigu karo iiga baahda si sahlan ayaan ugu sameeyaa, kii aan uga baahdose inuu ii sameeyo iska daaye wuuba iga dhuuntaa, haddii aan telefoon u dirana lagama yaabo inuu iga qabto, dadka kalena wuu ka qabtaa, haddii aan markaan arko weydiiyana ma dhici kartuu yiraahdaa inan sidaas sameeyey, marka waan arkay inay imtixaan tahaye waxan garan waayey, maadaama aanan cidna wax u dhibin faradka ilaahay i farayna aan intaan awoodo sameeyo, in ilaahay igu karaamaynayo oo ajar iigu siyaadinayo, iyo inuu yahay habaar uu ay waalidiin hore ka tageen, illeen 2 dayda waalid way i duceeyeene, waxan ka iri: 

Inkastoon adduunyadu lahayn, Aaran lagu waaro,
waxa gaarka ani igu ahoo, aan la amakaagay,
in midkaan Miciin ugu tagaa, iga awaareeyo,
oo ehelso kii aan iraa, xiro Albaabkiisa,
oo kaan Islaannimo bidaa, iilka ila doono,

Wax adaygga laysaarayoo, aanna garan waayey,
imtixaan inaan keensadoo, lay ikraaminayo,
iyo inuu inkaar hore jiree, lay ikraahinayo,
labadaa af kaan eersadaan, kala aqoonayne,

Balse ruux irduhu soo xirmeen, lagana soo ootay,
albaab uu abbaaraan aqaan, aad u garanaahe,
ilaahow adaa ii alloon, ahay Addoonkaaye,
adaan aabilowgiyo dhibsayn, Eebadiyo toonka,
adaan garab kaneeciyo miskiin, arag u muuqaynin,
iyo kala aqoon uunka oo, gebi is kaashaaya,
oo haddey nugleer iyo helaan, Aaladaha waalan,
oo ay is buufshaan adaan, lugugu aadeynin,

Adduunyada markaad uuntay ee, ugu horreyneysey,
iyo haatan aan joogno baa, labo Addoonkaa ah,
Shalay iyo Berriyo maanta baa, labo Addoonkaa ah,
Mugdigyo Iftiinkaa Allow, labo addoonkaa ah,
anigiyo intaad uunta baa, wada adoonkaa ah,

Caddadiyo adaan Madow aqoon, Arag liciifaaya,
Addin iyo adaan Dhabar lahayn, Araxda aan beelo,
oo adaa Cammuud iyo Candhuuf, iga ahaysiiyey,
Ajasheyda adigaa hayoon, kugu aqaannaaye,

immikaan Adduun noolahoon, dhigan Afeeftiiye,
Carshigaaga baan eegi oon, oran Ilaahoowe,
iga ood Irdaha kaan furtee, ani i eersaaya,
iyo kii Inkaar ahe abkey, iigu dhigay Kaydka,


Markii aad cafiga kaaga aad, igu asqaysiido,
-----
----
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk