Hormuud hooyadeed 01-12-2005
Hormuud hooyadeed iyo, hawl wadeennadeedaay,
dhawr jeer hayaay iyo, dacwo soo hagaajoo,
hawadaa ku tuuroo, isu hawlay toosoo,
imid hoosadaad ee, ma habkiyo hannaankaa,
hareertiinna marayood, heli Karin agoontii ,

Mise hawlahaan baad, Jaanis aad u haynood,
Himmammow ku araggiyo, waqtigii Habeennimo,
baa idinka hiilliyey?

Mise waa halkii ay, Afrikdu ku hoyatee,
hawlahaad ka huruddeen ?

Bal wax soo habeeyoo halka nalaga haystiyo
hawraarta soo saxa .
---------------------


Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk