Idaajaa ma la degey, 10-06-2018
Abwaankeenni weynaa, Murtiduu aruurshee,
waayo badan allifayey, intuu jirey abuurayey,
aawaye markaan dhaho, waxa laygu af xiraa, 
mar dhaw bay imaan oo, waxa haya Idaajaa,

Ilaahay amuurtiis, dunidaani aadkeed,
Yaabka iyo amakaag, Anfariirra badanaa?

goortuu ebyey ee, ku aruurshay buug weyn,
ayaamaba gudahood, eebbaa ka oofsaday,
halkii loo ahaan jirey, uga yeeray maqribkii,

Idaajaase ma la degey, Murtidii Abwaankiyo,
Yamyam Ereyadiisii, ma afkuu u dhigtay oo,
yiri waan ku aasaa,  Qabriguu Abwaankii,
u hoydaan agtaw dhigi, miseba waxan la aqoon,
oon cidi ogayn iyo, amar kale ayaa jira?

mise aynabid iyo, masabbidaa amuudshoo, -----
adduunyada halaagee, Idaajaaba mabuu oga,
eedaadka jira iyo, waxa loo arooraa?

war intii taqaannoo, adreeskiisa haysiyo,
in Alloo helaysaay, Idaajaa xusuusiya,
oo dhaha abwaanow, ma nin iyo xoolihiis,
kalama ay haraan buu, arrinkaagu uu yahay,
fadlan 
--------
----
-----


---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk