Hoyataye Allow hooyadey Haro jannaad seexi - 08-12-2004
Haadi'ow xumaan ka hufanow,   Mahadu kuu heellan,

Waxan qiri inad Haaddi tahay, keligi haystaana,
uuna jirin Ilaah kale Harkiyo, Koonka kugu haysta,  --
Nabi Muxammad Haashimi Cabdiyo, Hawl karihi Diinta,
waxan qiri Hoggaankiyo inuu, yahay Halyeygeenni,
Nabaadiinan kuu haybshey iyo, Haybad Naxariisa,

Xamdigiyo Furfuradkii haddaan, Hilinka qaadsiiyey,
Kariimow Milkiilaha Heddiyo, Haarrig iyo Raaxo,
keli Hodon keligi hayste aan, lagula hawshoonin,
wax ka soo haree Amar leh aan, Koonka lagu haynin,

wax wax kula hantiya oo jiraan, labo ku haasaawin,
lama haynin lama haayo oo, lamana hayn doono,
Adigow horreeyoo Allow, horey u soo joogey,
Adigaw dambeeyoo haddana, Eebbe hari doona,

Adaa Meel cidlaa ka hindisoo, jire habeynaaya,
inta kale waxaagii horey, kala hormeeyaane,
Adigaa Hanuunshaa wixii, qaata Hadigaaga,
oo haddana Halaajaa wixii, diida Hadigaaga,
Cid kalena haddey heli karee, waxay hammoonayso,
Nabigaa u hoyn lahaa Adeer, harac Firdawsaade,
ku xir hadalka juuqduu gaboo, xiran Hawraartaaye,
 
Intaan Adi ahayn Haarrigliyo, Habaqle weeyaane,
Horreeyiyo Dambeeyaba Adoo, Hanti leh mooyaane,
Adoo keligi haystaa Allow, Hodana mooyaane,
inta kale Hunguri baa wadiyo, Baahi hurinaysa,

wixii Adiga kaa soo haree, loogu Hebel yeero,
In horiyo In joogtiyo Intii, haatan iman doonta,
wixii aad Halbawlaha jartaan, kaalmo loo heline,
Cid Anaa u hiillaa tirina, Horey u mey sheegan,
haddii uu Ibliis haatiyey, Haatan kibirtaana,
way hafani Fircoon iyo sidii, Qoladi haamaane,

Hadduu Horin u hiishiyo hadduu, Uunka wada haysto,
Midad hiiftay baan weligi helin, wuxu u haaraa e,
ma hargalo Midaad hoojin ood, Nolol ka haateeye,
ma harqamo Midaad haaban ood, Huub ka bixinayso,

ma dulmidid Hal Khayrliyo Midaan, Diinta haramayne,
qof kastana wuxuu halabsadaad, Hoorso oraneehe,
welibana In heelaad tirtaa, Hore u dhaaftaaye,
isku soo hulqiye Hibadu waa, waxad hannaysaaye,
Hoogtana Allow waa Ciddaad, Adi halaajayso,

Aniguna Halkaas baan ihiyo, Hebelladaan sheegay,
Hal ka mida Addoommadan ahoo, waan hoggaansamiye,
sida Awr Hayina baan Rarkiyo, Hilayga qaadaaye,
Ibliis bay hayoon Haatan aan, la herjedaayaahe,
inu igu hiluu doonayaa, waxay halaajaaye,
anna sida Nin Beer Haad ka galay, Maro u haataaya,
Hoyhoyda Qayliyo Car baan, ku hurgufaayaaye,

Haddeer baan Afeef Hiishanoon, Hoolka sii dhigane,
Allow waxan hilmaamiyo waxaan, Khalad u soo hoorsho,
helay inad cafee Labada ood, hooli ood tiriye,
Halgankaanse Shaydaankan Baas, kula haliilaayo,
Halgaaddaan ku rido een holeen, Dhagax ku hoobaayo,
haleeshii Wadnaha oo la xoor, waan ku haybsadaye,

Waa Hudur Ibliis Cadow ahoo, Hooro weyne ahe,
kama haysto Hibo tiisa iyo, Halo kuwiisaaye,
ma arkayo halkuu joogo iyo, Muuqa Haraggiise,
isna Haragga muuqdiyo bal daa, Heegadaa sare e,
Himmogolobka Dhiigguu ordaa, kuna hoyaadaaye,

Waxan Hooska kiisiyo arkaa, Hootadiyo Soorka,
ayaan ugu hujuumaa halkaan, ugu hagaagaaye,
amaan Hiil u doontaa halkaan, uga helaayaaye,
Hortaydaa wax joogoon arkeyn, ina huruufaaya,
Maaro looma haayoo Allaa, lagu halleeyaaye,

Yaa Haaddi Haad loo kacaba, Hiil adaa gala e,
oon Deeqa lagu haybsadaa, kugu ahayn Hawle,
Sacabbada Anoo hoorsan oo, Sare u haataaya,
yaan Hoorka daadinon Ilmada, hibitiqleynaaye,
oon Luqunta hoogaaminoon, Hebed ahaanaaye,

Sida Ruux Gu'yaal haajiroo, Waalli ku hadaafay,
Shimbiraha la heesaaya oo, Hawdka ku abaaday,
oo aan Heddiyo kala aqoon, waxa u hiillaaya, 
Haamaan ka dhaanshaa Hawiyo, Gebiyo haawaa e,

inkastoon Allow Haykalkiyo, Hilibka buurnaado,
Harraadkaad arkee iyo Allow, Huurkan iga muuqda,
oon sida Nin Orod soo hayoo, Dhawr Habeen gudayey,
aan Dhidid u hooraayo oon, una hinraagaayo,              
oon Arar u soo horay marshiyo, Ereya Hawraara,
Hooyaan Galliinkeed ahoon, kuuna hoos imide,
wixi aan ku haybsado Allow, ii hibee cawada,
oo Hurdada Baryaan uga kaceen, haygu soo celin,

Hooyo Aaminood uumatood, hanatayood leedahay,
oon Hebello kugu haysta jirin, Hayb ku raadsanaya,
Halkii ay ku dhalatiyo haddaan, Waayo hore eego,
Hambalyiyo Carfuudiyo dhulkii, Heer Nageys degayey,
Noloshiyo Hiddihi Aabbeheed, lama huraankiiya,
Dab-ku-dhabe Habaaskii jiriyo, Boor Hawada buuxshey,
Higlaygii Jaleel Beerahay, Haad ka dhicinaynsey,
Habeen Dheelmad Himmammawgi ay, Ari hor boodeysey,
Lebimaay hareerteedi iyo, Hubuqdi Xaasweyne,

Haadaanti Doloq iyo Dhegliyo, Meelo Hagardaamo,
oo hantaatiqeeyoo Fartiyo, Suulku kala haaday,
Xaynuur Hashii Heetisiyo, Halo Abaar jooga,
oon Haro Biyood iyo lahayn, Webi hareereeya,
Hanfigii Warshubo oy Darxumo, ugu hagoogeysey,
oo Biyaha laga haybsho oo, jiro Harraad weyni,
oo Fuusto laga hoorsho oo, la isku Haaraamo,

Omasooro lagu hoobtay ee, looga kala haaday,
Aabbena Go'doon uu heloo, Sebenku heeteeyey,
Hooyadey Halkaas bey Cidlada, keli ku hootowday,
oo Adaa Warkeed haaya oo, joogey Hilinkaase,
un buu Malagga haadaahi yimid, Hiifta uga qaaday, 
way ka soo huleeshoo Adaa, soo hayaansadaye,
Adaw horay hibooyoo Allow, Haatanna ka qaaday,
Hoyataye Allow Hooyadey, Haro Jannaad seexi,
  
Hooyo Aaminood uumatoo, Hibada taadaana,
Adduunyadi Adoo soo hayoo, soo habeynahayey,
baad Eebbe soo oofsatood, soo hayaamidaye,
Allow soo hijrootoo Adduun, kala hadaafeene,
Allow kuu hilowdoo Adey, kuu hanweyntahaye,
mana hayso Ciday hoos tagtiyo, Hoysimaad kale e,
Hurgumadi Adduunkiyo Allow, Haahdi Sakaraadka,
Allow Raaxo hurudsii si uu, uga haraa Daalki,

Hanfi bay ka soo haajirtiyo, Horor Adduunyaade,
Hoobaan bislaatiyo Allow, Hohob Cagaar weyn leh,
Hawlihii Adduunkee Allow, Muuqa harameeyey,
Har qabow leh Hodon aan dhammaan, Hoo dheh idankaaga,
Habrihii Xantiyo Duunyadey, Shalay ka haareysey,
Hablo Xuural Caynoo Allow, Sheeko halabsiiya, 
  
Anigana Ducey ii hurtoy, ii huleelidaye,
iyo Ubadka aad Haaddi'ow, Hibada ii siiso,
inteenaan Hareeraha Adduun, joogo Hammadayga,
iyo Ehelka kaygee Halkiyo, Hore u geeryoodey,
nugu hay Halkii loo bogee, Huurka laga dhawray,
oo Nolol hagaagtiyo na sii, Caafimaad Hanada,
hadhowtana haleeshii naftaan, Hooyadeed gacalo,
iyo Nabigi Heer Haashimee, Qurux hillaacaayey.
--

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk