Huluqa loo heeso - 06 Apr, 2006
Maansadaan yar ee Huluqa loo heeso oo soo baxday 06-04-2006 waxay ku saabsantahay sida adduunyadu u liidato & sida uu dhuunigu u xukumo oo dhankii ay doontaba ugu jeediso qofkii aan mabda'  adag lahayn, waana tan:-

Adduunyadu inay Haawi tahay, laga hayaamaayo,
hanqalkana u taag kii yiraa, lagu halaajaayo,
oo Shilinku kala hiilliyaan, idin haleelsiine,
hareertiinna eegoo ka daya, huluqa loo heeso,
iyo Hanadka Caay loo huree, lugu huruufaayo,
Qurux loo hibeygaana eeg, Guurki laga hoojey,
oo Foolxumana hoo la yiri, Timo-haldhaaleyda,
iyo doqonka loo haajiree, laga hibaysaayo,
oo Diraca Holaciyo Cidlada, looga kala haaday,

mar haddaan Ninkii halabsan jirey, Hibo ku waareynin,
oo Subaxa Mawtku uu helaa, Gacanta haataayo,
Diintaad hubtaa ood Jannada, ugu hoyaadeehe,  ----
iyadow hilow oo ka samir, Haraca beenaadka,

haddiiseed hanweynaato eed, labada haybsaydo,
siduu Hobol horeba noo hagee, yirina Hawraarta,
Hanti niman lahayn Hoorriyow, laga hayaamaaye,
Adigoo Xalaal heerin oo, Dhididkanow hoorin,
Hawdkaa gashaa ama Waddada, Heed ku karisaaba,
isu hawl sidaad Halo kuwaa, ugu hoyaadeyso.  ----
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk