Habaryar iyo hallalaad - 08 Nov, 2004
Maansadan Habaryarey & Hallalaad oo soo baxday 8 dii November 2004, waxay timid kadib markay Habaryartey Faaduma AdeerAxmad Maxamuud Guuleed, ay Degmadii Wardhiigley inta ay ii soo karisay Oodkac, oo Go' weyn la soo huwatay, kula soo lugaysay waddadii dheerayd ee Barxaddii Wardhiigley, la soo fuushay Dalcaddii Florenza Hotel ilaa isgoyskii CaliKamiin, kadibna halkaas Bas kala soo raacday ee Ex-Control Balcad, Warshadii Kookada cusbayd iigu keentay, 

iyadoo markay salaaddii subax tukatay la soo dheelmatay, lana soo dhex maratay Tuugo Faragoy ah oo aad mooddo Tabbeelle dariiqyada ka baxay, iyadoo weliba caafimaadkeedu wanaagsanayn, markaas ayaan aad uga murugooday dhibaatada iyo Halista aan Habaryartey u sababay, taasi ayaan ku soo xusuustay Alle Jannadii Firdawza ha hibeeyee Abtigay C/Raxiim AdeerAxmad oo aan ilaa 2 ama 3 bil markaan joogaba xoogaa yar ugu soo dhiibi jirey 2 nin oo taar igula shaqey jirey siiba mid ka mid ah, kuna dhihi jirey Abtigey wuu xanuunsanyahay godadkan magaaladan burburtay ma soo mari karee gurigiisa ugu gey, uu mar kastana i oran jirey Mootadaydaan qaatoo gurigaan ugu geeyey, albaabka horuu fadhiyoon ugu geeyey iwm, balse markaan Abtigey arkay ii sheegay inuu waxa uu u geeyeyba wax tirsan ahaayeen, taas oo aan aad uga naxay, oo intaan is lahaa abti ha ka habaarsan & weliba anoo aadaab ahaan & akhlaaq ahaan ka xishoonayey Abti ha ii yimaado, oo ah Walad u yeeraya Waalid, ay sidaasi ku dhacday, balsi aakhiraan xisaabtamaynaa, in kastoo isagiiba uu ninkii dad ugu dhawaa dilay, maansadaasi waxay ahayd:

Qof kastaba hagaajuu lahaa,   tuu Hareer maraye
Abtigaa hayaan kari mayoo,   waw Hantaatiqine
ha ku ridin Hadaamaha Beliyo,   meel Habaas badan leh
Hallalaad haddaad heli kartiyo,   Hiil wixii taraya
ugu gee halkuu joogo oo,    Hawl ha soo gelinin
intii aan Hannaankaa wadoon,   saa u heerinayey
ayumbuu Hadiid Tuuga iyo,   Hayr i soo dhacaye!
 
Ha yeeshee Anoon Habaryarey,   Halo ku siinaynin
Huriwaana aan joogo iyo,   Hodon duleedkeeda
dhulkan uu Hanfiga waalan iyo,   Hudurku yaacaayo
oo wixii Dariiq haadayaba,   Horay ka hooshaaya
adiguna wixii aad heshiyo,   Hilib la dheelmayso
ood Hiirta Waaberiga aad,   Hogogga jiirayso
 
intii aad Go' weyn huwayto ood,   Hoos u qari leeday
ayumbuu Hagoogtaada iyo,   Haahda Tuug  garane
ma Xaq baa inaan Hilin xumoo,   Hula ku qaadisiiyo
oo aan Dhurwaa hoobaqliyo,   Hilida kuu loogo
haddiiseen sidaa kuu hodeen,   Hiir ku soo kiciyo
Hiiftiyo Habaar Waalid waa,    lagu halaagmaaye
sow Huur Jaxiimaad Harkii,   laygu hagi maayo ?
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk