i arkaay dhammaantiin, 22-10-2018
i arkaay i arkaay, Gaangis inkaaranya,
Waddaniga ooyayee, Gaajadu ay dilatow, 

Cunsuri inkaaranow i arag, Waddaniga baahanow i arag,

Idinkoo baahanoo, Dalkaan u dhashaan,
anigoo Qaxootiya, sharcina aan lahayn,
Gaarigan iibsadee, Isha igu kala fura,

iibsaday gaarigaan, aydnaan iibsan karin,
aawaye cunsurigiyo, Calaankaan u imee,
aan aadeyn shaqee, ayaantuu gaajoodo,
eeddiyo baahidaa, Ajnabi saari jirey?

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk