Hormuudkii Isgaarsiinta 02-10-2005

Hebel iyo heblaayooy, horta hore Salaan guud,
marka xiga hannaankii, iga hoo hormuudkii,
is gaarsiinta hodonkaa.

Hadal haan ma buuxshee, in hormuudki ay tahay,
waxad heli warkeygaa, halow ood tiraahdoy,
halhaleel u booddoy, hawadaa ku geysaad,
adigoo hambaabbiray, Hurdo dheer ka soo kacay,
hiyigaaga oo wayn, baad oran hormuudey,
yaa yaqaan halkeedoo, hoygeed i geynaya ?

Hebel iyo heblaayooy, anna kii habeeyiyo,
hawl wadeen haddaan ahay, ruuxa haybinaayoo,
hormuud raadsanaayoo, saa ugu hiloobaan,
u hagaa halkeedee,

Lambar aan habaabeyn, adna aad hilmaameyn,
oo aad is hawleyn, khayrkaana haybeyn,
qoro oo habeysoo, waa tanaa Ha'diisee:

00 2521 65 00 00.
---------------------


Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk