Hormuudey hortaa jirey 16-12-2005
Maansadan HORMUUDEY, oo soo baxday 16-12-2005, markaan Jabuuti ka soo laabtay ee aan Xamar imid ayaan ogaaday in ay shirkadda Hormuud jebisay qiimihii shirkad kale markey kaligeed ahayd qaaliyeysay, markaan Jabuuti ka soo wacayneen Xamar soo wacayno, Daqiiqadda qura waxay ahayd 9 doollar, markay Hormuud timidse raqiis bay noqotay, SD, waa tan maansadii:-

Horta hore hormuudeey, iga hoo salaan guud,
marka xiga hormuudey, anigoo halaaggii,
hooggiyo siraadkii, huurkii qiyaamiyo,
hor ilaahey eegaya, waxad tahay hormuudkii,
bulshadaan habeennimo, habacluhu habawshee,
dariiqii ka haatiyey.

Aan sii hanqariyee, inaad adi hageysaan,
marag waxaan u haystaa, hanqallooc billaawgii,
bulshadaan halkeebay, ku sugnayd hortaa iyo,
kala haadki dabadii.

Shicibkaan haduurkiyo, qaybsaday haraadigu,
hororkiyo ayaantuu, kacaankii habaarraa,
ka huleelay meeshaan, ee uu hormuudey,
Uga tegey hayaay iyo, haybhayb Qab-iil iyo,
herdenkiyo colaadaha, hilbahooda waatuu,
haadkiyo dugaaggiyo, hintifaa u sii waray,

Ha yeeshee hormuudey, halkoodii herjedey ee,
kahayaamay geerida, wuxu ruuxa huro oo,
biimaha halaaggaa, Badweyntaa hindiya iyo,
huuriga ku sii jiro,

Hedda lama huraayee, intoodii hingootoo,
geeridu haleeshoo, hirku uu la sii tegey,
koodii ka sii haray, wuxuu sii hijroodee,
isagoo hinraagaya, markabkii hareer mara,
sacabbada u haatiyo,

Hawadii isbayn iyo, helmet kool dhulkiisii,
haawaay markuu tegey, ku shaqey handood oo,
haruubkii gumeystaa, hoo Heenso lagu yiri,

U hoyaad miskiinkii, meelan hooyadiis iyo,
hiil aabbe uu jirin,

Si kastaba hormuudeey, markuu doollar helayee,
soo xusuustay hilinkiyo, halkii uu ka soo tegey,
hodon iyo shingaaniyo, Huriwaa kuwii jirey,
ee holon colaad iyo, rasaasti holcaysee,
reer hebel ridaayeen, wixii ay hambaysiyo,
habqankii ka soo haray, haddii uu hayaankii,
diri lahaa haleeliyo, Biil heerrihii taga,

Berigaas hormuudey, waxan jirin hannaankii,
haatuf lugu xiriirshoo, hanti loogu sii shubo,

Sidaa baa hormuudey, gaajiyo harraad iyo,
hanfi iyo Kulayl ay, xiriir li'i ku haysaa,
hormuudey hortaa jirey,

Hooyiyo carruurteed, gidaar bays hor gooyoo,
way kala horraayeen, hayeeshee markaad timid,
ayey hogol da'aysaa, bulshadii u hoortoo,
nolol soo haweysteen.

Faraskaba hormuudey, ha ka badiyo orodkaa,
haaro loogu yeelee, waxa aan ku haybsaa,
inad sii hellido ood, hawsha sii habeysaa,
ha laguu hiloobee.

Aan soo haf siiyo, soo hoorsho gabagee,
anigoon hawraartaan, oo aan ku hiifayn,
oo aan hafreyn baan, inkastood hannaankii,
beeca lagu helaayiyo, horumarinta ganacsiga,
ahayd himilladaadii, dayntuba hir doogliyo,
Mar bey Hibo u dhigantee, waxa aan hayaa oon,
hormuudey caddeynaa, bulshadaan habowgaa,
inad adi hab siidood, berigaa u hiilliday.

ee yoomka hawlkee, dhar la'aan la haaraa,
een geed higlaa ee, la hargali karaa jirin,
ilaahay harkiisiyo, carshigiisa hoos jog.
---------------------


Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk