Hormuudey hanuunoo, 08-02-2006

Farriintan baa mobile-keyga ku soo dhacday 08-02-2006  Hormud Center 252101 walaal ka faa'ideyso fursadda qaaligaa oo soon caawa oo ah caashuuraa ha laguu dhaafo sannadkii horee. 10 Caashuuraa Muxarram  markaa baan ugu yar celiyey:

Hormuudey hanuunoo, Soonka ina haleeliyo,
hadalkaaga qaatee, adigana hormuudey,
sidii Haaddi' uu yiri , Hilin khayr tilmaamuhu,
waxa uu helaayaa, inta uu helaa kii,
khayrka loo hagaayoo, waa xaddiith horeetee,

haddiisen hiloobeen, duco soo hiddeyn lahaa,
Sentiskey haf siin oo, hallow waxan ku oran lahaa,
bey iga hafuuqsee.

Inkastoodse hiilkiyo, harsimaha i dheertahay,
anaa kuu huraayee, Holonkii qiyaamiyo,
inad Hiif ka gudubtaan, ha ajiibo weynuhu.
---------------------


Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk