Hoyataye allow hooyadey haro jannaad seexi - 08 Dec, 2004
Haadi'ow xumaan ka hufanow,   Mahadu kuu heellan
waxan qiri inad Haaddi tahay,   keligi haystaana
uuna jirin Ilaah kale Harkiyo,   Koonkan kugu haysta  --
Nabi Muxammad Haashimi Cabdiyo,   Hawl karihi Diinta
waxan qiri Hoggaankiyo inuu,    yahay Halyeygeenni
Nabaadiinan kuu haybshey iyo,   Haybad Naxariisa

Xamdigiyo Furfuradkii haddaan,   Hilinka qaadsiiyey
Kariimow Milkiilaha Heddiyo,    Haarrig iyo Raaxo
keli Hodon keligi hayste aan,    lagula hawshoonin
wax ka soo haree Amar leh aan,   Koonka lagu haynin

wax wax kula hantiya oo jiraan,   Labo ku haasaawin
lama haynin lama haayo oo,   lamana hayn doono
Adigow horreeyoo Allow,   horey u soo joogey
Adigaw dambeeyoo haddana,   Eebbe hari doona.

Adaa Meel cidlaa ka hindisoo,   jire habeynaaya
inta kale waxaagii horey,   kala hogeeyaane
Adigaa Hanuunshaa wixii,   qaata Hadigaaga
oo haddana Halaajaa wixii,   diida Hadigaaga
Cid kalena haddey heli karee,   waxay hammoonayso
Nabigaa u hoyn lahaa Adeer,   harac Firdawsaade
ku xir hadalka juuqduu gaboo,   xiran Hawraartaaye
 
Intaan Adi ahayn Haarrigliyo,   Habaqle weeyaane
Horreeyiyo Dambeeyaba Adoo,   Hanti leh mooyaane
Adoo keligi haystaa Allow,   Hodana mooyaane
inta kale Hunguri baa wadiyo,    Baahi hurinaysa

wixii Adiga kaa soo haree,   loogu Hebel yeero
In horiyo In joogtiyo Intii,   Haatan iman doonta
wixii aad Halbawlaha jartaan,    Kaalmo loo heline
Cid Anaa u hiillaa tirina,    Horey u mey sheegan
haddii uu Ibliis haatiyey,    Haatan kibirtaana
way hafani Fircoon iyo sidii,   Qoladi haamaane !

Hadduu Horin u hiishiyo hadduu ,  Uunka wada haysto
Midad hiiftay baan weligi helin,   wuxu u haaraa e
ma hargalo Midaad hoojin ood,    Nolol ka haateeye
ma harqamo Midaad haaban ood,   Huub ka bixinayso

ma dulmidid Hal Khayrliyo Midaan,    Diinta haramayne
qof kastana wuxuu halabsadaad,   Hoorso oraneehe
welibana In heelaad tirtaa,   Hore u dhaaftaaye
isku soo hulqiye Hibadu waa,   waxad hannaysaaye
Hoogtana Allow waa Ciddaad,   Adi halaajayso.

Aniguna Halkaas baan ihiyo,   Hebelladaan sheegay
Hal ka mida Addoommadan ahoo,   waan hoggaansamiye
sida Awr Hayina baan Rarkiyo,   Hilayga qaadaaye
Ibliis bay hayoon Haatan aan,   la herjedaayaahe
inu igu hiluu doonayaa,   waxay halaajaaye.
anna sida Nin Beer Haad ka galay,   Maro u haataaya
Hoyhoyda Qayliyo Car baan,   ku hurgufaayaaye

Haddeer baan Afeef Hiishanoon,   Hoolka sii dhigane
Allow waxan hilmaamiyo waxaan,   Khalad u soo hoorsho
helay inad cafee Labada ood,   hooli ood tiriye
Halgankaanse Shaydaankan Baas,   kula haliilaayo
Halgaaddaan ku rido een holeen,   Dhagax ku hoobaayo
haleeshii Wadnaha oo la xoor,   waan ku haybsadaye

Waa Hudur Ibliis Cadow ahoo,   Hooro weyne ahe
kama haysto Hibo tiisa iyo,   Halo kuwiisaaye
ma arkayo halkuu joogo iyo,   Muuqa Haraggiise
isna Haragga muuqdiyo bal daa,   Heegadaa sare e
Himmogolobka Dhiigguu ordaa,   kuna hoyaadaaye.

Waxan Hooska kiisiyo arkaa,   Hootadiyo Soorka
ayaan ugu hujuumaa halkaan,   ugu hagaagaaye
amaan Hiil u doontaa halkaan,   uga helaayaaye
Hortaydaa wax joogoon arkeyn,   ina huruufaaya
Maaro looma haayoo Allaa,   lagu halleeyaaye.

Yaa Haaddi Haad loo kacaba,   Hiil adaa gala e
oon Deeqa lagu haybsadaa,   kugu ahayn Hawle
Sacabbada Anoo hoorsan oo,   Sare u haataaya
yaan Hoorka daadinon Ilmada,   hibitiqleynaaye
oon Luqunta hoogaaminoon,   Hebed ahaanaaye

Sida Ruux Gu'yaal haajiroo,   Waalli ku hadaafay
Shimbiraha la heesaaya oo,    Hawdka ku abaaday
oo aan Heddiyo kala aqoon,   waxa u hiillaaya 
Haamaan ka dhaanshaa Hawiyo,   Gebiyo haawaa e

inkastoon Allow Haykalkiyo,   Hilibka buurnaado
Harraadkaad arkee iyo Allow,   Huurkan iga muuqda
oon sida Nin Orod soo hayoo,   Dhawr Habeen gudayey
aan Dhidid u hooraayo oon,   una hinraagaayo                 
oon Arar u soo horay marshiyo,   Ereya Hawraara
Hooyaan Galliinkeed ahoon,   kuuna hoos imide
wixi aan ku haybsado Allow,    ii hibee cawada
oo Hurdada Baryaan uga kaceen,   haygu soo celin

Hooyo Aaminood uumatood,   hanatayood leedahay
oon Hebello kugu haysta jirin,   Hayb ku raadsanaya
Halkii ay ku dhalatiyo haddaan,   Waayo hore eego
Hambalyiyo Carfuudiyo dhulkii,   Heer Nageys degayey
Noloshiyo Hiddihi Aabbeheed,   lama huraankiiya
Dab-ku-dhabe Habaaskii jiriyo,   Boor Hawada buuxshey
Higlaygii Jaleel Beerahay,   Haad ka dhicinaynsey
Habeen Dheelmad Himmammawgi ay,   Ari hor boodeysey
Lebimaay hareerteedi iyo,   Hubuqdi Xaasweyne.

Haadaanti Doloq iyo Dhegliyo,   Meelo Hagardaamo 
oo hantaatiqeeyoo Fartiyo,   Suulku kala haaday
Xaynuur Hashii Heetisiyo,   Halo Abaar jooga
oon Haro Biyood iyo lahayn,   Webi hareereeya
Hanfigii Warshubo oy Darxumo,   ugu hagoogeysey
oo Biyaha laga haybsho oo,   jiro Harraad weyni
oo Fuusto laga hoorsho oo,   la isku Haaraamo.

Omasooro lagu hoobtay ee,   looga kala haaday
Aabbena Go'doon uu heloo,    Sebenku heeteeyey
Hooyadey Halkaas bey Cidlada,   keli ku hootowday
oo Adaa Warkeed haaya oo,   joogey Hilinkaase
un buu Malagga haadaahi yimid,   Hiifta uga qaaday  
way ka soo huleeshoo Adaa,   soo hayaansadaye
Adaw horay hibooyoo Allow,   Haatanna ka qaaday
Hoyataye Allow Hooyadey,   Haro Jannaad seexi.
  
Hooyo Aaminood uumatoo,   Hibada taadaana
Adduunyadi Adoo soo hayoo,   soo habeynahayey
baad Haaddi soo oofsatood,   soo hayaamidaye
Allow soo hijrootoo Adduun,   kala hadaafeene
Allow kuu hilowdoo Adey,   kuu hanweyntahaye
mana hayso Ciday hoos tagtiyo,   Hoysimaad kale e
Hurgumadi Adduunkiyo Allow,   Haahdi Sakaraadka
Allow Raaxo hurudsii si uu,   uga haraa Daalki

Hanfi bay ka soo haajirtiyo,   Horor Adduunyaade
Hoobaan bislaatiyo Allow,   Hohob Cagaar weyn leh!
Hawlihii Adduunkee Allow,   Muuqi harameeyey
Har qabow leh Hodon aan dhammaan,    Hoo dheh Idankaaga!
Habrihii Xantiyo Duunyadey,   Shalay ka haareysey
Hablo Xuural Caynoo Allow,   Sheeko halabsiiya! 
  
Anigana Ducey ii hurtoy,   ii huleelidaye
iyo Ubadka aad Haaddi'ow,    Hibada ii siiso
inteenaan Hareeraha Adduun,   joogo Hammadayga
iyo Ehelka kaygee Halkiyo,   Hore u geeryoodey
nugu hay Halkii loo bogee,   Huurka laga dhawray
oo Nolol hagaagtiyo na sii,   Caafimaad Hanada
hadhowtana haleeshii naftaan,   Hooyadeed gacalo
iyo Nabigi Heer Haashimee,   Qurux hillaacaayey
--

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk