Hooyadaa ka eexoo markaa, Aabbo uga eexo,
ayeydaa ka eexoo Anfaco, sii Awoow keliya,
waa amarka haystoo ku riday, Uub somaalida e,
oo gebi qaxooti u arkoo, wada agoonteeyey,
ee Allow awooddaada weyn, nooga celi uubta.
13-04-2013
01- Awowgaaga aabbaad taqaan, labo awoowgiise,
02- car bal sheeg ayeey aabbo iyo, labo ayeeydeed ah,
03- ama sheeg ayeey hooyo iyo, labo ayeeydeed ah ?

04- sheegi maysid ayeydaadi oo, xiran albaabkaase,
05- waadiga xusaya odaygi oo, qalaya awr weyne,
06- miyaad aragtay Beel habar xustoo, ubadka soomaala ?

07- xusid iyo xusuusteeda daa, xiran abaalkaase,
08- faraciyo awlaaddeedi baad, gawrac ugu jiidday,
09- oo duhurya laylkaad madfaca, jiibta ku asqaysay,

10- inkaar hooyo inad doogsatood, goysey ehelkeedi,
11- ood odaygi uga hiillisoo, Eexu kula taallo,
12- iiga noqo marqaatiyo inaad, caasi tahay eebbe.

13- Doombire dir waa ina dir irir, ina samaalaaye,
14- ilmo daarood hooyey u tahay, diri awowgoode,
15- dirtan iyo hawiyow abtiya, ubadki daaroode,
15- abtiyaal haddey dilahayaan, sow ahligan maaha ?

16- diri ubadki uu sii dhaliyo, faraci uu reebay,
17- hawiyahana irir baa dhaloo, ina samaalaaye,
18- abtibaw noqdeen ee haddey, rixinki gooyeene,
19- ubadkii walaashood dilaan, sow ahligan maaha ?
  
20- mursal karanle waa murusadoo, lama aqoon wayne,
21- ilmo gidirey karanlow abtiya, yahay abkoodiiye,
22- hadduu ubadkii gidirey dilaa, araxda goynaayo,
23- isna ubadkii gidirey dilaan, sow ahligan maaha ?

24- somaalidu haddey gebi ahayd, sida an soo sheegay,
25- arxan gooye raxmaddii Allihi, aad u kala dheere,
26- nabaddaan an nayroobi iyo, addis ka raadeyno,
27- intaan rixin xiriireyno uun, sow arruman maahan ?

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk