Hooyo guri Aqal, 25-08-2015
- Aqal hooyadiis oday markuu, aado shaqadiinna,
- adna hawsha gurigiinna iyo, Ubad culuuntiisa,
- labadaa u soo jeed harkii, ha u dhawaan jiifka.

markaa odagu wuu dhici habeen, daalka aawadiye
adna daalki ubadkaad la dhici, hawshi aqalkiinna,
ubadkuna tacliin buu la dhici,  iyo duruustiisye,
aqalkaasi liibaanyey oo, gaaryey amalkiisi.

haddii aadse hooyada gurey, seexato aroorta,
duhurkiina aad sii dhacdee, casarka aad jiifto,
habeenkiina aad garab dhacee, odaga reerkaaga,
Allaylehe dabayshayo idlaa, Eber dheh qoyskaasi,

Allaylehe Qoys aad hagtaa, inu dabayshaayo,
hooyo Qoyska aad u tahay, inu dabayshaayo



---------------------
maalintaana uu aawadiin, daal u soo gelayo
adna hawsha gurigiyo carruur,  aad wax barihayso
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk