Huluqa loo heeso - 06 Apr, 2006
Maansadaan yar ee Huluqa loo heeso oo soo baxday 06-04-2006 waxay ku saabsantahay
sida adduunyadu u liidato iyo sida uu dhuunigu u xukumo oo dhankii ay doontaba ugu
jeediso qofkii aan mabda'  adag lahayn, waana tan:-

Adduunyadu inay Haawi tahay,    laga hayaamaayo
hanqalkana u taag kii yiraa,    lagu halaajaayo
oo Shilinku kala hiilliyaan,    idin haleelsiine
hareertiinna eegoo ka daya,    huluqa loo heeso
iyo Hanadka Caay loo huree,    lugu huruufaayo
Qurux loo hibeygaana eeg,    Guurki laga hoojey
oo Foolxumana hoo la yiri,    Timo-haldhaaleyda
iyo doqonka loo haajiree,    laga hibaysaayo
oo Diraca Holaciyo Cidlada,    looga kala haaday

mar haddaan Ninkii halabsan jirey,    Hibo ku waareynin
oo Subaxa Mawtku uu helaa,    Gacanta haataayo
Diintaad hubtaa ood Jannada,    ugu hoyaadeehe  ----
iyadow hilow oo ka samir,     Haraca beenaadka !

haddiiseed hanweynaato eed,   Labada haybsaydo
siduu Hobol horeba noo hagee,    yirina Hawraarta
Hanti niman lahayn Hoorriyow,    laga hayaamaaye
Adigoo Xalaal heerin oo,     Dhididkanow hoorin
Hawdkaa gashaa ama Waddada,    Heed ku karisaaba
isu hawl sidaad Halo kuwaa,    ugu hoyaadeyso.  ----
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk